HomeSannad-guurada 28aad ee Maalinta Shuhadada Mujaahidiintii SNM oo Magaalooyinka Dalka laga xusay

Sannad-guurada 28aad ee Maalinta Shuhadada Mujaahidiintii SNM oo Magaalooyinka Dalka laga xusay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Sannad-guurada 28aad ee ka soo wareegtay dagaalkii qadhaadhaa ee Mujaahidiintii SNM iyo ciidamadii keligii taliyihii Siyaad Bare ku dhexmaray deegaanka Burco-Duurray 17-kii October, 1984kii, ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Hargeysa.

Xuska maalintan oo loo asteeyayey Maalinta Shuhadada SNM, sannad-kasta la qabto maalintan oo kale, waxa dagaalkaas ku geeriyooday mujaahidiin halbowle u ahaa halgankii SNM heeryada isaga ridaysay nidaamkii keli-taliska ahaa ee SNM, waxaana mujaahidiinta maalintan geeriyooday ka mid ahaa Mujaahid Maxamed Xaashi (Lixle).

blankMunaasibad maanta lagu xusay Maalinta Shuhadada SNM oo lagu qabtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Qaranka, Xildhibaanno, Mujaahidiintii ururka SNM, Guddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta ee Sooyaal iyo Marti-sharaf kale, in kasta oo aanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dhexmuuqaan shakhsiyaadkii ka qayb-galay xusan.

Dadka munaasibaddaas ka hadlay oo isugu jiray mujaahidiin iyo xildhibaanno ka tirsan golaha Baarlamanka, ayaa si weyn uga hadlay qiimaha ay leedahay maalinta oo kale iyo daryeelka ay u baahan yihiin aqoomihii ay ka tageen mujaahidiintii u shahiidday ciiddooda hooyo.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa Saraakiishii Hoggaaminaysay halgankii hubaysnaa ee SNM oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa xukuumadda Xisbiga uu ka tirsan yahay ku dhaliilay sida ay uga gaabisay inay weynayso xusaska halgankii dib u xoraynta dalka loo soo maray.

blank
Maxamed Kaahin iyo Ibraahim Dhega-weyne

“Waxaanan u ducaynayaa intii ka shahiiday mujaahidiinta oo aynu leenahay ILAAHEY naxariistii jano ha ka waraabiyo, waa shuhado xaq darro ka soo dagaalantay , maalintan waxa aynu iskugu soo min guurinay in la xuso dhamaan shuhadadii SNM,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin oo Duceeyey Mujaahidiinta dalkooda u shahiiday, waxaanu intaas ku daray, “Inkasta oo aanay maalin wada dhimanin ee ay maalmo kala jaad ah wada dhinteen, maalinta waxa loo qaatay waxa ka mid ahaa dadkii maalintaa shahiiday Maxamed Xaashi Lixle oo ah ragii ugu qiimaha dheeraa ugu taariikhda dheeraa ugu halganka adkaa ee gudaha ka soo bilaabay ayaa ka mid ahaa ragii shahiiday.”

blankMaxamed Kaahin oo ka hadlayay taariikhdii xuskan wuxuu yidhi, “Waana maalintii ay tiradii ugu badnayd ay goob ku wada dhimato, waana maalintii ay dhawr iyo labaatan kale meel ku wada dhimatay, dabadeedna dhawr iyo kontonkaa Mujaahdi lagu wada aasay meel isku wada mid ah. Dhaqdhaqaaqii wadaniga Soomaaliyeed ee 1981-kii aasaasmay iskamay aas aasmin ee uu waxa uu u aas aasmay duruufo, waxaanaynu duruufahaasi kala mid ahayn jabhada badan oo nooceena oo kale ah oo dunida oo dhan ka abuurmay, waxaana jabhadaasi waxa ay ka dagaalamayeen u dheeraa dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed xabaalo wadareedyadan ilaa imika la helo ee ilaa inta u dhaxaysa Gabiley iyo Ceerigaabo laga helo, kuwaasi ayaa ka gaar ahaa ee wax umadda Soomaaliyeed oo dhan lagu wada sameeyey may ahayn ee wax cid gaar ah loogu talo galay ayey ahaayeen.”

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu xukuumada ugu baaqay inay ka qeyb gasho munaasibadaha lagu xusayo halgankii dib u xoraynta dalka, waxaanu yidhi “Waan ka xumahay waxa ay ahayd inay xafladan Wasiirrada Xukuumaddu joogaan lagama maarmaan ayey ahayd, waxaanan Madaxweynaha leeyahay maalintan 17 October xukuumaddu waa inay joogtaa oo ay ka muuqataa.”

blankDhinaca kale, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac( oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa deyro ka muujiyey xaaladda nololeed ee qoysaska ay ka baxeen mujaahidiintii SNM, “Waxa aan leeyahay nimankii Mujaahidiinta ahaa waa la dhayalsaday oo cidlaa lagaga tagay,”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray, “Hooyooyinkii masaakiinta ahaa  waa laga tagay oo waxay noogu yimaadaan baarlamaanka hortiisa.”

Xildhibaan Nac-nac, waxa uu intaasi ku daray “Afar bay dhashay (hooyo uu tusaale u soo qaatay) oo saddexd baa dhintay kii u hadhayna wuu waalan yahay ayay ku odhanaysaa, wallaahi maalintaa qaddayn-maysid,”ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaanu ugu baaqay xukuumadda iyo shacabkaba in wax loo qabto dadkaas, “Waxaan leeyahay dadkaasi waa la dhayalsaday ee wax la loo qabto  oo wax ha la taro.”

Sidoo kale, Maalinta Shuhadada SNM waxa munaasibado si weyn looga xusayo lagu qabtay magaalooyinka Berbera iyo Burco halkaas oo ay dadweynaha kala qayb-galeen masuuliyiinta Heer gobol iyo Heer Degmo.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories