Home‘Sanam-dumin uma socotide, waxaad u socotaa Soor-doon (Qiso kaa yaabin doonta)

‘Sanam-dumin uma socotide, waxaad u socotaa Soor-doon (Qiso kaa yaabin doonta)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

qisoWuxuu yidhi Iimaamu Xasan Albasri, Alle ha u naxariistee: ‘Waxaa jiray Geed ay dadku caabudaan Illaahay sokodii oo caan noqday, dabeed nin wadaad ahaa ayaa arrintaas aad uga cadhooday waxaanu wacad ku maray inuu Gedkaas soo jaro. Maalintii danbe ayuu u qaatay waysada inuu u safro soo-jarista geedkaas isagoo horena u sii qaatay seef aad u afbadan, intii uu jidka ku sii jiray ayuu la kulmay nin waxaanu ku yidhi: ‘Sheekhow xaggeed u socotaa? Wuxuu ku jawaabay Geed meel xaggaas ku yaala oo dadku caabudaan ayaan ka cadhooday waanan soo jarayaa! Ninkii ayaa ku yidhi: ‘waar maxaad u jari sheekhow ilayn adigu ma caabudid geedkaas wax dhibana kuguma hayo adiga.’ Sheekhii ayaa aad uga cadhooday warka ninkaas waxaanu doonay inuu iska dhaafo isagoo aad u cadhaysan, laakiin ninkii ayaa ku soo booday isagoo doonaya inuu la dagaalamo Sheekha, dabadeed sheekhii iyo ninkii ayaa is qabsaday oo dagaal dhex maray, sheekhii ayaa ninkii legday, ninkii ayaa qayliyey oo yidhi, ‘Waar iga kac, waar iga kac!’ Sheekhii ayaa ka kacay oo hore u sii socday, markaasuu haddana ninkii ku soo booday. Mar labaad Sheekhii ayaa haddana ay is galeen ninkii mar labaadkiina sheekhii ayaa ninkii beerka kaga fadhiistay, sidii oo kale ayuu u qayliyey, sheekhii ayaa ka kacay hadana, ninkii ayaa yidhi markuu sheekhii kari waayey, ‘sheekhow waxaan ku idhi: Ma iska joogi haddaan subax kasta ku siiyo hal diinaar, Sheekhii ayaa si degdega isku bedelay oo yidhi: ‘haa,’ ninkii ayaa yidhi: ‘Subax kasta ka qaado birkimadaada hoosteeda hal diinaar oo danahaaga ku qabso, sheekhiina wuxuu yidhi: ‘hawraarsan iyo waa yahay’ Halkaas ayaa uu sheekhii geedkii iska daayey kuna noqday gurigiisii isagoo ku faraxsan inuu subax kasta ka heli doono birkinta hoosteeda Diinaar.

Markii Sheekhii dhowr subxood uu helay Diinaarkii, ayaa subaxdii danbe uu waayey halkii diinaar , sheekhii ayaa aad uga cadhooday inuu lacagtii waayey, dabeed seeftii ayuu la soo baxay oo wuxuu u dhaqaaqay xaggii Geedkii, maxaase dhacay?

Dariiqii markii uu sii dhex socday waxaa la kulmay ninkii maalintii hore la kulmay waxaanu yidhi: ‘Sheekh xaggee u socotaa? Wuxuu yidhi: ‘Waxaan u socdaa geed halkaas ah oo dad caabudaan ayaan soo jarayaa!

Ninkii ayaa ku yidhi: ‘Sheekhow geed soo jari mayside ma diinaarkii ayaad wayday. Sheekhii ayaa aad u cadhooday oo yidhi: ‘Maya, waan soo jarayaa’,

Ninkii ayaa ku soo booday sheekhii, dabadeed Sheekhii ayaa intuu kor u qaaday dhulka ku dhuftay, markuu soo kacayna haddana dhulka ku jiiday, markuu soo kacayna hadana legday, sheekhii oo naftu hayso oo naqaskii ku dhegay, ayuu ninkii la hadlay muxuu ku yidhi? ‘Sheekhow horta anigu Iblays ayaan ahay maantana waan kaa adakahay,

waxaanse ku waydiiyey laba su’aalood; Ta koobaad waxaa weeye Ma garanaysaa maalintii hore sababta aad iiga adkaatay? Maantase maa garan sababta aan dhulka anigu kuu jiiday?

Sheekhii ayaa yidhi: ‘Maya,’ Iblays wuxuu yidhi: Maalintii hore waxaad ahayd Mukhlis mumin Illaahay diintiisa difaacaya sidaas ayaad iiga adkaatay, maantase waxaan kaaga adkaaday ma tihid mukhlis diinta Alle u socda ee waxaad tahay nin Diinaarkii doonaya oo adduunyo u dagaalamay.’

Qisadani waxay inoo sheegaysaa wax kasta ama camal kasta oo aynaan ikhlaas ku darin inaanu Illaah inaga aqbali doonin.

Waxa kale oo ay inoo sheegaysaa qisadani in Iblays Cadaawad aad u balaadhan inoo hayo khaasatan dadka Ehlku diinka ah.

Haka baqan Iblays, ha baylihin Islaam, Oday xikmad badnaa ayaa sidaas odhan jiray Alle ha u naxariistee.

Qisadan waxaan ka soo tarjumay Kitaabka la yidhaaho ‘Kun Qiso iyo Qiso (1001 Qiso)

Tarjume: Hussein Jama Guudcade

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories