HomeSANAAG: Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Dhex maray laba beelood iyo...

SANAAG: Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Dhex maray laba beelood iyo Badhasaabka gobolka oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

ramaaxHARGEYSA (SLpost)- Hal qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay shan qof kale in ay ku dhaawacmeen dagaal shalay subaxnimadii dhex maray laba beelood deegaanka Dhaaddeeda oo ka tirsan gobolka Sanaag, sida uu sheegay Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo deegaankaasi wada dega ayaa la sheegay in uu ka dhashay muran dhinaca dhul daaqsimeedka ah, Meesha uu dagaalku ka dhacay oo qiyaastii 150KM oo dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Ceerigaabo, taas oo u dhaxaysa tuulooyinka Fiqi-fuliye iyo Goof.

Badhasaabku waxa uu sheegay in Shanta qof ee dagaalkaasi ku dhaawacmay qaarkood uu dhaawacoodu halis yahay, isagoo xusay in deminta shaqaaqadaasi ay ka hawlgaleen xukuumadda iyo maamulka gobolka Sanaag, isla markaana ay ku baxeen deegaanka ay wax ka dhaceen, ciidamo isugu jira boolis iyo miltari iyadoo dhinaca kalena ay joojintaasi arrintaasi ka qayb qadanayaan madax dhaqameed kala duwan oo ka kooban salaadiin, cuqaal, odayaal iyo waxgarad.

Ramaax isagoo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ceshiimo dhul ayay shaqaaqadu ka bilaabantay, ilaa hadda khasaaraha ka dhashay waxaan ogahay hal qof ayaa dhintay, dhaawacna ilaa shan qof ayaa la ii sheegay qaarkood waa halis dhaawacoodu.Ciidamadiina waanu wada hadalnay oo way ku baxeen, ciidanka qaranka iyo boolis labadaba iyo odayaal, anaga laftaydu diyaar garow ayaanu ku jirnaa waanan baxaynaa dhawaan, waxaanan rejaynaynaa in Illaahay hawshaasi nagu asturo oo aanay intaasi sii dhaafin.”

Sidoo kale Maxamuud Cali Saleebaan, oo aanu waydiinay waxa uu ka dhashay ama sababay dagaalka dhex maray labaddaba beelood waxa uu yidhi “Wuxu ka dhashay dagaalku waa ceshiimo dhul daaqsimeed, meeshani ceshiimaha labada walaalaha ah ayaa isku dila, wax ceshiimo la yidhaahdo oo aan gobolada kale ka jirin ayaa Sanaag ka jirta, halkan imika ay wax ka dhaceena waa meel mamnuuc ay ka tahay in ay cidiba ceshiimo ka samaysato. ilaa 150 KM ayay u jirtaa Ceerigaabo meeshan ay imika rabshadu ka dhacday waxaanay u dhaxaysaa Fiqi fuliyo iyo meesha la yidhaahdo la yidhaahdo Goof, waa Sool geri meeshii la odhan jiray, horena waanu uga dignay in aan cidi waxba ka samaysan karin, hase yeeshee dadkii ayuunbaa marka ay indhaha dawlada iska eegaan ayay dhul daaqsimeedkii la wada lahaa ceshiimo ka dhiganayaan”.

Badhasaabku, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayay in muddooyinkanba ay labadaasi beelood ee dagaalamay isku ciidan urur samayeen. Isaga oo meesha ka saaray in wax dhaqdhaqaaq dagaal u muuqdaa uu hore uga jiray deegaankaasi.

“Waxba kama jiraan taasi oo aniga laftaydu hada waxa aan ka sokeeyay gobolka waa laba cisho, wax allaale wax dhaqdhaqaaq ahi kama jirin. Saaka (shalay subax) ayaanay bilaabantay oo beelo isku soo guurray weeyi, dabadeedna tacshiirad ayaa bilaabantay laakiin ma jirin wax dhaqaaq ah ama abaabul dagaal ah oo ka jiray muddooyinkan deegaankaasi.”

Gobolka Sanaag ayaa ka mid ah goboladda ay inta badan ka dhacaan dagaalo soo noqda oo dhex mara dadka reer guuraaga ah ee wada dega, dagaaladaasi oo khasaare badan oo isugu jira   dhimasho iyo dhaawacba keena, badhasaabka oo aanu waydiinay waxa uga qorshaysan wax ka qabashada arrintaasi, waxa uu ku jawaabay, “Arrimo badan oo aanu anagu islahayn way hirgaleen oo waanu ka qabanay oo ah horta ceshiimadda dhulka in aanu joojino wax cusub in aan la samaynin oo kale, waanu ku dhaqaaqnay. Hase yeeshee tani waxay u baahan tahay siyaasad kale oo gebigoodaba lagaga saaro ceshiimo wax la yidhaahdo, waayo ceshiimo dhul meel wax laga beerana ma aha, wax faa’iido ah oo ay leedahayna lama yaqaano. mida kale ummadda lafteedii ayaa aragtay dhibaatooyinkeedda, oo mika runtii aad iyo aad uga soo taagan, waxaanay tahay in taasi laga yeesho siyaasad qaran oo laga hawlgalo.”

XAGASHO: DAWAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories