HomeSan Francisco: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal-iinsaanka Geeska Afrika oo Caawa Guddoomay Abaal-marin Caalami...

San Francisco: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal-iinsaanka Geeska Afrika oo Caawa Guddoomay Abaal-marin Caalami ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Afhayeenka Ururrada Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo Noqday Qofkii ugu horreeyey Qaaradda Afrika ee Abaalmarintan la guddoonsiiyo

San Francisco (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal Iinsaanka Geeska Afrika (Hornwatch) ahna Afhayeenka ururrada Xuquuqal-Aadamaha Somaliland, Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa caawa lagu guddoonsiiyey magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka Abaal-marinta Caalamiga ah ee The Judith Lee Stronach Human Rights Award oo sannad kasta la guddoonsiiyo shakhsiyaadka iyo Ururrada juhdiga galiya u dagaalanka Xuquuqda bani’aadamka iyo Cadaaladda.

suleiman-ismail-bulalehMunaasibadda loo qabtay guddoonsiinta Abaalmarinaha oo noqonaysa tii 17aad oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cadaaladda iyo Ku-ilaalinteeda (CJA) oo fadhigeedu yahay magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka, waxa sannadkan nasiib u helay guddoomista abaalmarinaha Qaalliga ah hay’ad u dhaq-dhaqaaqda Xuquuqda Aadamaha iyo Saddex qof uu ku jiro Saleebaan Ismaaciil Bullaale oo 20-kii sanno ee u dambeeyey ku dhex-jiray hawlaha xuquuqda Aadamaha iyo dadka laga tirada badan yahay ee Somaliland iyo Geeska Afrikaba.

Munaasibadda loo qabtay Abaalmarinaha ay bixinayso Xarunta CJA, waxa ka qayb-galay boqolaal qof oo isaga kala tagay Dunida dacalladeeda, kuwaas oo isugu jira daneeyayaasha Cadaaladda iyo ilaalinta Xuquuqal-Iinsaanka.

Suleiman oo Xafiisyadooda ku booqday HRW
Suleiman oo Xafiisyadooda ku booqday HRW

Saleebaan Ismaaciil Bullaale ayaa noqonaya Qofka kaliya ee qaaradda Afrika u dhashay ee la guddoonsiiyo  abaalmarinta Judith Lee Stronach oo loogu magac-daray haweenay u dhaq-dhaqaaqi jiray xuquuqda Aadamaha isla markaana ahayd aasaasihii Xarunta CJA, taas oo geeriyootay sannadkii 2002-dii.

Bixinta Abaalmarintan oo la bilaabay sannadkii 2007-dii waxa hore ugu guulaystay todoba isugu jira shakhsiyaad iyo Ururro u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Aadamaha iyo Cadaaladda, kuwaas oo u kala dhashay waddamada Maraykanka, Haiti, Guatamela iyo Peru.

Suleiman oo Xafiisyadooda ku booqday AMESTY International
Suleiman oo Xafiisyadooda ku booqday AMESTY International

Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa ah shakhsiyaadka faro-ku-tiriska ah ee labaatankii sanno u dambeeyey ku dhex-jiray hawlaha ilaalinta xuquuqda bani’aadamka iyo dadka laga tirada badan yahay, isaga oo sidoo kale si toos ah uga hadli jiray musuq-maasuqa iyo wax-is-dabamarinta ka jira hay’adaha dowladda iyo kuwa gar-gaarka.

Xarunta CJA, ayaa ujeedaddii loo abuuray ahayd in sharciga la horgeeyo shakhsiyaadka iyo ururrada lagu helo dambi ka dhan  ah ku-tumashada Xuquuqda Bani’aadamka, waxaana aasaasay  Haweenay la odhan jiray Judith Lee Stronach oo sannad kasta magaceeda lagu bixiyo abaalmarinta shakhsiga ugu mudan ee wakhtigiisa siiyey u-doodista Xuquuqda bani’aadamka.

YAA HORE UGU GUULAYSTAY ABAALMARINTAN? GUJI HALKAN

DADKA LA GUDDOONSIINAYO ABAALMARINTA SANNADKAN EE CJA, GUJI HALKAN

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories