HomeSamaanta Iyo Xumaanta Qofka Ku-wada Jira.

Samaanta Iyo Xumaanta Qofka Ku-wada Jira.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Boqor ayaa waxa uu ka codsay nin far-shaxanka ku wanaagsan in uu u sawiro Laba Muuqaal oo midna wanaagga ka turjumayo sida Malaa’kta, midna Xumaanta ka turjumayo sida Shaydaanka , wuxuuna Boqorku sheegay in uu labadan sawir hor dhigi doono goobaha lagu cimaadaysto, si dadku u arkaan, wuxuuna ninkaas far-shaxanka ah u balan qaaday in uu abaal marin mugweyn siindoono.

Ninkii Far-shaxanka ahaa, wuxuu muddo dheer u kuur galayey sawirkii uu wanaaga ku tilmaami lahaa , wuxuu fekeraba maalintii danbe ayaa waxa uu arkay wiil kuray ah , oo muuqaalkiisu ka turjumayo wanaag , farxad, danbi yarid , iyo qurux intaba, wiilkii ayuu daba galay, markuu gurigoodii galay ayuu waalidkii ka codsaday in uu sawiro wiilkooda oo uu dhawr maalmood horfadhiisto si uu uga bogto muuqaalkiisa, wuxuuna ninkan farshaxanka ahi u sheegay qoyska in uu siin doono lacag wanaagsan.

Wiilkii ayuu si wanaagsan uga bogtay , muuqaal qurux badana wuu ka soo saaray, isaga oo qurxin dheeraad ah ku daray. Bil ka dib waxaa soo baxay sawir muuqaal wanaagsan oo aad loola dhacay , sawir isaga oo kale ahna aan hore loo sawirin.
Ninkii Far-shaxanka ahaa muddo ka dib wuxuu u qalab qaatay sidii uu u raadin lahaa qof kale oo muuqaal Shaydaan uu ka dheegto, ninka Farshaxanka ahi-na wuxuu ahaa nin shaqadiisa daacad u ah , wuxuuna doonayey in uu qofkaas si wanaagsan u baadho ugana bogto, waxaana ku dheeraatay raadin iyo baadhitaankii qof uu muuqaalka Shaydaanka wajigiisa ka dheegto, waxayna ku qaadatay muddo gaadhaysa 30 sanno.

Boqorkii ayaa ka baqay in uu ninkan farshaxanka ahi dhinto isaga oo aan dhamaystirin labadii muuqaal, wuxuuna boqorkii ku dhawaaqay in la raadiyo qof muuqaal fool xun, waxaana loo balan qaaday qofkaas foosha xun in abaal marin la siin doono uu ku farxo hadii la soo helo.
Ninkii Farshaxanka ahaana ma uusan fadhiisane waxaa loo furay xabsiyada iyo goobaha ay ku sugan yihiin dadka nolosha ka dhacay, hasa yeeshee dhamaan dadkii uu arkay waxay ahaayeen dad caadiya oo aanu muuqaalkooda ka didin.

Maalintii danbe ninkii farshaxanka ahaa oo wado iska maraya ayaa waxaa ku soo baxay muuqaalkii shaydaanka ee uu raadinayey nin wata oo meel fadhiya wadada dhinaceeda ah , ninku wuxuu cabayaa Khamri, meesha uu fadhiyaana waa meel wasakhda iyo qashinka lagu daadiyo, oo muuqaalkiisana laga argagaxayo.

Ninkii ayuu ku soo dhawaaday wuxuuna u sheegay wuxuu rabo, wuxuuna u balan qaaday dhaqaale in uu siinayo, wuuna ka ogolaaday, wuxuu nodqay ninkii la raadinayey, Fool xumada ka muuqata , Urta qadhmuun ee ka soo kankamaysa, bidaar shan tin mid ba meel ka taagan tahay , sidii madax shaydaan, wuxuuna ahaa nin aan waxba u aabayeelin, xishoodna ka araday, korna u hadlaya oo qaylinaya, ilkana aan lahayn oo ay ka daateen.

Boqorkii ayaa loo sheegay in la helay ninkii la doonayey, boqorkii wuu ku farxay , waayo labadii sawir ee uu codsaday ayaa gabo-gabo ku dhaw.

Ninkii waxaa la horfadhiisiyey Farshaxankii , Ninkii Farshaxanka ahaana hawshisii ayuu si wanaagsan u qabsaday, ninkii muuqaalkiisii foosha xumaa muuqaale kale ayuu ku sii daray si uu shaydaan ugu sii eekaysiiyo,maalmo badana wuu soo horfadhiisanayey.

Xilligii sawirku gabagabada ku dhawaa ayuu arkay ninkii oo ilmo qoysay labadiisa dhaban , ninkii farshaxanka ahaa wuu yaabay , wuxuu ku yidhi ma waxaad u baahan tahay Khamri , mise meelihii saaxiibadaa ku badnaayeen, maxaad la ooyeysaa.

Ninkii oo OOHIN iyo Hadal isku daraya ayaa yidhi, mayee Mudane 30 sanno ka hor aniga oo wiil yara ayaad gurigayaga nagu soo booqatay, adigoo markaa wajigayga malaa’ikta iyo wanaaga ka dheeganaya, maantana waxaad wajigayga ka dheeganaysaa Xumaanta Iyo Shaydaanimada.

Waxaa ibadeshay Maalmihii iyo habeenadii noloshaydiina sidaas ayey ku danabaysay, Ninkii Farshaxanka ahaa iyo isagiiba waxay ilmo qoysay dhabanadooda iyaga oo daawanaya sawirkii yaraantiisi la sawiray iyo kii hadda la sawiray.

Dhamaanteen marka aynu dunida nimaadno waxaynu nahay caruur wanaagsan oo ilaahay inaga yeelay kuwo aan danbiyo lahayn oo malaa’ik oo kale ah , horena wuxuu ilaahay subxaanahu watacaalaa inoo su,aalay , miyaanan ahayn rabigiin, inaguna dhamaanteen ku dhawaaqnay haa ilaahayow rabbigayo ayaad tahay, hasa yeeshee inagaa isu eekaysiina shaydaanka oo ka gudba xadka.

Waa in aynu dhamaantee feejignaanaa , oo inaga oo qurux badan ayeynu ifka nimaadnaa, maaha in aynu ficilkeena isku fool xumaysiino.

Qofka-na waxaa dhexdiisa ku loolama wanaaga iyo xumaanta , waa in aanay xumaantu kaa adkaan.

Asad Adaani Ibraahim

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories