HomeSamaale Waa Dambiile Qaran Sharcigana in Lala Tiigsado Weeye

Samaale Waa Dambiile Qaran Sharcigana in Lala Tiigsado Weeye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Caqliga umada inuu caayo may ahayn Samaale sababtoo ah madaxwaynuhu ciduu taageeraayo xor ayuu u yahay sharci u diidayana ma jiro. maaha inuu yidhaahdo wax wayn baa dhici doona isagoo waliba sidaa ku ah musharaxaha jagada madaxwayne. umada somaliland ku dhaqani hadaladay deel qaafka ah ee naxliga iyo xasiloonida khalkhal galinaya ma ahayn inuu yidhaahdo oo qarankan ayuu dambi ka galay waxana weeye in talaabo sharciya laga qaado oo maxkamada lala tiigsado.

Samaale hadalkuu ku hadlay hadal munaafaq ayuu aha waliba sidaasu aayado quraan ah uu soo daliishanaayay, waxaa wax lala yaabo ah in Samaale mar walba aayo quraan ah usoo daliishado meel aan munaasib ku ahayn hadalkiisuna mar walba iyo aayada uu daliishanaya isaga dabarto umaduna kula yaabto. Dhamaan wasiirada is casilay waxaa umada u muujiyeen ineey yihiin kuwo fadhi iska daaye aan wali socod baran sababtoo ah siyaasadu waxaay rabtaa xeeldheeri, dulqaad,samir iyo adoo eegaaya mustaqbalkaaga siyaasada in wax badan aad qaydhinka ku liqdo sida mujaahid muuse biixi oo go’aan geesinimo ah qaatay malinkuu yidhi waan tanaasulay, waxaa bartaa ka arkaysaa bisaylka iyo qofka yoolka lihi inaanu wadada si dheyel dheyel ah aanu kaga baxayn. samaale iyo wasiirada is casilay qanjiidho ayay xamili waayeen halka rag iyadoo dube lala dhacaayo aanay ax ka odhan waayo waxa aay hiigsanayaan iyo waxa aay rabaan ayaa u cadaa. dhamaan wasiradaas is casilay waxaa hankoodi siyasadeed ku dileen ficil kooda ahaa iscasilaada aay iscasileen, waxaa kaloo intaa u wehelisa hadalada aay warbaahinta mariyeen ee raqiiska ahaa een macnaba ku fadhiyin een xataa garawshiyo aan lahayn.

Qarankan Somaliland umadiisa ayaa ilaashanaysa iyo dawlada aay dhisteen ciidan uheelan. hadii xeelad siyasadeed aay yeelan waayeen iyagoo wasiiro ka ahaa dalkan iyagoo maanta shicib ah malaha in umada aay naxli is yidhaahda ku abuurada. umadu waa ogayd samaale iyo wasiirada is casilayba maalintay hawadu u furnayd guulwadayntoodii maantana laga yeeli maayo wax yaabihii shalay marka dameer ciyo aay tv yada qaranka ugu kala dheerayn jirayn sidii aay ugu kala hor jawaabi lahayeen iyagoo difaacaya dawlada, maanta qaadan mayno waxii shalay aay ka dagaalami jireen in umada aay ula imadaan ee waa ineey gartaan in maanta iyagu caqligooda aay caayeen oo natuseen in marka horeba aanay ahayn dad bisil lakiin aay ahayeen dhiig miirato ku noolayd dhiiga umada oo malintii iyaga tooda aay noqotay haatan laga fadhiyi laayahay cabaad kooda.

Ummadda waxaa idin leedahay maalin haku xabeebsanina oo haku xiiqinee energy ga kaydsada oo mucaaridadan curdinka ah cagta u yara dhiga waayo umadu waa tii shalay idin ogayd markaad xilalka hayseen sidaad yeeli jirteen dadkana wakhti siiya hada warkiina diyaar uma aha dhagaysigiisa ee jab kiina waa ku riyaaqayaan safkana dabada ka qabsaday ucid iyo wadani daba istaaga.

W/Q: Aden Deeq

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories