HomeSaldhigga Booliska Qudhacdheer Xaggee Laga Xukumaa, Dhibtan Miyayna Ogayn Maamulka Ciidaanku Bilaysku?!...

Saldhigga Booliska Qudhacdheer Xaggee Laga Xukumaa, Dhibtan Miyayna Ogayn Maamulka Ciidaanku Bilaysku?! – W/Q: Abdillahi Adam

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xadhiga caruurta aan qaangadhin, garaaca/jidhdilka, iyo xabiska dadka bilaa danbiga ahi waxay ka mid tahay dhibta balaadhan ee uu caadaystay taliska saldhigga QUDHACDHEER. Waxaad ku arkaysaa inamo/hablo yaryar oo ku xidhan xabsigan, xadhiga waxaa u dheer garaac/jidhdil loo gaysto carruurtaasi, waxaa kaloo jira kuwo iyaguna markaasuun madaxa la galay inay xilo saamad noqdaan oo iyagoo wax danbi ah oo ay gaysteen ayna jirin la iska soo xidhxidho, iyagoo waliba sidii argagixisada guryahooda saqbadhka laga soo qabqabto oo waliba dadka maatida ah xoog loo adeegsado.

Carruurtii ciyaala xaafadka saldhiga ahayd waxay u qaybsameen wax MADHEERA loo dhaadhiciyey, kuwo hadda saldhiga ku jira TODOBAADYO iyo kuwo baxsad ah oo aan xitaa guryahooda u soo hoyan, iska daa inay si xor ah u ciyaaraan, oo ay hawaystaan mihnadda ay DHIGGOODA wadamada kale ku helaan MALAAYIINKA Dollar, waliba ay xaqa u lahaayeen ee garoonada loo sameeyey waqtiyada ay fasaxa ka yihiin waxbrashadii iyo hawlahoodii kaleba, qaar ka mid ah carruurta xaafaddaas saldhigu yahay oo aan arimahan wax ka waydiiyey ayaa ii xaqiijiyey in haddiiba la arko koox kubbad meel ku ciyaaraysa oo magac sheeganaysa in XABSIGA la dhigayo. Dadka waawayn ee xaafadda ayaan iyagana arintan wax ka waydiiyey ayaa ii sheegay in Taliyaha saldhiggu carruurta/dadka sababtuu u xidhxidhayaa ay tahay aano hore oo uu ka tirsanayo dadka deegaan ahaan ka soo jeeda xaafaddan oo dagaalkii sokeeye ee 1994-kii lagu dilay walaalkii iyo niman ay qaraaabo yihiin airport-ka dushiisa, dadka deegaanku waxaa kale oo ay intaa ku dareen in ninkii dhawaan lagu dilay wajaale arintan aargoosiga ah loo dilay oo uu falkaa fuliyey nin ay isku dhow yihiin qabiil ahaan, oo arintani aargoosiga ah ay ka siman yihiin oo ay kula socdaan reerkiisu. Arimahaas iyo kuwo kale oo badani waa wararka aad ka helayso soonaha uu saldhiggu maamulo taas oo keeni karta in dib loo soo xasuusto dagaalkii sokeeye e 1994-kii kaas oo dhibaato baaxad leh dalka u gaystay.
Si aan u hubiyo xaqiiqada wararkani oo aan arintani wax ka waydiiyey Axmed Dacawo ilmo yar oo ka mid
ah kuwan xidhan oo aan u imi ayaa waxaa uu taliye A.Dacawo iigu jawaabay hadalo aanan ka filayn oo
aflagaado iyo cay isugu jira.
Maaha markii ugu horaysay ee uu Taliye Axmed Dacawo ku kaco arin noocan oo kale ah, ee mar uu taliye ka ahaa Saldhigga wajaale wuxuu bastoolad ku qabtay Guddoomiyaha UCID faysal cali waraabe, waxaa kale oo uu kamaradii uu ka jajabiyey wariye la socday guddoomiyaha oo markaasi booqasho ku yimid Wajaale. Isku soo wada duuboo waxyaabaha uu ku kacayo taliye AXMED DACAWO waxay shaki galiyeen dadwayaha M. Haybe oo ay aaminsanyihiin in laga maamulo meel ka saraysa taliska bilayska JSL taas oo ku dhiiri galisa ama u fududaysa oo ku taageerta falalkan anshaxa iyo akhlaaqda Boliska ka baxsan ee uu ku kacayo Taliye Axmed Dacawo.
Waxaan ku talinayaa in Taliyaha ciidanka Police-ka JSL CABDILLAHI FADAL IIMAAN uu arintan si dagdag ah wax uga qabto oo Axmed Dacawo laga saaro list-ka ciidanka Police-ka JSL oo waliba ciqaab la xidhiidha danbigiisa la mariyaa.

Abdillahi Adam
Hargiesa Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories