HomeSALAXLEY: Musharax Bulshada ku Wacyigeliyay Qaadhashada Kaadhka Aqoonsiga iyo Codbixinta

SALAXLEY: Musharax Bulshada ku Wacyigeliyay Qaadhashada Kaadhka Aqoonsiga iyo Codbixinta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Sallaxley(SLpost)-Dr.Maxamed Xassan Xaashi (Finad), oo ka mid ah murashaxiinta u taagan jagada murashaxnimada golaha baarlamaanka dalkan jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay socdaal ugu anbabaxay deegaanno hoos taga degmada Sallaxley, socdaalkaas oo uu ugu kuur galaayay xaaladda nololeed ee dadka deegaanadaasi ku dhaqan islamarkaasna uu ku wacyigelinayey qaadashada kaadhka aqoonsiga iyo codbixinta.Finnad3

Socdaalkan oo ay murashaxa ku wehelinayeen odayaasha iyo cuqaasha deegaanku, ayaa waxay ugu horayn ka bilaabeen magaalada Dhimbil-riyaale, iyadoo markii ay halkaasi gaadheen weftiga uu hoggaaminayo murashaxu ay dadka deegaanka ah la hadleen isla markaana ay u sheegeen inay qaataan Kaadhka aqoonsiga iyo ka codbixintaba.

Odayaasha iyo wax-garadka magaalada Dhimbil-riyaale ayaa iyaguna si wayn usoo dhaweeyay weftiga uu hor-kacaayay murashax Maxamed Xassan Finad, iyagoona u sheegay weftiga inay u diyaar-garoobeen qaadashada kaadhahka codbixinta iyo aqoonsiga isla markaana ay diyaar u yihiin inay si weyn uga qayb-qaataan doorashada soo socota ee 2017ka.Finnad4 Finnad1

Weftigan oo socdaalkooda ku maray inta badan magaalooyinka hoos yimaadda degmada Sallaxley ayaa waxa kale oo ay sii mareen deegaanka balli-cas halkaas oo ay iyagana kala kulmeen soodhaweyn heerkeedu aad u sarreeyo.Finnad1

Deegaanada kale ee weftigu uu gaadhay ayaa waxa ka mid ahaa magaalada Kaam-Tuug oo xuduudka Itoobiya iyo Somaliland ku taalla, halkaas oo uu Murashaxu dadka deegaanka Kaam-tuug kala hadlay meel fagaare ah isagoona dadka deegaanka ugu baaqay inay isku diyaariyaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka codbixinta iyo kuwa aqoonsiga ee jinsiyada, isla markaana ay qayb uga qaadan lahaayeen ololaha wacyi-gelinta ee diiwaangalinta madaniga iyo codbixintaba.

Ugudanbeyntii, murashaxa iyo weftigiisuba waxay soo gaadheen xarunta degmada Sallaxley, halkaas oo sidoo kale dadweynaha degamada ku wecyigaliyeen qaadashada kaadhka aqoonsiga iyo kan codbixinta.Finnad2

Dhanka kale, weftigu ayaa u kuur galay xaaladda nololeed ee deegaanadaasi, iyagoo dadkii ay la kulmeen si fiican uga wareystay xaaladda guud ee deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Murashax Aqoonyahan/Dr.Maxamed Xassan Finad ayaa waxa uu socdaalkiisani noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, isagoona murashaxu ka mid ah murashaxiinta golaha baarlamaanka.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories