HomeSalaadiinta, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha GARXAJIS oo Kulan Taageero & Hambalyo ah...

Salaadiinta, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha GARXAJIS oo Kulan Taageero & Hambalyo ah la Qaatay Madaxwaynaha la Doortay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hormoodka, madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada iyo labeenta beelweynta Garxajis, ayaa kulan ballaadhan oo taageero iyo hambalyeyn isugu jira la qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Mudane, Muuse Biixi Cabdi.
FB_IMG_1512570399563Waxgaradka beesha oo ay xubno ka yihiin salaadiinta ugu magaca weyn beeshan oo ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Aadan Suldaan Faarax, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland, ayaa madaxweynaha gurigiisa ku booqday maanta, waxaanay si kal iyo laab ah u bogaadiyeen guushii isaga iyo ku-xigeenkiisu kasoo hooyeen doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday, iyaga oo Allena uga baryey inuu xilka u fududeeyo oo caddaaladda ku sugo, isla markaana waxay si cad ugu sheegeen inay si xilkasnimo leh ula shaqayn doonaan.
FB_IMG_1512570494839Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi, ayaa isna dhankiisa madax-dhaqameedka, waxgaradka, ganacsatada iyo hormoodka beesha Garxajis si qiimo iyo qadarin leh u soo dhaweeyey, iyadoo kulanka ay ku wehelinayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno sarsare oo hoggaanka xisbiga KULMIYE ka tirsan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo ay labada dhinac isugu muujiyeen inay si dhaw u wadashaqayn doonaan, isla markaana ay gacmaha isu qabsan doonaan sidii gebi ahaanba bulshwo-weynta reer Somaliland midnimadooda iyo wadajirkooda u sii xoogaysan lahaa oo aannu marnaba wiiqmin.
Xubno ka mid ah salaadiinta ugu magaca weyn geyiga Somaliland oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Aadan Suldaan Faarax iyo odayaal kale oo kulanka ka hadlay, ayaa madaxweyne Muuse Biixi u sheegay inay beel ahaan ka midaysan yihiin la shaqayntiisa iyo ku gacan-siinta arrimaha horyaalla, isla markaana ay ka go’an tahay in Somaliland oo gacmaha is wada haysataa garab istaagto madaxweynaha ku-xigeenkiisa la doortay, iyagoo ka codsaday madaxweynaha cusub inuu si cilmiyeysan wax uga qabto wixii tabasho ah ee jira.
Siyaasiyiin waaweyn oo beeshan kasoo jeeda oo ay ka mid yihiin Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa iyaguna hambalyeynta madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub ee la doortay tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay la shaqaynta madaxda cusub, isla markaana waxay isku raaceen sida ay ugu kalsoonyihiin Madaxweynaha cusub inuu yahay hoggaamiye midaynaya ummaddiisa.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha cusub ee loo doortay Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mahadceliyey hambalyada iyo taageerada wayn ee madaxdhaqameedka iyo odayaasha beelweynta Garxajis siiyeen, waxaannu u sheegay inuu talo, nasteexo iyo hogo-tusaalaynba marti uga yahay, isla markaana ay qayb ka yihiin qorshihiisa guud ee uu madaxweyne ahaan uu ka leeyahay dhammaanba beelaha reer Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intaas ku daray inuu diyaar u yahay fulinta qorshe caddaalad iyo sinnaan ku dhisan oo uu ka hirgeliyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan deegaannada kala duwan ee uu ka koobanyahay, isla markaana uu dhegaysan doono wax kastoo talo ah oo loo soo jeedinayo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories