HomeSalaadiinta SUBEER AWAL oo Bayaan ay soo saareen kaga digay Khatarta Kooxo...

Salaadiinta SUBEER AWAL oo Bayaan ay soo saareen kaga digay Khatarta Kooxo Fidno ka dhex-dhalinaya Shacabka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Salaadiinta Beelaha Subeer Awal oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey Shir uga socday magaalada Hargeysa, ayaa gunaanadka shirkooda ka soo saaray Bayaan ay ku saxeexanyihiin sagaal Suldaan oo uu hoggaaminayo Suldaanka Guud Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

blankBayaankaas oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan;

Ujeedo: Bayaan ka soo baxay Shir Sallaadiinta Beesha Subeer Awal

Shir ay isugu yimaadeenn dhammaan sallaadiinta Subeer Awal oo uu guddoominayay Suldaanka Guud ee Beesha Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo muddo laba maalmood ah a socday Guriga looga taliyo beesha Subeer ee magaalada Hargeysa ayaa laga soo saaray Bayaan.

Bayaankaas oo u dhignaa sidan:

Haddaannu nahay Sallaadiinta Beesha Subeer Awal oo uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beeshu Suldaan Xasan Suldaan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

Sidaannu hore u sheegnay waxaannu mar labaad cambaaraynaynaa dhacdadii  foosha xumayd ee lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxamadda Gobolka Hargeysay.

Mara xigta waxaannu aad iyo aad uga xunnahay waxa ayaamahan warbaahinta u soo noq noqonayay hadallo xambaarsan  fidmo-abuur iyo xaalado hor leh oo khatar gelin kara nabadgelyada iyo amniga. Haddallaad oo ka soo fulayay xubno ka mid ah sallaadiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda Beesha Habaryoonis.

Kuwaasoo farta ku fiiqayay in xildhibaanno, sallaadiin iyo culimmo ka tirsan Beesha Subeer Awal ay ka danbeeyeen falkii foosha xumaa ee dhacay, iyadoo dawladda iyo hay’adihii shaqada ku lahaa weli faraha ku hayaan baadhista kiiskaas, madaxda reerka ka tirsanina aanay marnaba u aanoobin falkaas .

Waxaannu aad iyo aad uga xunnahay maadaama ay Beelaha Habar-Awal iyo Habar-yoonis ay yihiin beelo wada dhashay oo ay ka dhaxayso xididnimmo, xigaal, dhaqan iyo deegaanba wanaag iyo sharafina dhex taalo in hadallada noocaas ah ee diifta lihi ka soo baxaan xubno sita magaca sallaadiinta iyo Xildhibaannada Habaryoonis.

Anagoo aaminsan inaanay xubnahaasi ka turjumayn Beelweynta Habaryoonis oo aan la qabin eedaha noocaas ah waxaannu ogsoonahay inay ay siyaasadaysantahay oo cid gaari dano ka leedahay.

Waxaannu kaloo, xukuumadda Somaliland u soo jeedinaynaa kuna adkaynaa inaanay halaynin raadka baadhiseed, gacan bir ahna ku soo qabato ciddii falkaas foosha xun geysatay abaalkeedana geysatay, abaalkeedana mariso oo cadaaladda la horgeeyo.

Salaadiinta iyo Xildhibaannada hadalladaasi ka soo yeedheen waxaannu kula talinaynaa inay ilaaliyaan nabada iyo wada-noolaanshaha shacabka, kana dhawrsadaan abuuritaanka fidmo ka dhex dhalata shacabka walaalaha ah ee nabadgelyada u wada nool.

  1. Suldaan Xasan Suldaan
  2. Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheekh
  3. Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi (Baxar)
  4. Suldaan Shariif Batuun
  5. Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele
  6. Suldaan Jaamac Cismaan Aadan
  7. Suldaan Ibraahin Suldaan Sulub Nuur
  8. Suldaan Maxamed Daahir Cilmi
  9. Suldaan Mawliid Cali Sabbeeye

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories