HomeSalaadiinta Somaliland Oo Horfadhiisisay Muuse Biixi Iyo Cabdiraxman-Cirro

Salaadiinta Somaliland Oo Horfadhiisisay Muuse Biixi Iyo Cabdiraxman-Cirro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee Somaliland ayaa shalay kulan isku horfadhiisiyay labada murashax ee xisbiyada KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Sidoo kale waxa iyaguna kulanka joogay xisbiga UCID.

15822949_378694232477257_5662711207992327301_n

Kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyay koox salaadiin ah oo ay ka mid yihiin Suldaan Cisman Suldaan Cali Madar, Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow),  Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Aadan Faarax iyo salaadiin kale, waxa markii u horaysay la isugu geeyay kulan qado ah oo ka dhacay hoteelka Maansoor, iyadoo markii dambe kulan fadhi ah la isugu tagay guriga Suldaan Ismaaciil.

Qodobkan ayay siyaasiyiintii ka socotay Waddani iyo KULMIYE oo ay kala horkacayeen Cabdiraxmaan-Cirro iyo Muuse Biixi, balan qaadeen inay joojinayaan islamarkaana bilaabayaan wada shaqayn cusub.

Qodobka labaad ayaa isna ahaa in la isla garto in doorashadu dib uga dhacdo wakhtigii loo qorsheeyay maadaama oo ay abaar adagi dalka ka taagantahay.

Qodobkan ayay saddexda xisbi kaga jawaabeen in loo daayo hay’adaha qaranka ee ku shaqada lihi inay go’aan ka gaadhaan arrimaha doorashada.

Salaadiinta ayaa aad ugu dheeraaday ka warbixinta xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo sida ay u adagtahay in doorasho qabsoonto March 2017, waxaanay xisbiyada u soo jeediyeen inay joojiyaan ololaha oo ay u gurmadaan dadkooda baahan ee abaartu heshay.

Dhinaca xisbiga KULMIYE, waxa ka socday saddex xubnood oo kala ahaa

 

  1. Muuse Biixi Cabdi

 

  1. Maxamed Kaahin Axmed

 

  1. Cabdicasiis Maxamed Samaale

 

Waddani

 

Xisbiga Waddani, waxa ka socday saddex xubnood oo kala ahaa

 

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

 

  1. Xirsi Cali Xaaji Xasan

 

  1. Xuseen Axmed Caydiid

 

UCID

 

Waxa xisbiga UCID ka socday saddex xubnood oo kala ahaa

  1. Maxamed Cali Madoobe (Jiir)

 

  1. Cabdinaasir Yuusuf Qodax

 

  1. Maxamed Xasan Khayre

Kulankan ayaa waxa qalbi furan ku soo dhaweeyay shacabka Somaliland oo ku dhego barjoobay hadalada taag-taagan ee ay labadan xisbi ee Waddani iyo KULMIYE hawada isu marinayeen maalmihii u dambeeyay, kuwaas oo walaac ku abuuray shacabka Somaliland.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories