HomeSalaadiinta Hargeysa oo ka jawaabay Qaylo-dhaan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Booliska...

Salaadiinta Hargeysa oo ka jawaabay Qaylo-dhaan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxa la innagu soo qaaday Duullaan oo waxa la doonayaa in Damiirkeena la dilo” – Taliyaha Booliska Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu miisaanka culus magaalada Hargeysa ayaa bogaadiyey hawl-gallada Ciidammada booliska ee la dagaalanka maandooriyeyaasha oo faro-baas ku haya bulshada dalka.

Salaadiin maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa ku hambalyeeyey Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Saraakiisha kale ee dedaalka ugu jira inay dalka ka xakameeyaan Maandooriyeyaasha Khamriga iyo xashiishadda oo dalka kasoo gala dhinaca xuduudka Ethiopia.

blankWaxa ay salaadiintani soo dhaweeyeen hawlgalka ay ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen shixnad badan oo Khamri ah oo lagu soo qariyey Jawaannada Jaadka oo uu shalay soo bandhigay taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Salaadiintu waxay Booliska u soo jeediyeen inay halkaas ka sii wadaan dedaalkooda oo ay dagaal ba’an la galaan maandooriyeyaasha la soo geliyo dalka oo halis ku haya dhalinyarada iyo guud ahaan bulshoweynta Somaliland.

Muuqaalkan kaga bogo Hadallada Salaadiinta oo maanta si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Hargeysa

In kasta oo ciidammada Booliska Somaliland si joogto u soo bandhigaan Khamri, Xashiishad iyo Dadkii sitay oo ay ku soo qab-qabtaan hawl-gallada la-dagaalanka maandooriyeyaasha ee ay ciidammadu ka sameeyaan magaalooyinka waaweyn ee dalka, haddana waa markii u horeysay ee madax-dhaqameedka Hargeysa ay sidan oo kale uga hadlaan, kuna hambalyeeyaan Ciidanka Booliska gacan ku-dhigista Maandooriyaha Khamriga ee Ciidanku shalay soo bandhigay.

Haseyeeshee, Khamriga Ciidanka Boolisku qabteen ee la soo bandhigay shalay ayaa ka duwanaa farsamooyinkii hore ee sida qarsoodiga ah loogu soo gelin jiray diray. Khamrigan, ayaa lagu soo dhex-qariyey Jawaannada Qaadka laga keeno Ethiopia oo ah badeecad ganacsi oo dhaqaalihiisa ay ku tiirsan yihiin Shacab tiro badan iyo Dawladda oo cashuur uga soo xerooto.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo shalay ka hadlay Khamri tiro badan oo lagu soo dhex-qariyey Jawaannada Qaadka oo Ciidammadu gacan ku soo dhigaan iyo Laaluus kumanaan dollar ah oo Ciidanka lagu baayacay, ayaa sheegay in umadda Somaliland damiirkooda iyo caqiidadooda lagu soo duullay si loogala dagaalamo horumarka bulshada, Diinta Islaamka iyo mustaqbalka dhalinyarada.

Waxa uu taliyuhu ka digay tabo iyo xeelado cusub oo maandooriyeyaasha si qarsoodi loogu gelinayo dalka, kuwaas oo uu sheegay inay Ciidan Boolis ahaan ka war-qabaan, gacan bir ahna ku qaban doonaan cid kasta oo ku lug leh ka-ganacsiga iyo soo-waaridista maandooriyaha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories