HomeSalaadiin Cabdiraxmaan Cirro Ku Eedeeyay Inuu Cid Gaar Ah Ku Wareejiyey...

Salaadiin Cabdiraxmaan Cirro Ku Eedeeyay Inuu Cid Gaar Ah Ku Wareejiyey Dhaxalkii Uu Beesha Balli-Gubadle U Ballanqaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Madax-dhaqameedka Beesha Gobolka Hawd Ayaa Ka Digay Cidhib xumada ka dhalan karta in la marin habaabiyo qaraarkii uu guddoomiye Cirro ku wareejiyey dhaxalka xisbiga WADDANi ee dhex maray waxgaradka gobolka Hawd iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Salaadiin, Cuqaal iyo wax garad ka soo jeeda deegaanka gobolka Hawd oo shir jaraa,id ku qabtay shalay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in guddoomiye Cirro uu cid gaar ah ku wareejiyey kursiga hogaanka xisbiga WADDANI.

untitled

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan farriin dheer iyo mid gaabanba uga dirayaa arrintii ka soo baxday warbaahinta ee gudoomiyaha xisbiga WADDANI ku sheegay inuu guddoomiyaha xisbiga uu uga kacayo beesha gobolka Hawd, arrintaas mar hore oo aanu ka hadalnay waxaanu ku nidhi waanu kaa guddoonay annaga oo dhaqankii gobolka ah, intaas ka dib waxaanu ogaanay inaanay arrintu ahayn sidii naloogu sheegay balse ay jiraan kooxo gaara oo shir doceedo waday, arrintaasna waanu ka ergaynay oo waxaanu nidhi shir doceedyada hala joojiyo, shakhsiyo gaara ayaana hawshaas wadata, markaa waxaanu sheegaynaa in arrintaas nalaga ergo diiday aanay ahayn tii aanu ku wada hadalnay hoggaanka xisbiga beel ahaan iyo gobol ahaanba, arrinkaasna wixi ka yimaada cidii hawshaas fulisay ayaa leh.” ayuu yidhi Suldaan Xuseen Xaaji

Sidoo kale Suldaan Cabdilaahi Laydh oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu yidhi “Markii Guddoomiye Cirro sheegay inuu guddoomiyaha xisbiga u banaynayo gobolka Hawd, waxaanu nidhi waxaanu uga tashanaynaa qabiil ahaan dibna waanu isku noqonaynaa, arrintaasna rajadeedii aanu sugaynay inaanu qabiil ahaan uga tashano markii aanu isku nimid waxa cadaatay in cid gaar ahi sidatay qoraal lagu siiyey balse aan la siin beesha, waanu ka ergaynay labadii garab, garabkii labaad saaka [shalay] oo u danbaysay waxaanu nidhi waar noo joojiya, run ahaantiina nalooma joojin waxaana nalagu yidhi waa arin dhamaaday.” Caaqil Khadar Bacood oo isaguna ka hadlay shirka jaraa,id ayaa waxa hadaladiisi ka mid ahaa “Halkan waxaanu iskugu nimid inaanu ka cadayno arrintii hore ee salaadiinta dhaqanka gobolka Hawd ay dadkooda u sheegeen in lagu wareejinayo gudoomiyaha xisbiga Waddani, arintaas mad madow badan ayaa soo galay waxaana si cad u muuqata inaan gobol, beel iyo umad aan waxba la siinayn ee dad gaar ahi ay si wax u mindi roortaynayso.” Ugu danbayna Jiif Caaqil Axmed Ciise Cumar oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu yidhi “Waxaan la qabaa salaadiinta hadal ka soo baxay guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo uu yidhi kursiga gudoomiyaha xisbiga waxaan uga kacayaa beesha gobolka Hawd, arrintaasi waxay ahayd boro bogaando uu cod kaga doonayo beesha ee laakiin aanay wax rasmiya ahayn, salaadiintu way ka gudoomeen waxaana ka xigay in laga soo tashado cida la siinayo iyo sida loo taageerayo taas oo waxba kama jiraan ka noqotay oo uu marka hore-ba cid gaar ah tunka ku sitay.” Ayay yidhaadheen.

Eedahan  ayaa ka dambaysay kadib markii Dhinaca Kale Kulan Xogtiisa Saxaafadda Laga Dhawray oo  ka dhacay magaallada Hargeysa ay labada hoggaan ee dhaqanka ee Beesha Gobolka Hawd ee uu kasoo jeedo Xil. Cabdiqaadir Jirde Iyo Beesha Galbeedka Burco ee Uu Kasoo Jeedo Guddoomiye Cirro ay qalinka ku duugeen heshiis rasmi ah oo muujinaya in Guddoomiyenimada xisbiga WADDANI Cirro dabadii ay la wareegi doonaan beesha gobolka Hawd oo uu hor kacayo xil. Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde.

 

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories