HomeSahra Halgan oo ku gacan-saydhay Amar Xukuumadda Siilaanyo kaga horjoogsatay Xuska Maalinta...

Sahra Halgan oo ku gacan-saydhay Amar Xukuumadda Siilaanyo kaga horjoogsatay Xuska Maalinta Shuhadada SNM

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Aniga Sahra Halkan-baa layidhaahdaa raggan uu sheegayo ee waddanka u dhintayna qaarbaan gacantayda ku aasay anigoo dumar ah, ku lugta la goynayo, ayaan madaxa hayey, ku la dhayayo ayaan intaan macawis u googoyno ku dhayi jirnay”

Hargeysa (SLpost)- Fanaanadda Caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan), ayaa ku gacan saydhay amar wasaaradda Arrimaha Guduhu kaga joojisay xuska 30-guurada maalinta Shuhadada SNM oo ku beegan maalinta Jimcaha, taas oo u qorsheysay inay ku qabato Hotel Hiddo-dhowr oo iyadu ay leedahay.

SNMSida ay Sahra Halgan ku soo bandhigtay shir-jaraa’id ay war-fidiyeennada xalay ugu qabatay Hotelka Hiddo-dhowr, war-qad uu ku saxeexan yahay Wasiirka ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Cilmi oo lagu socodsiiyey Xarunta Hiddo-dhowr, ayaa lagu war-geliyey inaanay xaq u lahayn qaban-qaabadda xafladda xuska maalinta shudahada isla markaana aanay hoteelkeeda ku qaban karin, balse ay Jimciyadda Mujaahidiinta ee SOOYAAL oo kali ahi xaq u leedahay qaban-qaabada xuska oo lag qorsheeyey in lagu qabto Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay lagu horjoogsaday qaban-qaabada xaflad ay iskeed isku xil-qaantay Fanaanadda Sahra Halgan.

Waraaqda xambaarsanayd amarka ee lagu socodsiiyey Hiddo-dhowr isla markaana ogeysiin la siiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha oo fanaanaddu u soo bandhigtay saxaafadda, ayaa u qornayd sidan: – “Sidaad ogtahayba waxaa ku sheegayaa in xafladda xuska Shuhadada ay maamulkeeda iyo qabashadeeda ay xaq u leeyihiin Madaxda Xafiiska Jimciyadda Mujaahidiinta SOOYAAL.

Haddaba waxaan kula socodsiinayaa inay madaxda J.M. SOOYAAL xafladda Shuhadada ku qabanayaan Maansoor Hotel, sidaa daraadeed, waxaan kula socodsiinayaa in aan hotelkaaga lagu qaban karin wax xaflad ah oo ku saabsan shuhadada Ururka SNM.”

Sahra Halgan waxa ay sheegtay inay maanta Sagaalka Subaxnimo ay munaasibadda ku qabanayso Hotelkeeda, waxaanay ugu baaqday cid kasta oo danaynaysa inay ka soo qayb-gasho xuskan inay soo dhawaynayso.

Sahra Halgan ayaa Sheegtay in Qoraalka lagu socodsiiyey ee lagaga Joojinayo Xuska maalintan ay u aragto Nasiib-darro aanay u hoggaansamayn, waxaanay qof kasta oo muwaadin ah, danaynayana xuska maalinta Shuhadada SNM ugu baaqay inay ka soo qayb-gali karaan xafladda ay u qaban-qaabisay oo ay sheegtay inay maanta qabanayso.

lolSahra Haglan oo arrimahan ka hadlaysay waxa ay tidhi, “Waxaan doonayey oo nasiib u helay soddon sanno ka dib in meel aan anigu leeyahay ku xuso soddon-guuradii mujaahidiintii dalkan u soo dhimatay, waa xil aan anigu kaligay isa saaray haddaan Sahra Halgan ahay. Magacan dhayal layguma bixin, magacan (Sahra Halkan) waan la soo baxay, qori afkiibaan kala soo baxay, raggii ilaa joogay ee Mujaahidiinta ahaa, waxa waajibka isaaran ee muwaadinimo yahay, haddii la iloobay oo la xusi waayey, inaan xuso.

Waxaan ka xumahay in iyada oo qof wal oo Somaliland ahi uu dareenkiisa kaligii ku xusi karo, in warqad la ii keeno, oo layidhaahdo warqaddani waxay kaaga timi wasaaradda Arrimaha Gudaha, qaybta Amniga.”

Sahra Axmed Maxamuud oo hadalkeeda sii wadatay, waxa ay tidhi, “Cid wal oo Somaliland ah oo danaynaysay mujaahidiintii dalka u soo halgamay, way u bannaan tahay inay xusaan, ha noqoto SOOYAAL ama mujaahidiin aan SOOYAAL ahayn ha ahaato. Waxaanan umadda u sheegayaa reer Somaliland Berri 9-ka subaxnimada (Saaka) in albaabkaygu u furan yahay qof kasta oo garanaya raggii u dhintay dhibka, xannuunka iyo silica ay u soo mareen.”

Sahra Halgan waxa ay soo dhawaysay si kasta oo loo weynayn karo karaamada mujaahidiintii Dalka u soo halgamay, balse waxa ay ku doodday in qof kasta oo muwaadin ahi xaq u leeyahay, xorriyadna u haysto xuska Shuhadadii xoreynta dalka u dhimatay.

“Aniga Sahra Halkan-baa layidhaahdaa raggan uu sheegayo ee waddanka u dhintayna qaarbaan gacantayda ku aasay anigoo dumar ah, ku lugta la goynayo, ayaan madaxa hayey, ku la dhayayo ayaan intaan macawis u googoyno ku dhayi jirnay. Waxaan u sheegayaa raggan wasiirrada lagu sheegayo, anigu wasiirba uma haystee, inaanay naga siyaasadaynin maalinta shuhadada.

Maalinta Maansoor lagu qabanayona waa mid aad u qurux badan, maxaa yeelay markii hore guriga shaqaalaha ayaa lagu qaban jiray, inay derejo inoo korodho innagoo mujaahidiin ah aad bay u qurux badan tahay,” sidaas ayay tidhi Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan).

In kasta oo Sahra Halgan ugu baaqday masuuliyiinta xukuumadda in aan la siyaasadaynin xuska maalinta Shuhadada, Wasaaradda arrimaha guduhuna ay ku sababaysay go’aankeeda in Jimciyadda mujaahidiinta ee Sooyaal oo kali ahi xaq u leedahay xuska maalinta, haddana lama oga ilaa immika sababta ka dambaysa go’aanka wasaaradda Daakhiliga, haseyeeshee waxa laga war-hayaa in fanaanaddu dhowaan si rasmi ah ugu biirtay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories