HomeSahamiye Foundation oo Agab Caafimaad loogu talo-galay Masaajiddada ku wareejiyey Xukuumadda Somaliland

Sahamiye Foundation oo Agab Caafimaad loogu talo-galay Masaajiddada ku wareejiyey Xukuumadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dalladda Sahamiye Foundation oo uu dhawaan aasaasay Mulkiilaha shirkadda Worldremit Ismaaciil Axmed, ayaa maanta wasaaradda caafimaadka Somaliland ku wareejisay agab caafimaad oo kala duwan.

Agabka ayaa ka kooban 1, 300,000 Gafuur-xidhka lagaga hortago faafitaanka caabuqa Coronavirus iyo 50,000 oo xabbo oo ah dareeraha lagu nadiifiyo gacmaha.

blankMulkiilaha Shirkadda WorldRemit Ismaaciil Axmed oo sidan oo kale Agab Caafimaad hore ugu wareejiyey xukuumadda bishii April ee sannadkii hore, waxa uu agabkan ugu talo-galay kuna caawiyey bulshada Somaliland, xilli uu dalka si xooggan ugu faafay caabuqa Coronavirus oo sababa ama keena Cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Agabka ayaa si gaar ah loogu talo-galay in loo qaybiyo masaajiddada maadaama lagu gudo-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado, isla markaana si bilaash loogu qaybiyo dadka ku tukanaya masaajiddada Salaadda Taraawiixda ee xiligan Ramadaan.

Madasha Shirkadda Sahamiye ku wareejiyey Agabka waxa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo isaguna ku wareejiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo maamul ahaan ay wasaaraddiisa hoos-yimaaddaan Masaajiddada dalku.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

Daladda Sahamiye Foundation oo uu Aasaasay Ismaaciil Axmed, dhawaanna lagu daah-furay magaalada Hargeysa, ayaa Somaliland ka caawin doonta dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ku gedaaman horumarka Somaliland, waxaanay deeqdani noqonaysaa wax-qabadkii u horreeyey ee inta laga ogyahay ay Dalladda Sahamiye ku tallaabsatay tan iyo markii aasaaskeeda lagu dhawaaqay 7-dii bishan April 2021-ka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories