HomeSahamiye Foundation: Barnaamij Xal loogu raadinayo Caqabadaha ku gedaaman horumarka Somaliland oo...

Sahamiye Foundation: Barnaamij Xal loogu raadinayo Caqabadaha ku gedaaman horumarka Somaliland oo Hargeysa lagaga dhawaaqay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Aasaasaha Shirkadda xawilaadda lacagaha ee Worldremit Ismaacil Axmed ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daahfuray Dalladda Sahamiye oo ah urur samafal oo diiradda saaraya sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ugu waaweyn ee ku gedaaman horumarka Somaliland.

blankMunaasibadda daah-furka dalladda Sahamiye oo ku qabsoontay magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, Aasaasaha Shirkadda Worldremit, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xisbiyada Mucaaadka, Xildhibaanno, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.

Ganacsade Ismaaciil Axmed ayaa ballan-qaaday inuu mashaariicda Dalladu fulinayso ku maalgelin doono lacag dhan $500 milyan oo isugu jira hantidiisa iyo lacago kale maalgeshi 10-ka sanno ee socda.

blank“Tobanka sano ee soo socda, hamigeygu waxa weeye inaan inaan ku bixiyo $ 500 milyan oo ka mid ah hantidayda iyo maalgashiyada barnaamijyada horumarinta ee diirada lagu saarayo Somalilandm,” sidaas ayuu yidhi Ismaaciil Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibadda.

Dalladda Sahamiye oo xarunteedu noqonayso magaalooyinka London iyo Hargeysa, waxa wax-qabadkeeda diiradda lagu saari doonaa hirgelinta mashaariic lagu horumarinayo tacliinta, Caafimaadka iyo kaabayaasha Dhaqaalaha ee guud ahaan gobollada Somaliland. Waxa la qorsheeyey inay dalladu  mashaariicaha horumarineed ee dhinaca waxbarashada ku taageerto in ka badan 1 milyan oo dhalinyaro iyo carruur isugu jira si ay u helaan waxbarasho ku filan isla markaana kor loo qaado boqolkiiba 50 heerka Dadka waxbartay ee Somaliland oo xilligan lagu qiyaaso boqolkiiba 45 iyadoo la gaadhsiinayo boqolkiiba 90 oo ah yoolka loo asteeyey in la gaadho sannadka 2023-ka.

blank
vice president Saylici speaking at the launching ceremony of the foundation

Ganacsade Ismaaciil Axmed oo ka hadlayey sababaha ku dhaliyey hirgelinta Dalladda Sahamiye, waxa uu yidhi, “Somaliland waa Qaran iskii isku dhisay iyadoon caawin dibadda laga helin, waxay hirgeliyeen farsamo tekhnolaji iyo hal-abuur ganacsi si ay u gaadhaan horumar aan marna laga fikirin inay suurtogal tahay. Sidaas oo ay tahay haddana Somaliland waxay wali wejahaysaa caqabado xagga horumarka ah oo u baahan inay helaan maalgeshi si loo hirgeliyo koboc dhaqaale, adeegyo caafimaad oo wanaagsan iyo horumar.” Sidaas waxa yidhi Ismaaciil Axmed oo munaasibadda ka hadlay.

“Waxaanu aaminsanahay inay jiraan fursado bannaan oo saamayn la taaban karo oo macno leh ku yeelan kara nolosha dadka Rejada iyo hamiga leh iyo ganacsatada reer Somaliland ee saamaynta ballaadhan ee togan ku leh mustaqbalka dalka iyo gobolkaba,” ayuu yidhi Ismaaciil.

blankMadaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa u mahadceliyay ganacsadahaas, waxaanuu sheegay in tahay talaabo fiican oo uu dalkisa iyo dadkiisaba waxa ku taray.

Barnaamijka wax-qabadka Sahamiye Foundation, ayaa noqonaya mashruucii ugu ballaadhnaa ee samafal ah ee lagaga dhawaaqo gudaha Somaliland, kaas oo waxtar ballaadhan ka geysanaya sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha la taaban karo ee gedaaman hirgelinta horumar taabba-gal ah oo ka tisqaada dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories