HomeSafiirka Turkiga u Qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Oo Booqasho Afar Maalmood ah ku yimid...

Safiirka Turkiga u Qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Oo Booqasho Afar Maalmood ah ku yimid dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Waxaan u socdaa sidii loo sii wadi lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya”

Hargeysa (SLpost)- Safiirka Turkiga u fadhiya Somaliland/Soomaaliya Cemalettin Kanu iyo wefti uu Hoggaaminayo oo Ganacsato ah ayaa socdaal shaqo oo qaadan doona muddo afar maalmood ah ku yimid Somaliland, waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Safiirka Turkiga oo ka hadlay booqashadiisa ayaa sheegay inay la xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa wax-wada qabsiga labada dal. Waxa kale oo uu tilmaamay inuu u socdo sidii loo sii ambo-qaadi lahaa wada hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya ee dalkiisu marti-gelinayay.

safiirka Turkiga 2

“Waxa ka mid ah ujeedada socdaalkayga sidii loo sii wadi lahaa wada hadaladii dalkayga Turkigu marti-gelinayay ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, inkasta oo ay jirraan mawduucyo siyaasiya haddana waxaan rajaynaynaa in la sii wadi doono wada hadaladan,”ayuu yidhi Danjiraha Turkigu.

Safiirku waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa Somaliland, waxaanu xusay in wadankiisu kala shaqayn doono horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqaalaha.

“Waxa maanta inoo yimid Safiirka Turkiga iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayo oo ka yimid dalka Itoobiya, ujeedada socdaalkooduna waxa uu la xidhiidhaa sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo siyaasadaba,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre oo ka mid ahaa Wasiirradii soo dhaweeyay weftigaasi.
safiirka Turkiga
Weftiga ka socda dalka Turkiga waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirrada Qorshaynta,Beeraha iyo Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga, mudada afarta maalmood ah ee ay ku sugan yihiin Somaliland waxay booqan doonaan qaar ka mid ah magaalooyinka dalka oo ay u kuur-galayaan xarakaadka ganacsiga.

Waxa kale oo lagu wadaa inay kulan la yeeshaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories