HomeSafiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya oo Ka Jawaabay Eeddo loo Soo Jeediyay,...

Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya oo Ka Jawaabay Eeddo loo Soo Jeediyay, Sheegayna in aan Deeqaha Waxbarasho lagu Qaybin Qaab Beelaysan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

.

Hargeysa (SLpost) Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Ambassador Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), ayaa ku dooday inaanay waxba ka jirin eedaymo ka soo yeedhay dugsiyada sare ee Dayib guray iyo Quule Aadan ee Hargeysa, kuwaasi oo dhawaan sheegay in deeqdii waxbarasho ee ay ka heleen Ethiopia la musuqmaasuqay.

Danjire Galaal waxa uu sheegay inay rasmi ahaan u soo saareen liiska ardayda ku guulaystay deeqda waxbarasho si ay meesha uga saaraan tuhunka jiray ee ku saabsan in la musuqay deeqdaasi.

“Warkaa la soo qoray waa barkumataal waa been. Warkaasina sida uu ku soo unkamay baan kuu sheegayaa, Iskuullo ayaa soo cawday baa la yidhi oo beelo ka socda-anigu maba ogayn in dugsiyadu beelo kala yihiine ayaa cawday oo yidhi saamigayagii maanaan helin. Haddaba waxa aan halkan ka cadaynayaa in aan saami beeleed lagu kala qaadan Deeqaha waxbarasho. Ardayba ardayga uu ka sareeyo ee uu ka dadaal badan yahay buu deeqaha waxbarasho helayaa. Maadaama oo borobogaandadaa iyo beentaasi soo baxdayna waxa aannu go’aan ku gaadhnay in aannu maanta daabacno liiskii oo kaamil ah ardaydii la siiyey si loo arko in aannay waxba ka jirin masuuliyiin baa saamigii badsaday ama reerkoodii oo kaliya siiyey, waxa lagu kala qaataa sida loo kala xaq leeyahay ee ardaydu u kala sarayso” ayuu yidhi Safiir Galaal.

Danjiruhu waxa uu saxaafadda Somaliland ee xorta ah ugu baaqay in ay ilaaliyaan xoriyadda oo aannay qoran wararka beenta iyo borobogaandada ah waxaana uu sheegay in aan laga yeeli doonin maamulayaasha iyo tifatiraha hay’addaha warbaahintu in ay hadhaw ku andacoodaan war kamaanaan hayn raaligalinna bixiyaan.
Danjire Galaal waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay in aannay iska aaminin wararka waxba kama jiraanka ah ee oo ay warbaahinta ka maqlaan ee ay warka iska hubiyaan “ Waxa aan bulshada ugu baaqayaa in aannay aaminin wax kasta oo ay maqlaan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay safiirku.

 

Somalilandpost.net

Addis Ababa-Ethiopia

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories