HomeSafiirka Midowga Yurub oo 10 Cisho Gudahood Markii 2aad Kulan la Qaatay...

Safiirka Midowga Yurub oo 10 Cisho Gudahood Markii 2aad Kulan la Qaatay Madaxweyne Biixi iyo Arrimaha laga wada-hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka kooban Safiirrrada Midawga Yurub iyo dalka Sweden u qaabilsan Arrimaha Soomaalida, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. Staffan Tillander oo socdaal ku yimi dalka.

blankMadaxweyne Muuse Biixi iyo Danjireyaasha Midowga Yurub iyo dalka Sweden, ayaa ka- wada hadlay Arrimo la xidhiidha sii xoojinta Xidhiidh u dhexeeya labada dhinac iyo sidoo kale dar-dargelinta Qabsoomidda Doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee la filayo inay dalka qabsoomaan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay madaxtooyada.

“Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, waxa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta  xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi  la isagana kaashan lahaa arrimaha Mandaqadda Geeska Afrika,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac, waxa kale oo lagu sheegay, “Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada.

blankKulankan dhexmaray madaxweynaha iyo Danjireyaasha reer Yurub, ayaa daba socda Kulan 9-kii bishan October Hargeysa ku dhexmaray madaxweyne Biixi iyo Danjiraha Midowga Yurub oo wefti uu hoggaaminayo socdaal ku yimaaddeen dalka horaantii bishan.

Socdaalka uu Danjiraha Midowga Yurub iyo Safiirka Sweden ku yimaaddeen dalka, ayaa ujeeddadiisa lala xidhiidhay inay salka ku hayo khilaaf ka taagan arrimaha Doorashooyinka, iyada oo labada dibloomaasi wakiil uga yihiin dalalkooda oo ka mid ah Qaadhaan-bixiyeyaasha beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland.

Khilaafka xilligan doorashooyinka ka taagan ayaa ah Cabasho xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ka muujiyey xubnaha cusub ee guddiga Doorashooyinka ee madaxweyne Biixi magacaabay oo qaarkood uu la xidhiidhiyey inay ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanay taasi sababtay in Xisbiga Waddani qoraal uu ku codsanayo in la hakiyo xubinta ay u soo magacaabeen guddiga Doorashooyinka u gudbiyeen Golaha Wakiillada oo madaxweyne Biixi u soo gudbiyey Toddobada Xubnood ee guddiga Doorashooyinka Cusub si ay waajibkooda sharciga uga gutaan ka hor inta aan la ansixin.

blankDhinaca kale, Ujeeddada socdaalka Danjireyaasha ku yimaaddeen dalka, ayaa la xidhiidha is-barasho iyo sii xoojinta Wada-shaqaynta dalalka Somaliland iyo Sweden, iyadoo danjiraha dalka Sweden Amba. Staffan Tillander dhowaan loo soo magacaabay xilka safiirnimo.

 

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories