HomeSafiirka Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Oo Madaxweyne Siilaanyo Qaabilay

Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Oo Madaxweyne Siilaanyo Qaabilay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLPost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa caawa xafiiskiisa kula kulmay, safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ms. Harriet Mathews, oo ay weheliso Ms. Cat Evans oo ah ku xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska ee dalka Itoobiya.

siilaanyo

 Madaxweynaha oo ay kulanka ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane, Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

Ugu horayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa warbixin siiyey safiirada ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya & Safiir ku xigeenka ingiriiska ee Itoobiya, waxaanu madaxweynuhu ku dheeraaday xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, kaas oo uu ku sheegay inuu ku dhisan yahay isqadarin iyo wada shaqayn, isagoo si gaara uga mahadnaqay caawimooyinka tirada badan ee dawladda Ingiriisku ka geysato Somaliland, siiba dib-u-dhiska dalka, kobcinta dimuqraadiyada iyo adkaynta amniga, iyadoo dawladda ingiriisku ka qayb qaadato sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo yaqaan (SDF).

Madaxweynuhu waxa kale oo uu in badan ka hadlay xaalada abaarta ee dalka ka jirta, taas oo uu ku sifeeyey abaar dheeraatay oo caam yeeshay guud ahaan dalka, xoolihii ay dadku ku tiirsanaayeena ay badankoodii le’deen, dhawr kii qof ee ugu horeeyey oo ah caruur iyo waayeelna  ay ku dhinteen gobolada galbeedka.

 Madaxweynuhu wuxuu u sheegay weftiga in ay kala-badh ummadda Somaliland saamaysay abaartu, baahi darani ay hayso, xoolihiina ay ka baxeen, una baahan yihiin cunto, hoy iyo kaalmo binu-aadanimo oo ay ka mid tahay sidii deg-deg loogu gurman lahaa dadkaas, madaxweynuhu waxa uu xusay haddaan dhakhso loogu gurman oo beesha caalamku ka gaabiso wax la qabashada Somaliland ee dhinaca abaaraha, inay masiibo binu-aadami dhici karto, wiiqina doonto abaartaasi, Amniga, iyo dib u dhiska dalka.

 Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay barmaamijka qaran ee isdiwaangelinta codbixiyeyaasha, oo uu sheegay in ay hada gobolada qaar ka soo dhamaatay, qaarna ay imika ka socoto, kuwa hadhayna dhawaan loo gudbi doono.

Madaxweynuhu waxa uu isdultaagay, xog warrana ka bixiyey amniga dalka iyo mandaqada ay Somaliland ku taallo.

 Dhinaca weftiga waxa halkaas ka hadashay Safiirka Somaliland iyo Soomaaliya, waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay sida loogu soo dhaweeyey dalka, iyo kulanka ay madaxweynaha la yeesheenba.

Waxa kale oo ay sheegtay in markasta oo ay timaado dalka ay ku aragto isbedel iyo horumar ka hirgalay dalka, taasina ay ka turjumayso hogaaminta wanaagsan ee dalka ka jirta.

 si gaara waxay uga hadashay safiiradu in xubno ka mida weftigeedu ay booqdeen dad u taagan safafka isdiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ay haween badani ku jireen, kuwaas oo u taagnaa inay isu-diiwaangeliyaan, siday uga qaybgeli lahaayeen doorashada dhici doonta horraanta 2017-ka, taas oo ay ku sifaysay in haddii ay isdiwaangelin fiicani dhacdo, sida ay u socoto hadda, ay suurto gelindoonto inay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi, waxay intaa ku dartay inay ku qanacday qalabka lagaga shaqaynaayo isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha, kuna tilmaantay mid casri ah oo tayo leh, laguna gaadhayo inay dhacdo doorasho caddaalad ku qotontaa.

Dhinaca Abaaraha mar ay ka hadlaysay waxay sheegtay inay dalkeeda gaadhsiin-doonto sidii ingiriisku uga qaybqaadan lahaa gurmad dhakhso ah oo la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan ee Somaliland, sida ugu horraysana looga soo jawaabi doono, gacansiinta dhinaca abaaraha.

 Sidoo kale waxay ka hadashay arrimaha amniga ee mandaqadda. waxa iyana hadalka raacisay safiir ku xigeenka dalka itoobiya oo iyana sheegtay inay ku faraxsan tahay horrumarka ay Somaliland ku talaabsatay, dawladda ingiriiskuna balaadhin doonto dhinacyo badan oo ay hadda iskaashi ka wada leeyihiin Somaliland iyo Ingiriisku.

 Masuuliyiintii ku wehelisay kulanka madaxweynaha, ayaa iyaguna ku darsanayey hadal la xidhiidha ujeedooyinkii lagaga wada hadlayey fadhiga.

Markii uu soo dhamaaday fadhigu, waxa hadal kooban oo ku saabsan kulanka saxaafadda siiyey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland iyo safiirka Somaliland iyo soomaaliya ee Ingiriiska.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories