HomeSafiirka Imaraadka Ee Somaliland Oo Waraysi ku Sheegay In Kuliyada Ciidamada Ay...

Safiirka Imaraadka Ee Somaliland Oo Waraysi ku Sheegay In Kuliyada Ciidamada Ay Dhisayaan Dalka Imaaraadku

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Xaqiiqdii maya, waa waxtar ku yimi siyaasada Madaxweynaha JSL iyo xukuumada Somaliland, oo anniguna… laga-yaabe in dadka wanaaga neceb ama kuwa belaayo-jecelku sidaa u fasirtaan?

Maxuu ka yidhi qorshe Imaaraadku ku doonayo bedelka Taageeradoda iyo kaalin uu ku leeyahay in dekeda Berbera lagu wareejiyo?

Hargeysa- Md. Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin qorshe wadanka Imaaraadka Carabtu ku doonayo bedelka mashaariicaha taageerada uu Somaliland ka fuliyo, balse yihiin dedaalo ku yimi siyaasada xukuumada Madaxweyne Axmed Siilanyo hogaaminayo, anniguna fuliyaheedii ugu ahay.

Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil oo mudadii uu xilka hayey isbedel weyn ku yimi taageerada dalkaasi siiyo Somaliland ayaa sheegay inay waajib ku tahay xisbiyada mucaaradku taageerida waxtar kastoo dalka iyo dadka u soo kordhiyo masuul xilkeeda haya.

Wareysi dhinacyo kala duwan oo weriye Maxamuud Walaaleye kula yeeshaymagaaladaHargeysashalay ayuuMd. Baashe Cawil oo socdaal shaqo ugu baxaya manta dalka Imaaraadka Carabtu u dhaceen sidan:

Maxaad nooga sheegi kartaa waxqabadkii kuu suurtoobay mudadii aad haysay xilka iyo xidhiidhka idiin dhexeeya xukuumada Imaaraadka Carabta?

Mudadiiaansafiirka cusub ee Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta (UAE) xilkeeda qabtay, mashaariico muhiim u ah dalka iyo dadka Somaliland ayaan ku guulaysanay inaan soo dhameeyno, Ilaahay mahadii, dhinacyo kala duwana way leeyahiin, oo ugu muhiimsan dhinacyada Biyaha, sida dhuumaha balaadhinta biyaha caasimada Hargeysa oo dhowaan bilaabmaya, daamka Waaheen oo dhismahiisii socdo, horena Madaxweynahu u soo dhagax-dhigay iyo dhaam laga fulinayo magaalada Laascaanood, oo bilaabmi doona, marka daamka Waaheen dhamaado. Dhismaha warshada qaliinka xoolaha ee Berbera ayaa dhismaheedu socdaa, insha alaah bisha Ogost dhamaanaya.

 Dhinaca kale, xidhiidh wadashaqeyn dhow ayaan leenahay guud ahaan madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee dalka Imaaraadka carabta,oo masuuliyadayda ugu horeysa ah,waana sababaha noo fududeeyey inaanka helo taageerada kala duwan. Waxa jira arrimo badan oo dhinaca sare loogu qaadayo xidhiidhada dhinaca dublamaasiyada labada wadan u dhexeeya, xilligan-se aan ku haboonayn in warbaahinta laga sheego, oo socda.

Taageerada dhinaca abaaraha dalka Imaaraadku markii saddexaad ayey keeneen deeq raashin ay ugu talogaleen deegaamada gobolada Somaliland ee abaarahu saameeyeen.Wefdigii ka socday dalka Imaaraadka ee booqashada ku yimi Somalilandwaxuu tusaale u yahay hadafkoodainay mashaariico kala duwanoo wax u tara dalka iyo dadkaka fulin doonaan gobolada dalka, ka mid yihiin masaajido, goobaha adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo agoomaha.

Dhinaca waxbarashada iyo sare u qaadida aqoonta dalka oo baahiyaha ugu waaweyn ee dalku qabo, mar la weydiiyey inay wax ka qabanayaan, waxuu ku jawaabay Md. Baashe Cawil,

 Taageerada Imaaraadku ka fulinayaan Somaliland waxa ku jirta deeqo waxbarasho gudaha dalka iyo dibediisa ay siinayaan ardayda reer Somaliland ah, sida 100 ardayda danyarta oo waxbarashada jaamacada Hargeysa ka bixinayaan, halka 40 arday kale deeq waxbarasho dibadeed wadamada Masar iyo Imaaraadka loo dirayo.Sidoo kale tiro ka mid ah culimada dalka ayaa kulamo aqoon-isweydaarsi culimada caalamku yeelan doonaan ugu diri doonaan wadamada caalamka dhowaan.

Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo idaacada Qur’aankataageeroayey ka geysan doonaan qalabayn iyo dhismayaal cusub iyotababaro shaqaalaheeda u fulin doonaan, halka, sadex wasaaradood oo tamarta ugu badan isticmaala, (Warfaafinta, Duulista iyo Macdanta) waxay u sameeyeen qalabka solar-ka cadceeda ku shaqeeya ee tamarta laydhka dhaliya.

Mar la weydiiyey in Imaaraadku taageero ka geysanayo dhinaca ciidamada, sida ay qalab iyo tababaro u siiyeey Soomaaliya ayuu ku jawaabay,

Haa, way jiraan mashaariic dhinaca ciidamada oo Imaaraadku ka fulinayo dalka, sida dhismaha kuliyad ciidamada oo laga dhisayo dalka iyo tababaro la siin doono ciidamada Somaliland.

Mar la weydiiyey, mala odhan karaadalka Imaaraadku oo noqday ka koowaad ee si toos ah iyo si dadban uga jawaaba baahiyaadka shacabka Somalilandinay taageeradooda kala duwan jirto inaybedelkeeda wax ku doonayaan, ayuu ku jawaabay,

“(Qosol), xaqiiqdii maya, waa waxtar iyo taageero ku yimi dedaal iyo juhdi masuuliyiinta qaabilsan ee anniguu horeeyo kaga midho dhaliyeensiyaasada Madaxweynaha JSLiyo xukuumada Somaliland u dejisay hirgelinteeda. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan! Waa waajib saaran masuul kastoo haya xilka ummada Somaliland inuu ka shaqeeyo horumarka dalka iyo dadka, anniguna ka soo baxay, laakiin,in dadka wanaaga neceb ama kuwa belaayo-jecelku sidaa u fasirtaan? Ta kale, caqliga saliimka ah ma diidayo, xitaa berri haddii uu yimaado dalab dalka Imaaraadku ku codsanayo helitaanka goobo ka tirsan dalka oo maalgashiyo kala duwan uu ka sameeyo in loo ogolaado, illayn abaalka iyo waxtarka dhinacyada kala duwan ee dalka Imaaraadka Carabtu u gallay shacabka Somaliland u galay mid la dafiri karo ma ahee.

Md. Baashe, maxaa sababay in joogsadaan dhaliilo badan oo wakhtiyadii horedad kala duwan kuu jeedin jireen wakhtigan, inkastoo weli jiraan eedo laguugu jeediyo inaad dabada ka riixayso qorshe maalgashiga dekeda Berbera lagu siiyo Imaaraadka, ma jiraan wax aad ku darayso?

Dhabtii, waxaan filayaa in dhaliilo aan jirin oo hore xukuumada iyo masuuliyiin aan ka mid ahay loogasheegi jiray inay iska dhamaadeen, markii bulshadu waxqabad waxaan ahayn ka arki waayeen, taa bedelkeediina, waxaa bilaabmay in bulsho kala duwan ka mahadcelinayaan kana markhaati kacaan waxqabadka masuuliyiinta xukuumadu wadajir u gaadhsiiyeen, ama shaqsi walba ku soo kordhiyey.Waad arkaysay dhambaalka mahadnaqa Madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilanyo ugu dirayey madaxda iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabta, waxaanay ka turjumaysaa qiimaha in qof kasta ka abaalceliyo waxtarka cid kale u geysato, waan ku bogaadinayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadeednaoosi muuqata iyo si dadbanba u taageeraya waxqabadka wadanka Imaaraadku ka fulinayo Somaliland, oo natiijadeedu noqon doonto mid dadkii bixiyeyna u arkaan in looga mahadceliyey, berri-na ku dhiirinaysa inay kuwo ka sii badan fuliyaan.

Dhinaca kale, kaalin aan ku leeyahay qorshe Imaaraadka loogu wareejiyo maalgashiga dekeda Berbera, waxba kama jiraan, mana iman karo go’aan ii gaar ah oo ku saabsan, balse waa mid ku xidhnaanaya mowqifka Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo iyo xukuumadu ku qaataan shirkada horumarka danta dadka iyo dalka Somaliland laga dhexarko inay buuxin karto.

Waan soo dhoweynayaa dhaliil kastoo ka muuqata gudashada xilkayga, oo dariiqii saxda loo maro, sidoo kale waxaan ka filayaa xisbiyada mucaaradka inay ka garaabaan waxqabad kastoo dalka iyo dadkaay ku soo kordhiyaan guud ahaan xukuumadu, iyo gaar ahaan shaqsiyaadka xilka ummada u haya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories