HomeSafiirka Britain u fadhiya Addi Ababa oo ka hadlay Xidhiidhkooda Somaliland iyo...

Safiirka Britain u fadhiya Addi Ababa oo ka hadlay Xidhiidhkooda Somaliland iyo baaq loogu jeediyey inay dawladdiisu wax ka qabato Xannibaadda Xawaaladaha Soomaalida

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

SONY DSCHargeysa (SLpost)- Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dawladda Itoobiya iyo Arrimaha Soomaalida, Mr Mills Wigen, ayaa xidhiidhka Somaliland iyo dalkiisa ku tilmaamay mid soo jireen ah, isla markaana xilligan meel wanaagsan maraya.

Safiirka oo maanta ka qaybgalay furitaanka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxa ku dheeraaday xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, waxaanu sheegay inay Somaliland ka caawiyaan dhinaca horumarka, iskana kaashadaan Arrimaha Ammaanka.

Safiirku waxa uu sidoo kale xusay doorka ay muwaadiniin Somaliland ka soo jeedaa ka qaateen horumarka dalkiisa.

“Bulshada Somaliland iyo dalka Ingiriisku muddo ku siman boqolaal sanno ayuu xidhiidh ka dhexeeyay, aad baanan ugu faraxsanahay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalkayga ee maanta aadka u xoogaystay,” ayuu yidhi Mr. Mills Wigen, waxaanu intaas ku daray isagoo ka hadlaya xidhiidhka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee labada dal. “Wada-shaqaynta uu Ingiriisku la leeyahay Somaliland waa mid aad u badan, waxay dawladda Ingiriisku ka qayb qaadataa barnaamijyada horumarineed ee Somaliland iyo iskaashiga dhinaca amniga, waxaananu ciidamada u samaynaa tabobaro. Sidoo kale, waxay labada dalka wada leeyihiin xidhiidh siyaasaddeed oo aad isugu dhaw, isla markaana aad u xoogan.”

Dhinaca kale, muwaadiniin reer Somaliland ah iyo masuuliyiinta carwadda buugaagta ayaa safiirka farriin ugu dhiibay xukuumadda Ingiriiska, taasi oo ku saabsanayd inay wax ka qabtaan arrinta xidhitaanka xawaaladaha Soomaalida ee baanka Barclays, taasoo ay tilmaamay inay caqabad dhaqaale ku tahay ummadda soomaalida oo lacagta ugu badan looga soo xawilo wadamada reer Yurub, gaar ahaan dalka Ingiriiska.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories