HomeSafiir Ku-xigeenka Somaliland Ee Itoobiya Oo Xog Cusub Ka Sheegay Heshiiska Badda...

Safiir Ku-xigeenka Somaliland Ee Itoobiya Oo Xog Cusub Ka Sheegay Heshiiska Badda & Aqoonsiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Maanta ayuu Illaahay aqoonsigii dadku doonayeen ku suurto-geliyey dedaallada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi” – Dr Barkhad Maxamuud Kaariye

Addis Ababa (SLpost) –  Dawladda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay muhiimadda uu Qaranka Somaliland iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika u leeyahay heshiiska Is-afgarad ee dhawaan dhex maray Dawladda Federaalka Itoobiya.

Safiir ku-xigeenka Somaliland ee dalka Itoobiya, ahna ku-simaha Safiirka Dr Barkhad Maxamuud Kaariye oo Xafiiskiisa Addis Ababa ugu warramay Telefiishanka MM Somali TV, ayaa ugu horeyn ka warramay marxaladihii uu soo maray xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu sheegay in xidhiidhka labada dal oo soo bilowday ka hor qarnigii 18-aad uu xilligan marayo heerkii ugu sarreeyay.

Safiir ku-xigeenka oo faahfaahinaya xidhiidhka labada dal, waxa uu yidhi, “Itoobiya iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidhada diblumaasiyadeed ee ugu qotada dheer, inkasta oo xidhiidhkaasi qarniyadii la soo dhaafay uu lahaa habab kala duwan. Waxaynu xasuusanaa in Somaliland horena u ahayd, Maantana tahay albaabka laga galo Afrika marka dunida kale la isku xidhayo, kuna taalla meel aad muhiim ugu ah marinnada dunida. Xilliyadaas iyo xilliyadii Ganacsiga ee Hindiya, Aasiyada fog iyo bariga dhexe, Somaliland waxay ahayd halkii ay ka geli jireen (Afrika).”

“Xidhiidhkaas ganacsi ee muddada dheer socday wuxuu isku xidh u ahaa Itoobiya iyo Somaliland, halkaas ayuu ka soo unkamay xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya, waxayna xilliyadaa u macaamili jireen qaabab kala duwan, dabcan xilligaa waxa Somaliland joogay Maxmiyaddii Ingiriiska, intii ka dambaysayna xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland wuxuu ahaa mid sii xoogaysanaya, iyada oo ay xusid mudan tahay halgannadii kala duwanaa ee Somaliland ugu jirtay inay la soo noqoto xornimadii luntay 1960-kii ay Itoobiya ahayd halkii ay fadhiisimada ku lahaayeen (Jabhaduhu) sidoo kalena waxay ahayd halkii ay u soo eersadeen dadka Somaliland markii uu duqaynayey Taliskii Macangagga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.”

Safiirku waxa kale oo uu sheegay, “Xidhiidhada noocaas ku bilaabmay waxay noqdeen kuwo sii xoogaystay, markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotayna waxa 1991-kii la furay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, illaa muddadaana xidhiidhku wuxuu marayaa heerar kala duwan, isku-gayna xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waa mid ganacsi, mid amni, mid bulsheed, mid diblumaasiyadeed iyo mid siyaasiyadeed, waana ta keentay in Maanta ay labada dal galaan heshiis la iskugu Dan quminayo.”

Dr Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyey halka ay marayso hawsha loogu gudbayo heshiiska rasmiga ah ee labada Dawladood, waxa uu yidhi, “Heshiisku, sida ay in badan sheegtay Xukuumadda JSL ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waa dano iswaydaarsi, heerar kala duwan baanu maraa. Heshiiskii isfaham ayaa la saxeexay, waxaana loo gudbayaa marxaladda labaad, waxaana ku hawlan Guddiyadii farsamo, markaas halkaas ayuu marayaa.”

blank
Barkhad Maxamuud Kaariye, safiir ku-xigeenka Somaliland ee dalka Itoobiya

Safiirku wuxuu fasiraad ka bixiyey ahmiyadda heshiiska badda lagaga kiraynayo Dawladda Itoobiya oo aqoonsanaysa Somaliland uu u leeyahay dunida iyo Gobolkaba, waxaanu yidhi, “Waxaan hoosta ka xariiqayaa, heshiiskan isfaham maaha oo keliya mid ka dhexeeya labada dal, balse waa mid xoojinaya danta Mandaqadda, Qaaradda iyo dunidaba, sida dhinacyada amniga, Ganacsiga iyo isku socodka.”

“Waad ogtahay waxa ka socda Badda cas iyo badaha kale ee dunida, markaa Somaliland iyo Itoobiya oo awalba amniga mandaqadda doorkooda ka qaadan jiray, waxay doonayaan inay kaalintoodaas xoojinayaan. Waxa jira dalal ku yaalla Afrika oo aan bad lahayn, waana halka Somaliland hiigsigeedu yahay,” ayuu yidhi Danjire Kaariye, waxaanu intaas ku daray in Somaliland aqoonsigii ay muddada dheer baadi-goobaysay ku hirgalay Dan iswaydaarsiga Itoobiya.

“Aqoonsiga, muddo dheer ayaynu hadba meel ma day’nay, oo meesha aynu ka dayno la lahaa meeshaa maaha ee meel kale ka da’ya, tii baa Maanta ku timid dan iswaydaarsiga Itoobiya. Maanta ayuu Illaahay aqoonsigii dadku doonayeen ku suurto-geliyey dedaallada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waana mid ah ‘ii qumi aan kuu qumiyee’…” ayuu yidhi.

Safiirku wuxuu sheegay in shacabka Somaliland aanu ka soo horjeedin heshiiska isfaham ee labada Dawladood, balse Shacabku dalbanayaan in la fahamsiiyo.

“Midna waan saxayaa, cid ka soo horjeeddaa ma jirto heshiiska, dadka reer Somaliland ee illaa hadda Warbaahinta ka hadlay ama kulamada dhacay, waxay leeyihiin uun heshiisku muxuu ku saabsan yahay oo na fahamsiiya ayay leeyihiin,” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyey, “Dadka reer Somaliland ama dadka kale ee  Soomaalida ah ee mandaqadda ku nooli wararka been-abuurka ah ee loo sheego waa wax cadow gaar ahi wado, waxaana la doonayaa in dadka lagu khalkhal-geliyo, hase-yeeshee waxa go’aamin doona heshiiska.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories