HomeSafiir ku-xigeenka Somaliland ee Ethiopia oo 50-Kun Geed ka Guddoomay DDSI

Safiir ku-xigeenka Somaliland ee Ethiopia oo 50-Kun Geed ka Guddoomay DDSI

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Jigjiga (SLpost)- Dowladda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa maanta 50-kun oo Geed ugu deeqday Somaliland, waxaana deeqdan ka guddoomay safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Ethiopia oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay magaalada Jigjiga.

blankSafiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Ethiopia Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa deeqdan kula wareegay munaasibad ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Deegaanka iyo Beeraha ee dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaanay dhirtani qayb laxaad leh ka qaadan doontaa Dhireynta magaalooyinka dalka.

Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye waxa uu deeqdan uga mahad-celiyey madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo xukuumaddiisa, iyada oo deeqda dhirta ahi hordhac u tahay Qaybo kale oo Deeq-dhireed ah, sida uu sheegay Safiir ku-xigeenka JSL ee Ethiopia oo qoraal uu Deeq-dhireedkan kaga hadlay ku baahiyey bartiisa Facebook.

blank“Waxa farxad ii ah in maanta 50-kun oo geed aan ka guddoomo xukuumadda Dawlad-Deegaanka Soomaalida. Dhirtan oo loogu talogalay dhireynta magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana deeq-dhireed kale bilowgeed ah, waxa farxad kale ii ah in JSL ay noqoto dalkii u horreeyay ee deeqdani gaadho waddamada jaarka la ah Itoobiya,” Sidaas ayuu sheegay Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye.

blankWaxa uu intaas ku daray, “Waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha DDS Md. Mustafe Muxumed Cumar iyo guud ahaan xukuumaddiisa, gaar ahaan Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha Md. Maxamed Yuusuf Rooble, Wasiirka Deegaanka, Kaymaha iyo Isbeddelka Cimilada Md Xasan Faarax Cali, Wasiirka Beeraha Dr. Cabdiqaadir Iimaan, Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Dr Mubarak Sh. Cumar iyo dhammaan masuuliyiinta munaadibadda la-wareegidda deeqda dhirta ah goobjoogga ka ahaa. Deeqdani waxay kaalin mug leh ka qaadanaysaa dhireynta JSL.” Sidaas ayuu u dhignaa qoraalka Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories