HomeSafiir Baashe Cawil: Mashaariic la xidhiidha horumarinta dadka iyo dalka Somaliland ayaa...

Safiir Baashe Cawil: Mashaariic la xidhiidha horumarinta dadka iyo dalka Somaliland ayaa uga hirgalay Madaxweynaha JSL iyo wefdigiisa Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ma dhabaa kulan la sheegay in wefdiga Madaxweynahu kula yeesheen Khaatumo Dubai?

Dubai (SLpost)- Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay wax lagu qoslo xogaha malo-awaalka ah ee wargeysyada Masar iyo Sacuudigu ka baahiyeen heshiiska maalgashiga ee Somaliland iyo Imaaraadka carabtu kala saxeexdeen, isla markaana aanu mudnayn jawaab laga bixiyo.

baashe-cawilSafiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta, Mr, Baashe Cawil oo weriye Maxamuud Walaaleye u waramay isagoo ku sugan magaalada Dubai ayaa shaaca ka qaaday in hawlahii Wefdigii Madaxweynaha JSL Md. Axmed M. Siilanyo hogaaminayey ee booqashada ku joogay dalka Imaaraadka carabtu si wanaagsan ugu socdaan, kulamo kala duwana la yeesheen madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Baashe Cawil Cumar oo la weydiiyey inuu tafaasiil ka bixiyo halkay marayaan hawlahii wefdiga Madaxweyne Siilanyo hogaaminayey u tageen dalka Imaaraadka Carabta iyo kulamada ilaa immika  ay yeesheen ayaa ku jawaabay,

“Wefdiga Madaxweynaha JSL Md. Axmed M. Siilanyo hogaaminayey si wanaagsan ayey weli ugu dhexjiraan socdaalkoodii shaqo ay ku yimaadeen dalka Imaaraadka Carabta,  wakhtigan waxuu marayaan gebagabo, Ilaahay mahadii, mashaariico badan oo ku saabsan horumarinta dadka iyo dalka Somaliland way u hirgaleen.

Booqashada wefdiga Somaliland ayaa baddi la xidhiidhaysii balaadhinta iskaashiga iyo xidhiidhka u dhexeeya labada wadan iyo mashaariicaha wadanka Imaaraadka Carabtu ka taageerayo shacabka Somaliland ee dhinacyada kala duwan leh, uguna muhiimsan tahay biyaha, waxbarashada, kaabayaasha iyo kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadka heer-nololeedka bulshada Somaliland.

Waxaana la filayaa In wefdiga madaxweynaha JSL Md. Axmed Siilanyo uga sii gudbaan dalka Ingiriiska socdaalkooda shaqo Axada soo socota Hadii Ilaah Yidhaahdo, tafaasiisha socdaalka iyo hawlahii uga qabsoomay dalka Imaaraadka Carabta-na waxa faahfaahinteeda bixin doona wefdigu markuu ku laabto dalka.

Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil oo la weydiiyey waxa ka jira warar wargeysyo Sacuudiga iyo Masar ka soo baxa ka baahiyeen heshiiska maalgashiga dekeda Berbera, kuna sheegeen inuu yahay qorshe wadamadda Maraykanka, Masar iyo soomaaliya wadajir u wataan, iyo warar laga baahiyey in wefdiga Madaxweyne Axmed Siilanyo kulamo hordhac ah kula yeeshay kooxda Khaatumo Dubai ayaa si kooban u yidhi,

“Xaqiiqdii waa wax lagu qoslo, isla markaana ah xogo la mala-awaalay, mana mudna in wakhti lagu lumiyo, ta labaad, Madaxweynaha JSL Md. Axmed M. Siilanyo waa maadaxweynahii shacabka Somaliland meel kastoo ay joogaan, waanu kula kulmi karaa meel walba, balse ma jiro kulan ujeedada aad sheegtay oo rasmiyan u dhacay.

Hadalka Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa meesha ka saaray warar wargeysyo ka soo baxa dalka Sacuudiga iyo Masar ku baahiyeen xogo majara-habaabinaya xaqiiqada heshiiska maalgashiga dekeda Berebera ee dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu wada jirka qalinka ugu duugeen, oo in badan oo warbaahinta caalamku  ku baahiyeen muhiimada u yeelan doono shaqo-abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka markuu soo baxay iyo saamaynta uu ku yeelan karo qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories