HomeSafarkii Madaxweynaha: Successful Trip - W/Q: Cabdilaahi Caarshe

Safarkii Madaxweynaha: Successful Trip – W/Q: Cabdilaahi Caarshe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

CaarsheMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, wuxuu muddo bilk u dhow safaro ku maray dalal badan oo ay ka mid yihiin Turkiga, Ingiriish, Mareykanka iyo Itoobiya, guud ahaan safaradaa ayaa ahaa kuwo looga golleeyahay sidii qadiyada Somaliland loo gaadhsiin lahaa adduunka loona maqli lahaa codka shacabka Somaliland.

Hadaba madaxweynaha Somaliland wuxuu dalka turkiga kaga qayb galay wada-hadaladii ay gadh-wadeenka ka ahayd dowlada Turkiga, taasoo ay ku dhex-dhexdaadisey Somaliland iyo Somalia, wada-hadalaasoo ay isku arkeen madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md. Siillaanyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud.

Wada-hadaladan ayaa ahaa kuwo kor u qaaday meeqaamka Somaliland iyada oo ay dowlada durkigu inoo wada hadalsiisay sidii laba dal oo aan kala sarayn, wuxuu madaxweynaha Somaliland la kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga  Mr. AhmetDavutolu, madaxweynaha turkiga iyo Raysal-wasaare Recep Tayip Erdogan.

Waxaana laga soo saaray wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia todoba qodob oo muhiim ah qodobadaasoo ay ka mid ahaayeen in la sii wado wada-hadaladii labada dhinac saddex biloodna la isku arko, in si siman loo qaybsado deeqa caalamiga ah {International Aid}, in laga wada shaqeeyo dhinaca ammaanka sida argagixisada, budhcad badeeda iyo kaluumaysiga sharci-darada ah arrimahaa iyo gaar kale ayaa ka mid ah qodobada lagu heshiiyey.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu guulaha ay soo hooyeen waxaa ka mid ah kulankii uu madaxweynuhu la yeeshay raysal-waaraha dalka ingiriishka isaga oo Devid Cameron uu madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabilay xafiiskiisa 10 dawn Street, iyada oo ay ka wada-hadleen arrimaha badan oo ku saabsanaa xidhiidhka labada dal, sidoo kale madaxweynaha Somaliland uu si dhiiran ugu sheegay raysal-wasaaraha ingiriishka in aanay Somaliland ka qayb gelayn shirka London ee loo qabanayo Somalia, isaga oo madaxweynuhu sheegay in aan Somaliland wax dan ahi aanay ugu jirin shirkaas, taasoo ay shacabka Somaliland, asxaabta siyaasada iyo golayaasha qarankuba ay soo dhoweeyeen talaabada madaxweynaha somalilan  ku qaadacay shirka London.

Waxaa kale oo madaxweynaha Somaliland kulan muhiim ah la yeeshay jaaliyada Somaliland ee London, taasoo muujinaysey sida ay bulshada Somaliland ay gudo iyo dibedba isugu xidhan yihiin iyaga oo madaxweynaha iyo weftigiisana si weyn ugu soo dhoweeyey London.

Waxaa kale oo madaxweynuhu safar ku tegey dalka mareykan oo ah wadanka ugu awooda iyo dhaqaalaha badan adduunba isaga oo madaxweynuhu kulan la yeesshay masuuliyiinta wasaarada arrimaha bibedda ee mareykanka, senator ka tirsan aqalka baarlamaanka, sidoo kalena wuxuu madaxweynaha iyo weftigiisu ay heshiishyo la saxeexdeen shirkad laga leeyahay dalka Norway oo Somaliland shiidaal ka baadhaysa laguna magcaabo DNO INTERNATIONAL , sidoo kalena madaxweynaha Somaliland wuxuu khudbad dheer ka jeediyey maxadka siyaasadda adduunka lagu falaqeeyo gaar ahaana qaybta afrika ee lagu magcaabo ATLATIC COUNCIL, iyada oo halkaas lagu weydiiyey su’aalo badan madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu safarkiisa ku soo geba-gebeeyey dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya isaga oo la kulmay Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, ayna ka hada hadleen sidii labada dal ay uga wada shaqayn lahaayeen dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo isu socodka labada dal uuna dhexmaray heshiish labada dhinac ah {Bilateral-relationship}, iyada oo ay dowlada Itoobina sheegtay in ay xooginayaan wada shaqaynta ka dhexeaysa Somaliland iyo Itoobiya.

Haddii aan soo koobo maqaalkayga waxaan odhan karaa safarkii madaxweynaha Somaliland wuxuu ahaa mid taariikhi ah oo Somaliland u soo hooyey guul magaca somalilandna gaadhsiiyey meelo badan oo aan codkeenu gaadhi jirin, sidoo kalena adduunyadu inoo aragtay wadan ay ka jirto dimuqraadiyad iyo dowlad wanaag {Democracy and good governance}.

 

C/laahi Ahmed Caarshe, Hargeysa somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories