HomeSafarkii Madaxweynaha ee Gobolka Oodweyne iyo Ballan-qaadyadii Masuuliyiinta

Safarkii Madaxweynaha ee Gobolka Oodweyne iyo Ballan-qaadyadii Masuuliyiinta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burco, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo wefti uu hogaaminayo ayaa socdaal ku tagey deegaanada bariga Somaliland.

blankSocdaalka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayaan Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Daakhiliga, Marwada 1aad, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay socdaalkooda ku mareen deegaanada Haro-sheekh, Xaaxi, Oodweyne, isla markaana waxa uu xalay u hoyday magaalada Burco, halkaasoo iyana si balaadhan loogu soo dhaweeyay gelinkii dambe ee shalay.

Madaxweynaha oo la hadlay dadweynaha ku dhaqan degaanka Haro-sheekh oo ka tirsan Gobolka Oodweyne waxa uu yidhi, “Waan dhegaystay hadalada aad soo jeediseen, waan ogahay baahiyaha dhulka yaala, wadooyinka waanu soo marnay, hawlaha idiin yaala iyo xilalka dawlada laga sugayaaba waydinkaa si cad noogu tilmaamay, muddo badan xukun maanaan hayn, laakiin baahida dalkuna aad bay u badan tahay, awooddeenana waad malayn kartaan, laakiin wixii imika laga bilaabo hawlihii aad soo hadal qaadeen inaanu wax ka qabano, waxa ila jooga, Wasiirka Daakhiliga oo aan u dayn doonaa arrimaha saldhiga.”

blankSidoo kale, ka hor intii aanu Madaxweynuhu gaadhin Deg. Oodweyne waxa uu sii maray degaanka Xaaxi, halkaasoo uu ku amaanay wax-qabad dhinacyo badan leh oo ay dadkaasi ku talaabsadeen. Isla markaana waxa uu tilmaamay inay dawlad ahaan dhinacooda wax la qaban doonaan.

Magaalada Oodweyne oo Madaxweynaha iyo weftigiisa loogu qado kariyay, ayuu Madaxweynuhu meel fagaare ah kala hadlay dadka degaankaas, waxaanu tilmaamay inay fullin doonaan ballan-qaadyadii ay hore u sameeyeen, isla markaana waxa uu ka hadlay waxqabadka Xukuumaddu ku tallaabsatay muddadii ay xilka haysay. Waxana uu ballanqaaday Madaxweynuhu inay Oodweyne ka dhisayaan saldhig boolis. “Dhibaatooyinka iyo hawlaha aad sheegateen waa qaar u baahan wax ka qabasho, waxaanu is-leenahay muddadii gaabnayd ee maamulkani jiray wax badan ayaanu isku daynay inaanu qabano dhinac walba, hadday wadooyin tahay, tacliinta iyo shaqaalaha oo aanu mushaharkii u kordhinay….Insha allaahu sannadaha soo socdana waanu ka sii kordhin doonaa, geed dheer iyo mid gaabanba waanu u fuuli doonaa baahiyaha dalka, hadday tahay xaga caafimaadka, xaga amniga, xaga tacliinta iyo dhinac kastaba. Xabsigana imika waanu ballan-qaadaynaa inaanu samayno.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo xalay u hoyday magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa la rajaynayaa inuu dadweynaha magaaladaas kala hadlo fagaaraha Khayriyada maanta.

blankSafarkan Madaxweynaha ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu ku tago degaanadaas tan iyo intii uu qabtay xilka madaxweynenimo, isla markaana qaar ka mid ah dadweynaha Gobollada Oodweyne iyo Togdheer ayaa u arkaya inay booqashadan Madaxweynuhu tahay mid dhiirigelin mudan, maadaama oo ay inbadani aaminsan yihiin in madaxdu dib ugu noqoto keliya waqtiyada ololayaasha doorashooyinka.

SLpost News Desk

somalilandpost [at] yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories