Home“Safarka Madaxweynaha ee Gobolada waxaa lagu qarinayaa Musuqa iyo cadaalad-darrada baahsan...

“Safarka Madaxweynaha ee Gobolada waxaa lagu qarinayaa Musuqa iyo cadaalad-darrada baahsan ee dalka ka jira” – WAR-SAXAAFADEED

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa safarka madaxweynaha Somaliland ku marayo gobollda Bari ee dalka iyo mashaariicda uu deegaamadaas Xadhigga kaga jaray, ku tilmaamay mid lagu daboolayo Fadeexado musuq-maasuq iyo cadaalad-darro baahsan oo dalka ka jirta.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID Cabdi M. Saleiman (Mingiste), ayaa ku baaqay hirgelinta Guddi Isku-dhaf ah oo Axsaabta Mucaaradka ahi u saaraan baadhista iyo daba-galka Musuq-maasuq uu sheegay inay dalka ka jiraan, kuwaas oo uu si gaar ah uga taabtay Dib-u-dhiska madaarka Hargeysa iyo Shirkadda Genel Energy ee dalka ka baadhaysay shidaalka.

Xoghayaha Arrimaha Debedda UCID waxa uu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay, kaas oo u qornaa sidan: “Marka hore waxaan  salaan  mudan  dhamaan shacabka  reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan  gudaha iyo dibadaba.

UCID_MingisteSida aad la wada socotaan waxaa malmihii ugu dambeeyey  safar ku tegay qaar ka mid ah Gobolada Somaliland Madaxweynaha Somaliland  Md.Siilaanyo,iyo  kooxda   Wasiiro   sheegata.laakiin dalka looga yaqaan « yaanu u jawaabnaa iyo qaar kale oo loo yaqaan kooxda awooda badan ee ee ku xeeran Madaxweyahay».

Haddaba Xafiiska Arimaha Gudaha iyo xidhiidhka Gobolada ee Xisbiga UCID wuxuu u arkaa safarkaa

Madaxweynaha iyo kooxda loo yaqaan  «yaanu u jawaabnaa » sida tan :-

1. Mashaariic baa qaarna la furay qaarna dhagax la dhigay,waxaa lagu qarinayaa Musuqmaasuqa  iyo cadaalad darada baahsan ee maanta ka jirta Somaliland,waa hab lagu  marin habaabinayo shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba .

2. Mashaariic baa la furay ,qaar ayaa dhagax  la dhigay waa farsamooyinka ay Xukuumada Somaliland u adeegsato Musuqa iyo cadaalad darada,waa hab loo adeegsado in lagu naas nuujiyo ,lagu xooleeyo,qandaraasyo lagu siiyo shaqsiyaad gaar ah oo la doonayo in ay dhaqso u taajiraan. Waxaa markhaati buuxa ka ah  musaqa ka dhacay Hargeysa Airport iypo Shirkadii Genel oo aan ilaa hadda xal  loo helin.

3.  Shacabka  sharafta leh ee reer Somaliland waxaa la gudboon in ay dhegaha iyo Indhahaba furaan oo fahmaan  in Mashaaricda loo sheegaayaa ay been yihiin,balse ay yihiin habka ugu fudud shacabka lagu qaldi karo,  cashuurta iyo deeqaha Ummadda la siiyana jeebabka loogu guran karo.

4. Waxaa haboon si  si deg deg ah Xisbiyada Mucaaridka ahi  u magacaabaan guddi isku jir ah oo soo baadha Musuq maasuqa iyo cadaalad darada wadanku  la kacaa kufayo.

5.     Waxaanu ka codsanaynaa  Golayaasha Xilligoodii dhamaaday , Garsoorka dalka iyo  ,Xisbiyada Mucaaridka ah  iyo guud ahaanba shacabka reer  Somaliland ee nadiifta ah in la gaadhay xilligii  la BADBAADIN LAHAA DALKA IYO SHACABKA  DANYARTA AH,SHARCIGANA LA HORKEENI LAHAA  SHAQSIYAADKA  AFKOODA UU KA QOYAN YAHAY DHIIGII IYO DHEECAANKII DANYARTA REER SOMALILAND.

6.     Waa muhiin in sida ugu dhaqsaha badan Mucaaridku uga tashadaan talaabo kasto oo muhiim ah iyo sidii shacabka masaakiinta ah loo badbaadin lahaa.

Hadal iyo dhamaan  ma jiri doonto meel ay ku dhuuman karaan dhulka korkiisa, kuwa jeebabka ka buuxsaday  shillimadii  danyarta iyo dadka maasaakiinta  ah ,Akhirana waxaa idin hortaala xiisaab adag oo aydaan ka baxsan Karin.”

SOMALILANDPOT.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories