HomeSafaaradda Turkiga ee Azerbaijan oo abaaraha Somalia u ururisay $251,266

Safaaradda Turkiga ee Azerbaijan oo abaaraha Somalia u ururisay $251,266

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Azerbaijan,(SLpost)- Olole balaadhan oo uu Turkigu ugu jiro ururinta dhaqaale lagu taageero dadka abaaruhu aafeeyeen ee Soomaaliya, ayaa lagu ururiyay Safaaradda Turkigu ku leeyahay dalka Azerbaijan lacag dhan $251,266 oo Doollar, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka dalkaas ee Anadolu Agency.

blankDadka degaanka caasimada dalka Azerbaijan ayaa sidoo kale ka qaybqaatay ololahaas, kuwaasoo ah ganacsadayaal taageero ka hela isla safaaradda uu Turkigu ku leeyahay dalka Azerbaijan. Isla markaana ganacsadayaal Azerbaijan u dhashay ayaa iyaguna taageero ka geystay ololahaas.

Dhaqaalahan la ururiyay iyo sidoo kale lacagaha ay caalamka ka soo kala ururiyaan safaaraddaha uu Turkigu ku leeyahay ayaa la sheegay in lagu soo shubo Akoonto ay dawladda Turkigu Soomaalida ugu furtay sidii loo taageeri lahaa dadka ku tabaaloobay abaaraha Soomaaliya ka dhacay.

Dhanka kale, Baanka Adduunka ayaa meel-mariyay dhaqaale gaadhaya 30 milyan oo Doollar oo lagu caawinayo qaxoontiga Soomaaliyeed ee jooga dalka Itoobiya. Baanka Adduunka ayaa magaaladaWashington, DC kaga dhawaaqay Khamiistii la soo dhaafay inay ugu deeqayaan 30-kaa milyan oo ay sii marsiinayaan Hay’adda UNHCR si loogu caawiyo inka badan nus-malyuun qof oo qaxoonti ah oo u badan caruur iyo haween, kuwaasoo ku jira kaamam qaxoontiga ah oo ku yaala dalka Itoobiya iyo weliba Kenya.

Dhaqaalahaas ayaa la sheegay in mudo ka badan 18 bilood loogu talogalay in lagula dagaalamo nafaqo-darrada iyo in lagu bixiyo sare-u-qaadista adeegyada caafimaadka.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories