HomeSafaaradda Itoobiya Ku Leedahay Somaliland Oo Ka Hadashay Ajaanibka La Mastaafurinaayo, Fiisayaashii...

Safaaradda Itoobiya Ku Leedahay Somaliland Oo Ka Hadashay Ajaanibka La Mastaafurinaayo, Fiisayaashii Hakaday Iyo Arimo Kale

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost)-U qeybsanaha safaarada Itoobiya ee Somaliland ee arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda Mr. Ageze Amelo, ayaa sheegay in aaney Itoobiya ogeyn oo keliya balse ay taageersan tahay howsha ay Somaliland gacanta ku hayso ee la tacaalida tahriibeyaasha sharci darrada ah ee badankoodu yihiin Itoobiyaanka.

Waxa u sheegay in ay tahay arrin u baahan wacyigelin ballaadhan oo dadka lagaga joojinayo dhibaatada ay arrintani leedahay oo ay in badan oo ka mid ahi ay ku waayayaan naftooda horeyso iyo dambaysaba.

Qunsulka oo xafiiskiisa ugu warramayay Somalilandsun, waxa uu ka daboolka ka qaaday sida ay dawladda Addis ababa uga walaacsan tahay khasaaraha nafeed ee sii kordhaya ee tahriibayaasha sharci darrada ah.Dublamaasigani waxa uu ka hadlay in ay kala shaqeynayaan masuuliyiinta Somaliland iyo hay’adaha muhaajiriinta qaabilsan daaweynta muwaadiniintii Itoobiya ee ku dhaawacmay shilkii baabuurka booliska ee lagu daad-gureynayay tahriibayasha sharci darrada ah oo ay ku nafwaayeen laba qof, iyada oo saddex kalena ay xaaladoodu liidato.

Mr. Amelo waxa uu sheegay in dib u celinta diirada lagu saaro oo keliya kuwa sharci darrada ah maadaama ay jiraan muwaadiniin badan oo dalka deriska ah oo ku sugan Somaliland iyaga oo ugu nool, ugana shaqeysta si sharci ah.“Muwaadiniin badan oo Itoobiyaan ah ayaa ka shaqeysta oo ku nool Somaliland, haddiiba ay dhacdo in qaarkood ay saameyso sharci darradu waa in la damaanad qaadaa hantidooda,” ayuu yidhi qunsulku.

Waxa kale oo uu qunsulku daboolka ka qaaday in uu jiro dedaal wada jir ah oo socda oo lagula tacaalayo cidhibtirka shabakad xoog badan oo dadka tahriibisa oo isaga dab qaada inta u dhaxaysa Somaliland, Itoobiya iyo Putland oo dadka ugu sii tahriibisa khaliijka doonyo kharaab ah.“Waxa ku waajib ah dawlad kasta in ay ka ilaaliso muwaadiniinteeda iyo dalkeeda dhaqdhaqaaqyada argagixiso, waxaanan si buuxda iskaga kaashaneynaa Somaliland in aan xaqiijino, islamarkaana tirtiro in ay argagixisadu ay isaga gudbayaan dal illaa dal kale,”Mr. Ageze Amelo.

Dublomaasiga Itoobiya, sidoo kale waxa uu ka hadlay in ay si buuuxda u og yihiin in ay Addis-ababa u tahay marin halbowle ah muwaadiniinta reer Somaliland iyo dunida kale, sidaa awgeedna waxa uu ku warbixiyay in ay bixintii fiisooyinka dib u soo celinayaan marka la xalilo arrimo farsamo, waxaanu yidhi “Waxa aanu waqtigan eegnaa oo keliya arrimaha deg-dega ah ee caafimaadka, wareysiyada deg-dega ah ee safaaradaha shisheeye ee Addisababa iyo socdaalada rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda iyada oo ay si dhakhso ah oo buuxda u soo noqon doonto bixintii fiiseyaashu.”

Ageso Amelo oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaanu ku mashquulsanahay bixinta fiisaha caamka ah iyada oo in ka badan 500 oo codsade si sharci ah loogu ogglaadey dal ku gal Itoobiya ah arrimo kala duwan oo ay ku jiraan ganacsi,booqashooyin shaqo oo rasmi ah, transit, dalxiis iyo caafimaad,” ayuu yidhi qunsul Amelo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories