HomeSadexda Xisbi Qaran Xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Shiray Diiwaangalintii Codbixiyayaasha...

Sadexda Xisbi Qaran Xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Shiray Diiwaangalintii Codbixiyayaasha 20 Casho Inaga Xigaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, sadexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka ayaa shir alaabadu ay u xidhanaayeen ka yeeshay diiwaangalinta codbixiyayaasha oo laaabtanka casho ee fooda inagu soo haya ka bilaabmi doona gobalka Togdheer.

Kolankaas alabaabadu ay u xidhanaayeen kadib oo waxa warbaahinta u warmay hogaamiayayaasha sadexda xisbi qaran iyo gudoomiyaha komishanka doorashooyinka waxaana ugu hrayntii halkaas ka hadlay gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ahana musharaxa xisbiga Kulmiye waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa ay komishanka qaranku soo bandhigeen qorshe tafatiran oo ay aad iyo aad uga soo hawalgaleen sidii ay diiwaangalintu u bilaabmi lahayd dhawaan hadii eebe ogalaado, waxaana dhamaan laysku raacay in diiwaangalintii la bilaabo maalinta ay u soo gooyaan komishanka qaranku lagana bilaabo Togdheer, asxaab ahaan iyo xukuumad ahaana waanu ku qanacnay sida ay hawshoodaas u soo diyaariyeen.”

Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga Ucid ayaa isaguna halkaas waxa uu ka yidhi”Waan ku hanbalyaynayaa komishanka qaranka maanta fadhigan ay noogu yeedheen, waxay noo soo bandhigeen habka ay doonayaan inay u qabtaan diiwaangalinta, waxanan hanbalyaynayaa gobalka Togdheer oo ay u doorteen inay noqoto halkii ay ka bilaabmaysay, waxa la arkay inuu gobalkaasi u bisilyahay, diiwaangalintaas maanta aynu bilaabaynaa khayar ayay inuugu dhamaan doontaaye waxay ka turjumaani doontaa tirada dadka Somaliland intuu yahay, haday laba milyan is diiwaangaliso waxa ay tiradeenu noqon doontaa lix milyan, maalintaynu dalka soo galnay ilaa maanta waynu sheeganaa sadex milyan iyo badh aduunkuna waxa uu yidhaahdaa miyaanay korinba.”

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa isaguna halkaas waxa uu ka yidhi”Xukuumada iyo sadexda xisbiba goobjoog ayaanu u ahayn runtiina talada laysugu yimi waxay ahayd qaabkii diiwaangalintu ay u bilaabmi lahayd, wayna ku mahadsanyihiin komishanka doorashooyinku sida ay noogu soo bandhigeen,arinta ubucdeedu waxay ahayd in loo diyaar garoobi diiwaangalinta doorashada taas oo komishanku ay soo gudbin doonaan maalinta ay bilaabayaan.”

Ugu danbayntii waxa halkaas ka hadlay gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame“Waxaanu umada Somaliland u dheegaynaa in maanta aanu soo gabogabaynay diyaar gorawgii diingaalinta codbixiyayaasha Somaliland, waxaanu ku soo gabagabaynay inaanu jadwal u samaynay sida ay isku raacayaan gobaladu, sida ay u kala horaynayaan, waxaanan kala tashanay xisbiyada qaranka iyo dawladaba inaan isla qaadano in si mid ah diiwaangalinta loo galo, diiwaangalintu waxay ka bilaabmaysaa gobalka Togdheer bisha koowaad labada wiig ee ugu horeeya oo aanu soo cayimi doono sida ugu dhakhsaha badan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories