HomeSaddexdii Dhacdo ee Berbera & Saddexdii Madaxweyne – W/Q: Sidiiq Faarax Jaamac

Saddexdii Dhacdo ee Berbera & Saddexdii Madaxweyne – W/Q: Sidiiq Faarax Jaamac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

1. Madaxweyne Cigaal iyo dhacdadii ugu horeysay ee Berbera.

blankHeshiiskii uu marxuum Cigaal Kontonka sano kula galay shirkadda Total inay Maamulaan oo ay Dayactiraan Haamaha shidaalka berbera lana sheegay ,inuu ka lahaa laba Arimood in haamaha oo dib loo sameeyo iyo in Caalamku maalgashadaan, si marka la yidhaa Caalamku wuu maalgashaday uu u yidhaa haa Total in heshiiska shirkadda Total ay xukuumadii marxuum Cigaal ay la gashay laga lahaa weliba iyo sidii loo dayactiri lahaa haamaha shidaalka ee Berbera.

Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab) oo ahaa ganacsatadii waqtigaasi haamaha shidaalka xuurtada ku haystay ayaa ganafka ku dhuftay heshiiskaa marxuun cigaal iyo Total, isagoo amar ku bixiyey madaxweynihii waqtigaasi marxuun cigaal in la soo qabto Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab), taasina waxay ku qasabtay Muuse dalab inuu ka soo jeesto ttuulada degaan ahaan uu ka jeedo dacarbudhuq oo maleeshiyo hubeysan ku haystay ilaa ,intii uu xukunka haystay marxuunku oo halkaa ku dhmaystay , madaama uu Magaalada Berbera marxuunku si dhaba uga soo jeedey .

 Inkastoo  siyaasada Total ay Djibouti soo gashay , isla markaana ay markii danbe shidaalkeenana loo qaaliyeeyay ka Djibouti-na hoos loo dhigay ay daaranayd , in aan inaga Itoobiya shidaalka inaga qaadan, sababta ay Total inoo soo gashayna waa sidaa ee ay Itoobiya Djibouti uun ka qaadato, kolkaa inaga waxay inaga xanibtay total dad 80 Malyuun gaadhaya oo ku nool Itoobiya oo u baahan waxyaabaha Badda ka soo dega oo ay ahayd in la siiyo Badda wax laga siiyo hadii aan la wada siinba, waayo 22 Haamood wax badan ayaa uga go’I lahaa, ayaa maanta khasaare badan dabadeed xukuumadu garatay arintaa.

2. Dhacdadii 2aad Maxjarka Berbera ee Aljaabiri.

Feb 09, 2009 at 02:36 PM   Madaxweynaha Somaliland waqtigaasi Md, Rayaale ayaa xadhiga ka jaray  maxjarka cusub magaalada Berbera oo in badan la sugaayay, Wefdigii Balaadhnaa ee uu hor kacayay Madaxweynihii hore  JSL Mudane  Daahir Rayaale Kaahin, ayaa guul weyn oo wax ku ool ah ka soo hooyay Safarkiisii uu ku tegay Caasimada Gobolka Saaxil ee Berbera, isaga oo halkaasi ku soo gaba gabeeyay Mashruuc qiimo weyn oo dadku indhaha ku hayeen muddo badan.

Maxjarkan cusub oo  ah mid casri ah oo markii ugu horeysay dalka laga hir geliyay, waxa la mariyaa shaybaadhi dhamaan Xoolaha Somaliland iyo kuwa gobolkaba.

Hadaba markii la furay maxjarkaasi waxaa ganacsadayaashii xoolaha dhoofin jirey mid ka midda oo la yidhahdo Ganacsade Deyr oo isna ka jeeda Tuulada dacarbudhuq ganafka ku dhuftay furitaanka maxjarkaasi,isla markaana waxuu is hortaagay xoolihii la dhoofinaayey,  madaxweyne Rayaale ayaa waqtigaasi amar isna  ku bixiyey in xabsiga loo taxaabo Ganacsade Deyr, , bal aan eegno wargeyska Geeska oo arimahaasi aad ugu hadlay waqtigaasi

3. Maalgelinta Warshadda Sibidhka Berbera

12 Mar 2012 –Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo saaray digreeto uu labada shirkadood ee ugu waaweyn maalgashadayaasha – Dahabshiil iyo Telesom kaga saaray heshiiskii wadareed ee xukuumaddii hore la gashay ganacsatada dalka, uguna ogolaaday in ay abuuraan warshad labaad oo sibidhka soo saarta.

 Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab) ayaa hadana marlabaad arintaasi ganafka ku dhuftay ,isagoo sheeganayaa Guddiga ganacsatada ku bahoobay maalgelinta Warshadda Sibidhka Berbera, ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aan Madaxweyne Siilaanyo wax kaga beddelay qorshihii wa-lahaanshaha iyo maalgelinta Warshadda Sibidhka Berbera ee ay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale la gashay ganacsatada wadaniga ah.

Hadaba Muuse dalab oo iminka huwan magaca gudida dan iyo duco ,isla markaana ka tirsan Golaha dhexe xisbiga mucaaradka Udub ayaa horjeestay go’aanka cusub ee Madaxweynaha oo ay ku tilmaameen mid dhabar-jab ku ah qorshihii ganacsatada wadaniga ahi ku kicinayeen warshadda Sibidhka.
Isla markaana sidii caadada ahayd waxaa la soo abaabulay dad arimahaasi qas iyo fawdo ka bilaaba magaalada Berbera , oo qaar la xidhay , oo dad la soo abaabulay ay ku madaharaadeen, arimaha noocana oo magaalada Berbera iminka ka noqday wax iska caadiya, hadaba xukluumadan madaxweyne Siilaanyo waxa looga fadhiyaa inay go,aanadii ay qaateen , madaxdii ka horeysay uu qaato , umadduna u baahantahay maalgelintaa wershadaa oo baahi weyn u hayso, isla markaana dadka degaanku ay aad u tageersanyihiin hawlkasta oo wershadaasi lagu kicinaayo , kooxdan ay u arkaan dad dantooda ka hormariya ta guud, oo aan dheg jalaq loo siin.

Sidiiq Faarax Jama(Dhiin)

Hargeysa-S/Land 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories