HomeSaddexda Xisbi Qaran oo mawqif isku mid ah ka muujiyey Ilaalinta Midnimada...

Saddexda Xisbi Qaran oo mawqif isku mid ah ka muujiyey Ilaalinta Midnimada Somaliland, shacbigana ugu baaqay bannaanbax salmi ah oo ay Qaddiyaddooda ku muujinayaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 21 January, 2012 (SLpost)- Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCID ayaa Maanta si wada jira u cadeeyay inaan qaranimada Somaliland gorgortan gali Karin isla markaana ku taageeray Xukuumada Mawqifka ay ka qaadatay  Xaaladaha ka soo kordhay gobollada bari.

Masuuliyiinta Sadexda Xisbi Qaran oo si wada jir ah Saxaafada ugu waramay Qasriga madaxtooyada ayaa faahfaahin ka bixiyay Aragtidooda ku aadan xaalada wadanku galay.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumada somaliland ay ka shaqaynayso nabadgalyada iyo xoojinteeda, iskaashiga iyo wada jirka ummadda taas oo ah mida uu dalkani hore ugu soo caano maalay.

gudoomiyuhu waxaa uu  xusay in xukuumada oo ah midhihii ka dhashay Xisbiga Kulmiye ay  mar walba ay diyaar u tahay in wax kasta oo tabasho ah oo jira  lagu dhameeyo wada hadal hase ahaatee waxa uu cadeeyay in wixii xad gudub ku ah qaranimada iyo madax banaanida dalkan aan cidna laga yeelayn.

Guddomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay inaan shacbiga Sool loo nisbayn Karin shakhsiyaadka dalka dibada kaga soo duulay

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Inj Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shir beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Taleex uu ahaa mid lagu wiiqayo qaranimada jamhuuriyada Somaliland isla markaana lagula dagaalamayo Xasiloonida iyo degenaanshaha Mandaqada waxaanu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay ilaashadaan qaranimadooda waxa kale oo uu ku booriyay inay Mudaharaadka Maalinta beri ka dhici doona dalka ay ku muujiyaan  sida ay qaranimada Somaliland u tahay lama taabtaan .

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, waxaam kale oo uu sheegay inay axsaabta dhaqan u ahayd inay u midoobaan qaranimada Somaliland waxaanu intaas ku daray in qaranimadeenii lagu soo duulay.

Axmed Ismaaciil “Axmed Kayse” oo ku hadlayay magaca xisbiga Udub ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in laga wada tashado xaalada uu haataan dalku marayo, waxaanay cadeeyeen sida ay muqadaska u tahay difaaca dalka iyo sugida xuduudihiisu isagoo  iftiimiyay sida ay diyaarka ugu yihiin Xisbi ahaan in ay xukuumada ku garab istaagaan adkaynta nabadgalyada, sugida xuduudaha iyo madaxbanaanida dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Guud ahaan Mas’uuliyiinta Xisbiyada Qaranka ayaa bulshada ku baraarujiyay sidii ay dareenkooda ugu muujin lahaayeen isu soo bax balaadhan oo ku wajahan shir ku sheegi deegaanka taleex ka dhacay iyo sida aanay madax banaanida JSL gorgortan u geli Karin.

Somalilandpost News

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories