HomeSaddexda Xisbi Qaran oo Komishanka u gudbiyey Liisaska Murashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee...

Saddexda Xisbi Qaran oo Komishanka u gudbiyey Liisaska Murashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Maroodijeex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Saddexda Xisbiga Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADANI ayaa maanta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku wareejiyey liisaska Murashaxiinta u taagan doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Maroodijeex.

Liisaska Murashaxiinta gobolka Maroodijeex ee saddexda Xisbi maanta gudbiyeen ayaa kala ah murashaxiinta u taagan Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka Hargeysa, Gabiley, Sallaxley iyo Balligubadle.

blankMasuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay komishanka u gudbiyeen liisaska murashaxiinta.

Af-hayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Buuni iyo xoghayaha guud ee xisbigaas Ibraahin Raabi, waxa ay sheegeen inay komishanka doorashooyinka qaranka ku wareejiyeen dhammaan liiska murashixiinta xisbiga uga sharraxan doorashooyinka goleyaasha degaanka ee gobolka Maroodijeex.

blankXoghaye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa isna sheegay in xisbigaas komishanka doorashooyinka qaranku ay si rasmi ah uga gudoomeen liiska murashixiinta xisbigaasi uga sharraxan degmooyinka Gobolka Maroodijeex.

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay in ay guddida doorashooyinka ay ku wareejiyeen murashixiinta xisbigaasi ugu talo galay in ay u tartamaan doorashooyinka deegaanka.

blankMaanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 17-ka March, ayay ku ekayd muddadii uu sharcigu jidaynayey ee Guddiga Doorashooyinku u qabteen saddexda Xisbi inay ku soo xereeyeen liisaska murashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee dalka.

Sharcigan ayaa jidaynaya in liisaska murashaxiinta ee loo gudbiyey Komishanka ay ku lifaaqan yihiin shuruudaha iyo dokumentiyada murashaxiinta looga baahan yahay oo ay ka mid tahay waraaq caddeynaysa in murashaxu bixiyey Lacagta Deebaajiga ee looga baahan yahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories