HomeSaddexda cudur ee ay Soomaaliland u dhiman doonto haddii aan la ga...

Saddexda cudur ee ay Soomaaliland u dhiman doonto haddii aan la ga dhayin:

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

1) Qabyaalad la siyaasadeeyay. Miskiin wal oo siyaasi sheegtaa marka uu ku guuldarraysto keenista aragti xalaal ah oo ay dadku ku raaci karaan, wax uu magansadaa xaalad-abuur iyo xamaasad qabiil uu umadda ku ka la qaybiyo, taas oo uu ku meelmariyo abaabulid shirar qabyaaladeed iyo laaluush baahsan; laaluushkaas oo ay bixiyaan shirkado xaaraan ah oo maalgashada siyaasaddaa xaaraanta ah. Qofkaa miskiinka ahi dadkiisa u ga ma tudho ayaayo xumada ay taasi umaddiisa u lee dahay iyo curyaaminta ay u geysanayso dawladnimo taabbo qaadda.

 

2) Mujaahid baan ahay oo kaadidayda ayaan u soo cabbay. Taariikhda ummaduhu wax ay martaa marxalado ka la duwan qurux iyo foolxumaba. Halgankii dalka ka dhacay marxalad la soo maray buu ahaa, is la markaa dadka reer Soomaalilaand waa ay ku ka la qaybsanaayeen, mana jiro qof iyo qofaf gaar ah oo ku ammaanan, ama qof iyo qofaf gooni ah ku dhaliilani. Kaadida la soo cabbay waxaa ka dambaysay marxalad la gu midoobay nolol cusub in loo gudbo wixii hore ee la gu qaybsanaana la masaxo. Ninka maanta doonaya talada dalka in uu nin kale ka ga xigsado ”kaadi baan u soo cabbay” ha garto in ay dalka u siman yihiin kii isaguna dhanka kale kaadida ka soo cabbay. Haddii aan sidaa loo fekerin Soomaalilaand la ma wada laha, heshiiskii 1991 la gu walaaloobayna wuu burayaa.

 

3) Dhaqan xumo ah dawladda in loo arko wax la ga baayacmushtaro oo lacag la ga tacbado. Dunida sookoraysa oo dhan musuqmaasuqu waa sababta kowaad ee dibudhacooda. Ha ahaatee Soomaalilaand waxaa ka dhaqan galay hab-dawladeed aan wax la mid ahi dunida soo marin marka ay tahay musuqmaasuqa. Dhab ahaantii Soomaalilaand loo ma adeegsan karo erayga ”musuqmaasuq” waayo xoolaha umadda la ma xado ee waa la boobaa, awoodda dawladda oo abaabulan oo midaysan baana boobkaa la gu fuliyaa la guna difaacaa (mayd waxaa u dambeeyay Haamaha Shidaalka Berbera).

 

Sida qof waliba arkayo, Soomaalilaand maalinba ta ka dambaysa sawirkii dawladnimo sharci ahi wuu sii tirtirmayaa, kalsoonida bulshada dhexdeedu waa ay sii dhimanaysaa, ka la furfuranka iyo tafaraaruquna wuu sii durkayaa. Waxaa la odhan karaa waxa qudha ee maanta dadka isu sii hayaa waa rajo uu qof waliba ka qabo in uu raqda meesha taalla wax ka boobo inta aan meesha la gu ka la yaacin. Dhaqanka boobka iyo kalayaaca waxaa hormuud ka ah kooxda QAQ ee maanta talada ka laallaadda.

 

Waxa qudha ee Soomaalilaand badbaadin karaa waa kacdoon weyn oo ay dhallinta waxbaratay samayso, dalkana ka ga safayso faca guuldarrada ee ku weynaaday basar xumada siyaasadeed iyo garashada qaldan ee dawladnimada la ga haysto.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories