HomeSaddex Cisho

Saddex Cisho

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nin oday ah oo aan galab dhawayd la sheekaystay baa aad iiga fekersiiyey. Dhowr dhacdo oo yaab leh buu iiga sheekeeyay. Duni dhan oo madaxeedu mijo u rogmayaan buu arkay, u soo taagnaa oo la joogay. Saddex cisho iyo saddex dhacdo oo laba dareen kala leh buu iiga warramay.

Horraantii toddobaatannadii buu yidhi waxa aan joogay Dubay. Wuxuu yidhi hudheel aannu marar ku kulmi jirnay aniga iyo niman dhallinyar ahi waagaas bay inani cabasho ka sheegatay. Dariiqii ay mari lahayd in rag ay fadhiyaan bay hooyadeed uga cabatay. “Innamada hooyo la hadal si ay meesha uga kacaan waan ka xishoonayaaye” bay codsatay. Inanta hooyadeed aqoon badan bay u lahayd Soomaalida. Way la yaabtay inanteeda oo waxay ku tidhi “Hooyo kuwani waa rag Soomaali ah, ku soo eegi maayaan xataa haddii aad dharka dhigato”. Waa horraantii toddobaatannadii. Inantii sidii bay ku qabsatay weedha hooyadeed, runnimadeedana way naga aragtay buu yidhi.

Maalinta labaadna dabayaaqadii toddobaatanaadka ayey ahayd buu yidhi Cabdiraxmaan. Ingiriiska ayaan shaqo u tegay. Aad baannu ugu yarayn (Soomaalidu) buu yidhi guud ahaan Ingiriiska, gaar ahaan shaqada. Qolada caddaanka ahi waxa ay noo yaqaanneen intayada Soommalida ah “Waaryaa” oo ahayd eray aannu isku garan jirnay. Nin ka mid ah shaqaalihii xafiiska oo cusbaa ayaa alaab waayey oo niman Soomaali ah tuhmay. Nin in badan dhaqankayaga yaqaannay baa ku yidhi ” ‘Waaryaa'(Soomaalidu) waxba ma xaddo’e arrin kale ka hadal. Way dagaallameen wa la qaadan karaa, laakiin xatooyo waligood ma sameeyaan”. Sidii bay arrintii u dhacday. Tanina waa dabayaqadii toddobaatannada.

Beri dhawayd oo sannaddo kooban ka hor ah, isla qurbaha ayuu nin Soomaali ahi damcay in uu gaadhi(Taxi) raaci. Xagga dambe ayuu kursi ka bannaanaa. Dumar baa saarnaa xagga dambe, dirawalkii baa ku yidhi soo gal xagga dambe. Ninkii odayga ahaa baa diiday oo yidhi halkaa geli maayo-haweenka dhexdooda. Dirawalkii oo la yaabban baa yidhi “Ma adiga oo Soomaali ah baa wax diidaya?” warcelin yaab leh bay noqotay oo ay tahay.

Labada dhacdo ee hore iyo ta dambe qiyaas ahaan wax soddon sanno ka yar baa u dhexeeyay. Isbeddel aad u wayn baa se ka muuqday. Isbeddel baaxad leh oo ku dhacay qofnimadii Soomaalida. Wayddiimo badan baa ka dhalanaya. Aragti dhan oo ummad laga haystay sidee bay muddo intaas le’eg ugu baabi’i kartaa? Maxaa keenay? Dagaalka intaa le’eg halkee buu ka yimid? Yaa sabab u ah wax kasta oo dhaqankii suubbanaa ee soomaaliada ku dhacay? Hankii iyo qabkii bulsho yaa sidan u wiiqay? Qofkii dorraad tuugannimo loo diiddanaa, gabdho eeg-eegis iyo dhaqan-xumo laga difaacayey maxaa keenay in maanta lagu dhaho Soomaalinnimo awgeed ma tihid qof dooran kara halka aad fadhiisanayso ama ka xarragoon kara?

Qofnimadu ma wax la waayi karaa? Noloshu ma  sharaf bay ku santahay? Mise  sharafta ayaa nolosha ku san? Maxaa malaayin qof soddon sanno ka hor dhaqan suubban lagu yaqaannay maanta ka wada dhigay dad laga baqo, goobta ay joogaan laga cabsado, in lala sheekaysto laga warwaro oo aragtidooda laga saso?

Soomalidu, soddon sanno oo kale gobnimadeedii dib ma u heli kartaa? In ay u hesho diyaar ma u tahay? Qof wali ba taas ma rabaa? Ma rabaa oo keli ah mise wuu ku hawllanyahay?

Cabdiraxmaan oo dhacdooyinkan saddexda cisho iiga warramay wuxuu aamminsanaa in wax wal oo lumay dib loo heli karo oo aan la isdhiibin. Anigu na waxa aan aamminsanahay in dib aynu hankeennii iyo sharaftii ummadnimo  u cusboonaysiin karno, adiga maxay kula tahay?

Sadaam Xuseen Carab

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories