HomeSaddex aanney Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, Madax Dhaqameed ugu Baahneyn

Saddex aanney Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, Madax Dhaqameed ugu Baahneyn

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Wadahadalladii Turkigu hoggaaminayey ee u dhaxeeyey Soomaaliland iyo Soomaaliya, waxa joojiyay oo isaga baxay wadanka Soomaaliya. Waxa ay fulin waayeen dhammaan waxyaabahii lagu heshiiyey oo dhan. Waxa ay isku dayeen in ay keenaan waxyaabo badan oo moran iyo kala aaminbax keenaya oo shirkii ugu horreeyey in lakeenin lagu go’aamieyey.

Iyada oo sidaas ah, haddana Soomaaliya waxa ay keentay waji kale oo wada hadalka ay danahooda uga dhex arki karaan ama caqabad ugu sameyn karaan.  Waxa ay turkiga ka dhaadhaciyeen in wada hadallada loo badalo odey dhaqameed oo madaxda dhaqanka shirka loo daayo.

Haddaba waxa aan doonayaa in aan iftiimiyo arrintaasi, oo noqon karta ilduuf siyaasadeed oo mar kale Soomaaliland ku dhaca. Run ahaantii hannaankani waxa uu bahdil iyo quudhsi ku yahay dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland oo ah dal dhismey oo leh nidaam dowli ah oo aad u adag.

 Soomaaliland waxa ka jirta dowlad 25 sano jir ah oo horumar iyo dowlad dhis joogto ah sameyneysay,  amnigeeduna aad u wanaagsanyahay, halka ay Soomaaliya ka jirto dowlad aad u taag daran oo aan dalkeedaba gacanta ku wada hayn.

 Shacbiga Soomaaliland, arrimahiisa maamul iyo siyaasadeedba, waxa uu u doortey goleyaal qaran oo ay kala xisaabtamaan. Xukuumadda oo arrimahaas toos u fulineysa iyo goleyaasha Shacabka (bar lament) oo loogu talo galey in ay xukuumadda arrimahan kala xisaabtamaan, waxii qalloocdana saxaan. Laakiin Soomaaliya wax ka jirta xukuumad gacan ku rimis ah oo wadamo shisheeye soo buusbuuseen.

 Somaliland iyo Soomaliya siyaasad ahaan ayay u kala tageen, laakiin dhaqankooda, luuqaddooda, iyo midabkooda midna iskuma haystaan oo waa ay wada ilaashadaan, waxyaabaha hadda laga hadlayaana waa arrimo siyaasadeed oo xukuumad loo doortay, lagalana xisaabtamayo.

Marka siguud loo eego madax dhaqameed wadahalladan waxba meel ay kasoo gali karaan majirto, kuwa Soomaaliland waxa aad u wanaagsan in ay toos uga hadlaaan oo ay yidhaahdaan xukuumad ayaan u leenahay arrimaha siyaasiga ah.

Cilmi Baadhe Arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda ah

Maxamuud Daahir Cismaan

Baadigoob@hotmail.com

063 4085537

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories