HomeSadaqo Jaariya - W/Q: Ceelaabe

Sadaqo Jaariya – W/Q: Ceelaabe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gidaaro badan, Meherado badan,Dugsiyo badan,Masaajido badan,Baabuur badan iyo Weliba saxaafada Maqalka iyo Muuqaalka ah intaba waxaad Maanta ku arkeysaa Baco badan oo ogeysiis ama Sida Xayeysiiska loo sameeyey oo lagugu wargelinaayo in aad ka qeyb qaadato horumarka iyo Tabarucaadka Kheyriga ah ee wadanka ka socoda.Hore waxaan u Maqli Jirney in badan Dad Xanuunsanaya oo wadanka waxba lagaga qaban waayey oo Dibadaha la rabo in loo Diro lacago dadka looga uruurinaayo samafalkaasi la baxeysa oo Accounts loo Furo,Wey yareyd in aad aragto Dadka oo wax wada qabsanaya ama Iskood waxtar uga geysanaya Horumarka wadanka.

Dadkeenu Waxa ay inta badan Rumeysan yihiin in Wadankan Cid kale oo aan iyaga aheyni ay dhisi doonto horumarna gaadhsiin doonto,Kuwo badan oo kalena waxa ay aaminsan yihiin in wadanka horta laga dhoofo oo marka la soo shaqeysto lagu soo noqdo si wadanka wax loogu qabto,Kuwo kale waxa  ay ku doodayaan in dawladu ay tahay mid wax kasta laga sugaayo oo aan cid kale loo aaneynin doonin,inyar oo kalena waxa ay si dhab ah u dareensan tahay in wadanku ka dayacan yahay dhinaca dadkiisa oo aan u soo jeedin waxna ka qabsaneynin.In maanta fikirkaasi khaldan bulshada uu ka baxo dadkuna in ay wax qabsan karaan oo ay ogaadaan,Gacmo wada Jirbey wax ku gooyaana la Hirgeliyo Ayaa suurtagal iila Muuqata.

Dhaqaale badan iyo lacago badan oo aan wadamada kale laga sameyn karin Ayaa somaliland gaar ahaan Hargeisa laga helay sida dadka qurbaha ka yimaada ay ku sheegayaan,Dhinaca kale Dadkeenu inta ay lacagtoodii Jaad ku badasheen oo ay ku qayileen Ayey rabaan in wadadana cid kale u dhisto.Lacag wey taala dabcan wadankeena,Dadkeenuna maaha kuwo baahan oo waayo dee Maalintii kumey Qayileen in ku dhow 20$ Habeenkiina kamay casho la.aadeen.

Dugsiyo badan,Wadooyin badan,Masaajido iyo Xarumo badan Ayaa caawimo lagu gaadhsiiyey wax laga soo uruuriyey Dadka wadanka u dhashey oo isku tagey go,aansadeyna in ay dadkooda wax  u qabtaan,1$ Khasaare maaha oo boqol qof Ayaa ka dhigaya 100$.Maanta markaad aragto ka qeyb qaado Dhismaha Wadada Ceerigaabo,Markaad aragto ka qeyb qaado Dhismaha Masaajid cusub oo la dhisaayo oo ku Dir ZAAD No…………Dahabshil No……………..,Markaad aragto Ogeysiiska Ka qeyb qaado Dhismaha Maktabada Qaranka oo leh Number Lacagta loogu diri karo wixii tabarucaad ah,Markaad aragto in Xabaalihii loo sameeyey Account ama Zaad Number loogu diro wixii aad dar ilaahey ula baxeyso,Markaad aragto Fikradan oo maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysaneysa waxaad Dareemeysaa in kaalin maqneyd oo aheyd aynu wax wada qabsano la soo Fahmaayo.

Sadaqo Jaariya waa Eray inta badan lagu soo qoro Marka la sameynaayo ogeysiisyada la xidhiidha in tabarucaad laga geysto meelo baahi ka taagan tahay,Waana Mid tilmaameysa Kheyrka kuugu Jira samafalka iyo Waxaad bixineyso.In aynu wax bixino Ayaa kheyr badan,in aynu ka faa,ideysano Fursadahani oo aan dadkeen wax la qabano meelkasta wixii aan ku darsan karno ku darno Ayaa ah guul nolosha lagu gaadho.In lagu laban laabaayo,in aan sadaqada iyo samafalku waxba yeelin maalka iyo xitaa markaad Dhimato Kheyrkaasi ku soconaayo Ayaana dhinaca kale la wada ogsoon yahay.

Jimcayaasha Ayaad masaajidada qaarkood ku arkeysaa iyada oo lacag loo uruurinaayo Masaajido kale oo la balaadhinaayo taasi oo qof kastaaba inta karaankii isku qoro dadka oo Maqlaaya.Waladka saalixa ah,Cilmiga dadka anfacaya lagaana Faa,idey iyo Sadaqo Jaari ah sida ceel aad dhisto,Wado,Cusbitaal,Masaajid waxa ay ka  Mid yihiin waxyaabaha marka qofku dhinto  u sii soconaya ee isaga oo Camalkiisii kale istaagey u shaqeynayaa.Markaa dadkeenu inta ay lacagtooda Jaad ku badalanayaan ha ku badashaan wadooyin iyo Cusbitaalo dadka danyarta ahna wax ha ugu qabtaan,Warqadaha iyo bacaha tabarucaadka lagu soo qorona la soco oo ka faa,ideyso fursadaasi in aad wax uun ku darsato,ha ka xishoon in waxaad bixineysaa uu yar yahay in aad wax ku darsato Ayaa muhiim ah,Markaad bixisana waad farxi doontaa Maxaa Yeelay Kheyr iyo wanaag Ayaad ka qeyb qaadatey.

Dadka Uruurinaaya Lacagahaasina waxa la gudboon in ay iska ilaaliyaana kana fogaadaan in ay sadaqadaasi uga faa,ideystaan si gaar ah.Kuwo lacagaha dadka loogu soo dhiibo ama agoomaha wax u soo qaada ee aan soo gaadhsiina waa Dembi weyn oo kale.Anigu waxaan garanayaa Nin noogu yimi Xafiiska shaqada oo lahaa Masaajid ayaan wax u uruurinayaa in markii danbe la ii sheegay in la soo ogaadey oo ay beentii aheyd.

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories