HomeSacabkii La Tumay Iyo Maqaskii La Tabay! - Qallinkii Cumar Seerbiya

Sacabkii La Tumay Iyo Maqaskii La Tabay! – Qallinkii Cumar Seerbiya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Cumar SeerbiyaSoomaalidu waxay ku maahmaadaa “hubsiimo halbaa lasiistaa “ oo ay uga jeedaan in layska hubiyo waxkasta intaan lagu dhaqaaqin fulintiisa , waxa kale oo kale oo ay maahmaahdaa ,“Intaanad falin ka fiirso”.

Waxaanu u baxnay aniga iyo koox warfidiyeeno ah meel ka baxsan magaalada Hargeysa halkaasi oo aanu doonaynay in aanu kaga qayb-galno munaasabad uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) uu ku furaayey mashruuc markaasi la dhamaystiray .

Masuuliyiinta ama qofkasta oo madax ahi waxa uu iska leeyahay weheliyayaal ama dad ka agdhaw oo inta badan isku daya in ay u fududeeyaan shaqooyinkiisa iyo waxii hawl ah ee uu qabanayo qofkaasi.

Markii aan u goobtii gaadhnay munaasabaddu ka dhacaysay ee aanu waqti sugaynay ,weftigii uu madaxweynuhu hogaaminayey, ayaa waxaa mar dambe yimi weftigii oo ay la socdaan tiro masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan iyo dad aanan hadda mansab aanu ku tilmaamo garanahaynin (Title) kuwaas oo inta ay baabuurtii si deg-deg daaqadaha u soo boobeen ay hareeraha iska taageen madaxweynaha oo aan is idhi tolow maanta malaa madaxweynuhu waaba nasanayaa oo nimankan tirada badan ee saaxiibadii ah ayaaba hawsha ka qabanaya?.

Dadkeenu inta badan ma jecla in ay arkaan qof isagu is maamuusa ama is boqra, waxayna shaqadu ku fiicantahay in ay noqoto mid dadka u kala soocan oo la kala leeyahay .

Markii uu madaxweynuhu istaagay goobtii uu xadhiga ka jari lahaa oo ay uga sii horeeyeen qaar ka tirsan ilaaladiisa oo ay ku lamaanyihiin tiro ka mid ah dadkii la socday ayaa waxa isla markiiba tartan loo galay sidii loogu kala dhawaan lahaa madaxweynaha taas oo ay la kala saari kari waayey ilaaladii madaxweynaha iyo weheliayaasha .
Madaxweynaha oo xadhiga ka jarayey laba goobood ayaa marka uu tii koobaad dhameeyey waxa loo dhaqaaday dhanka ta kale oo aan sidaasi uga fogayn meeshan hore , kooxdii madaxweynaha la socotay waxay u tartamayaan sidii ay meelo wanaagsan uga helilaaayeen meeshan loo socdo .

Markii la istaagay goobtii kale si kastaba ha loogu kala dheereeyee ee uu madaxweynihiina soo istaagay badhtamaha xadhigii markaasi la doonayey in meesha laga jaro waxa isla markiiba loolan kale ka bilaabmay labada daraf ee xadhiga oo ay qolo isku qabsatay sidii ay u kala hayn lahaayeen xadhiga .
geesta kale waxa iyaguna gacmaha isa sii saaray qaar kale oo doonaya in ay wac uun ka siiyaan sacabka , markii lagu heshiiyey haynta xadhiga ee talo ahaan loo soo jeediyey cidda haynaysa . hase ahaatee wali uu tartanku ka ka taagan yahay qayb-ta sacab tumidd ayaa waxa bilaabay sacabkii mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa kaasi oo ay raaciyeen intii kalena balse madaxweynaha iyo dadkii dhinac taagnaa aanay wali wax shaqo ah qabanin ka dib markii maqaskii lagu jari lahaa xadhiga xidhan lagaga yimi goobtii hore taas oo uu ka soo deg-degay qof loo dhiibay oo isaga hore nasiib ugu helay in uu ka mid noqda dadka aadka ugu dhawaa madaxweynaha markii xadhigii hore la jarayey , kaasi oo doonayay in uu kanna kaalin la mid ah tii hore uu ka galo .

Mar qudha ayaa waxay ku noqotay layaab , iyo u qaadan waa markii la maqlay iyada oo la leeyahay “ Oo mee maqaskii “.
Aniga oo goobta taagnaa ayaa idhi wallee tani waa “Sacabkii la tumay iyo maqaskii la tabay “, oo aan uga jeeday in sacabka la tumay iyada oo aan maqaskii loo tumi lahaaba aanu meesha oolin.”

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Omarserbia1@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories