HomeSABOOLNIMO: Maxaa Sababa, Sideese Looga Gaashaaman karaa?

SABOOLNIMO: Maxaa Sababa, Sideese Looga Gaashaaman karaa?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Saboolnimada ama faqrigu dhibaato weyn ayuu ku hayaa aadamaha, sidaa awgeed dhammaan shucuubta adduunku, haddii ay noqoto qaran, qoys iyo shaqsiba waxa ay had iyo jeer heegan ugu jiraan in ay ka feejignaadaan ama ka baxaan Saboolnimada, laakiin waxa aad moodaa in xalalkii lagaga baxayay faqriga aynu seeggannahay, Ilaahayna (SWT) Qur’aankiisa ayuu inoogu sheegay. Qorshayaal iyo hindisayaal ay sameeyeen dalalka iyo hay’adaha adduunka ugu tunka weyn oo ku saabsan tallaabooyinka FAQRIGA lagaga baxo, waxa ay dhinacnaba u dhaafi waayeen xalka uu Ilaahay ugu talogalay in FAQRIGA lagaga bixi karo.

Tusaale, Barnaamijyada Dood-wadaagga ah ee adduunka ugu magaca dheer oo ay baahiso warbaahinta ugu faca weyn caalamka ee BBC-da, qaybteeda la daawado ee dibadda la hadasha (BBC World Service – The World Debate) ayaa dood aad u xiiso badan oo ay baahiyeen sannadkii 2012-kii waxa ay cinwaan uga dhigeen “Maxaa Sababa Faqriga” ama “Why Poverty.”

Dooddan waxa ka qaybgalay siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahanno, dhaqaaleyahanno, qorayaal iyo mas’uuliyiin ka socday ama ka soo shaqaysay hay’addaha lacagta iyo baannanka adduunka, sida World Banka, IMF iyo G8. Dhammaan mas’uuliyiintaas iyo khubradaas oo sheeganayay in ay waayo-aragtimo ku filan u leeyihiin dhibaatooyinka faqriga adduunka, gaar ahaan dalalka lagu sheego dunidda saddexaad oo ay Afrika ugu horayso waxa ay ku lafo-gureen oo gunaanadkii ay isku raaceen dhawr qodob oo ay ku sheegeen in ay bud-dhig u yihiin faqriga, kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen labadan qodob:

(a) Sinnaansho la’aan dhinaca khayraadka iyo awoodaha ah (Inequality of resource and power). Iyaga oo isku raacay in dad kooban ka faa’iidaysteen khayraadkii, awooddii iyo dhaqaalihii (Oligarchy). Arrintaasi waxay keentay in dadkii tujaarta ahaa ay sii taajiraan, halka dadkii saboolka ahaana ay hoos u sii socdaan. Dalalka ay ku tilmaameen inay summad u yihiin SABOOLNIMADA waxa ugu horreeya India oo ku sheegeen Jamhuuriyadda Saboolnimadda (The republic of Poverty).

(b) Musuqmaasuqa (corruption) oo ay ku sheegeen in uu fududeeyay hannaanka maamul iyo sharci ee dawladaha saboolka ah oo daciif ah ama aan jirinba. Taasi waxa ay keentay in dadka awoodda hayaa iyo inta galaangalka u leh ay noqdaan kuwo isku-shushubta khayraadka iyo dhaqaalaha ka soo xaroodda ilaha dhaqaale. Arrintani waa waxyaabaha ugu badan ee keena caddaalad-daradda, shaqo-la’aanta iyo dagaalada.

Haddaba, qoraalkan kooban waxa igu kalifay markii aan dhagaystay tafsiirka aayado ku jira Qur’aanka oo uu Ilaahay kaga jawaabay waxyaabaha saboolnimadda keena iyo tallaabooyinka lagaga bixi karo oo aad moodo in qaar ka mid ah dalalka horumaray ay ka faa’iidaysteen sida dalalka Scandinavians (Norway, Sweden iyo Finland), Canada (Kanada) iwm, laakiin nasiib-darro dalalka Islaamka oo aynu ka mid nahay aanay dabaqin ama fahmin.

In Faqrigu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ifka ka jira, waxa qiray Rasuulkeennii suubanaa (NNKH), in badana rasuulku waa uu ka magan-galay Ilaahay (SWT). Sidaas awgeed, halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa fahankayga tafsiirka aayadahaas uu Ilaahay sheegay in ay xal u yihiin saboolnimada haddii la dabaqo, sababna u yihiin Saboolnimada haddii la baal-maro ama la dafiro. Aayadahaas waxa ka mid ah shan ayaadood oo Allaah (SWC) kaga waramaya Suuratul Fajri oo macnahoodu uu noqonayo sidan:

(16) Bani’aadamka marka uu Ilaahay ku imtixaano risiq yaraan (saboolnimo) waxa uu odhanayaa ‘Ilaahay wuu i dulleeyay’. Laakiin Ilaahay waa uu diiday sheegashadaas aan salka iyo raadka toona lahayn, waxa aanu ku jawaabay in uu isagu – Bani’aadamku – sabab u yahay kadib sababahan: (17) Agoomaha oo aydaan karaamayn ama xaqii ay lahaayeen aan la siin. (18) Quudinta dadka saboolka ah ama baahan oo aydaan isku dhiirigelin. (19) Dhaxalka oo nidaam khaldan lagu cuno, dadkii xaqa u lahaana la baal-mariyo iyo (20) Maalka ama hodonntinimada oo aad aad u jeceshihiin iyo adduunyada oo laga door-bido aakhiro.

Saddex aayadood oo kale oo ku jira Suuratu Duxaa, ayaa Allaah (SWT) waxa uu ugu manno sheeganayaa Nebi Muxammed (NNKH), waxaan aayadahaas macnahoodu ay noqonayaan: (7) Waxa aanu ku helnay adiga oo sabool ah, dabadeena waxa aanu kaa dhignay qanni (isku-filnaansho). Sidaas awgeed, (8) Agoonka awood ha u sheegan ama ha qasbin, oo loo jeedo in maalkiisa iyo hantidiisa in aan xaqdaro lagu qaadan, haddii uu baahan yahayna la kafaalo-qaado. (9) Qofka wax ku waydiistana (Saboolka) ha eryin, oo looga jeedo haddii aad wax hayso sii, haddii aanad waxba ku dhaamina hadal wanaagsan ku dheh, waayo hadalka wanaagsan waa sadaqo.

Waxa kale oo jira axaadiis iyo aayado tiro badan oo si faahfaahsan uga waramaya sababaha saboolnimada keena iyo daawadooda, laakiin dhawrkaas ayaadood ayuun baan soo qaatay.

Marka aad si fiican u dhugato tafaasiirta ayaadahaas Qur’aanka Kariim ah ee Illaahay kaga hadlay iyo Axaadiista rasuulkeena suuban (NNKH) ee sharaxaysa, waxa hubaal ah in labadaas qodob ee kor ku xusan – Sinnaan la’aan dhinaca khayraadka iyo awoodaha ah (Inequality of resource and power) iyo musuqmaasuqa (corruption) – uu Ilaahay (SWT) si adag uga hadlay, xalkooduna cad yahay, haddii aan la iska indho-tirayn.

Guntii iyo gabogabadii, su’aalaha isweyntiinta leh waxa weeyi ummaddeenna oo ah ummad Islaam ah, saboolnimaduna ragaadisay, maxaa u diiday in ay dabaqaan xalkaas uu Ilaahay Qur’aankiisa ku sheegay ee dalalka aan Islaamka ahayn qireen? Imisa Agoon ayaa ummadda ku dhex dhibaataysan? Imisa qoys ayaa la il-daran xannuunka Saboolnimadda? Maxaa keenay in mas’uul kasta oo ummadda xil u hayaa uu muddo gaaban hodannimo ku sifoobo, inkasta oo aanu muddo sii calfan?

Akhriste, mawduucan laguma soo koobi karo qoraal yar oo kooban, laakiin waxa uu u baahan yahay in si qoto-dheer loo diyaariyo, waxa aan ku martiqaadayaa cid kasta oo aragti sax ah haysa ama baadhitaano hore samaysay in ay soo bandhigaan.

Mustafe A. Muse

Kibaaro@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories