HomeSababtii Somaliland Uga Badbaadday Kala Aarsigii Soomaaliya ka Dhacay 1991-kii - W/Q:...

Sababtii Somaliland Uga Badbaadday Kala Aarsigii Soomaaliya ka Dhacay 1991-kii – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cali coomay2-dii bishii Febarwari ee sannadkii 1991-kii abbaaro 5:00 galabnimo ayay ciidankii SNM ee aagga galbeedk soo galen Hargaysa, ciidankani wuxuu ahaa 31-aad, ka dib waxay gudaha u soo galeen magaalada oo haawanaysa. Gawaadhidii ciidanka iyo tiknikadii ayaa lagu rakibay sameeco waaweyn kuwaasi oo loogu baaqayo dadkii magaalada deganaa ee taageersanaa taliskii MSBarre inaanay ka soo bixin guryohooda, nabadgeliyo iyo inaan la’layn doonin ayaa loogu baaqay.

Qaar ka mid sameecadaha gawaadhida saarnaa waxa ka baxayay heesihii waddaniga ahaa ee “waabaa baryey, bilicsan arooryo baxsan, maalin boqran”. Dadkan magaalada Hargaysa deganaa waxay ahaayeen qoxoontiyadii deganaa xeryaha ku dhawaa deegaanka Hargaysa oo wakhtigii dagaalka toos ula safnaa taliskii MSBarre. Waxa laga dhaadhiciyay inay dhulka iyo guryaha laga saaro taageerayaasha SNM iyaga lagu wareejin doono, taasi bedelkeedana ay hubka qaataan oo ay dagaalka dhinacooda ka galaan, balse dadkaasi intooda badan lagama aargoosan, marka laga reebo kuwii dagaalka ku jiray, oo la soo ururiyay ka dibna la toogtay.

Intoodii badnayd waa la saamaxay. Markii jabhadii S.N.M iyo shacabkii taageersanaa ay qabsadeen magaalooyinka somaliland, waxa magaalo kasta ka buuxay dad aad u badan oo ka mid ahaa xaasaskii ciidamadii Max’ed Siyaad, dadkii qoxootiga ahaa ee la doonayey in dhulka lagu beero iyo dad kale oo taageereyaal u ahaa kacaankii Max’ed Siyaad Barre. Markii wax la iska weydiiyey maxaa laga yeelayaa dadkan? Qaar waa reer Somaliland qaar kalena waa Soomaaliya.

Markii dalka laga saaray taliskii Max’ed Siyaad bishii Febarwari dhamaadkeedii 1991, dadkii reer Somaliland waxay ku baaqeen shirkii ugu horeeyey ee nabadeed oo la iskugu yimid magaalada Berber.

Shirarkii wada tashiga isa-saamaxaada.

Ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay shirweynihii beeluhu isgu yimaadeen magaalada Burco. Bishii maarij 1991 waxa Hargaysa ka dhacay shir balaadhan oo laga furay aqalka madaxtooyada. Shirkaasi wuxuu socday muddo 4 cisho ah waxa maalin kasta ka qaybgali jiray dad gaadhaya 400 qof. Ujeedada shirkaasi wuxuu ahaa sidii loo dawayn lahaa collaadii socotay 10-ka sano.

Waxyaabaha la isku weydiiyey shirkaasi waxa ka mid ahaa laba qodob:

  1. Miyaa la kala aarsadaa oo dagaalka iyo collaadu weynu sii wadnaa haddii aynu nahay S.N.M iyo shacabkii taageersanaa?
  2. Miyeynu joojinaa oo weynu la heshiinaa dadkii collaadu inaga dhexeysay, ee reer somaliland ahaa?
  3. Dadkan aan somaliland u dhalan ee dalka aynu ugu nimid maynu laynaa mise weynu iska daynaa oo deegaankoodii ayeynu ku celinaa?

Waxa xusid mudan in wakhtigan shirku socday in magaalada afar-meelood saddex ay dunsanayeen, oo weliba guryahoodii ay ka qaxeen ay degan yihiin dad aanay garayn, oo lagu qiyaasay 30 kun oo ka mid ahaa dadkii magaalada burburiyey. Haddii aynu dib ugu noqo shirkii qodobada sare lagu falanqaynayey waxa la soo qaatay qodob qodob.

Ka koowaad waxa la isku raacay:

  1. Inaan la kala aargoosan oo S.N.M iyo shacabkii taageersanaa ay iska iloobaan aarsi oo ay ku bedeshaan cafis. Waxay tusaale u soo qaateen markii Rasuulkeena (scw) iyo asxaabtiisi laga saaray gurahoodii ee la colaadiyey sideenna ee ay qoxooti noqdeen. Ka dib markii dambe ay qabsadeen “Makka” sidaynu Hargaysa u qabsanay, ayuu Rasuulku(scw) shiriyey dadkii uu ka xoog batay ka dib wuxuu ku yidhi ”Maxaad iga filaysaan?” Waxay yidhaahdeen Aargoosasho”. Balse wuxuu ugu bishaareeyey nabad iyo walaaltinimo.
  2. Waxa la isku raacay in lala heshiiyo beelihii wada deganaa Somaliland, oo la iska cafiyo wixii dhacay, dawladna la wada dhisto.
  3. Waxa la isku raacay inaan la’layn dadkan dalka jooga ee kacaankii ka hadhay, balse la is-dhaafiyo, oo lagu celiyo deegaankoodii ay ka soo haajireen. Waxa laga codsaday qof kasta oo baabuur lehi inuu ka qaybqaato daadguraynta dadkan. Dadkan qaar ka mid ahi waxay kaga baxeen lug. Waxaad arkaysay dad fara badan oo ubadkoodii iyo alaabtoodii wata oo ku teedsan Hargaysa ilaa Harta Sheekha. Dadka qaar ayaa ku taliyey in alaabta laga reebo maadaama aanay iyagu lahayn oo dadka reer Hargaysa leeyihiin, balse waa laga diiday, oo waxa la yidhi “Qaata wixii aad kari kartaan.” Dadkaasi markay sii socdeen xaggooda hore mooyee xaga dambe may soo eegayn. Cafisku waa guul mustaqbal.

Jabhadii USC ee uu Hogaaminaayay Gen. Maxamed Faarax Caydiid markii uu qabsaday Soomaaliya wuxuu dagaal aarsi ku qaaday dhammaan goboladii ay deganayeen taageerayaashii Maxamed Siyaad Barre. Dagaalka Caydiid wuxuu ka bilaabmay gobolka Banaadir, Bay iyo Bokool, Gedo, Jubbooyinka ilaa Mudug. Sababaha ilaa hadda aanay Soomaaliya u degayn waxa kow ka kala aarsigii dhexmaray Beelaha Hawiye iyo Daarood.

Cali CabdiCoomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Meersiyadii Taariikhda (Vol-1)………. Cali Qoryoolay

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories