HomeSababtee Loo Takooray? - W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sababtee Loo Takooray? – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

coomay(63)Dhaqanka Soomaalida qaybtiisa ku saabsan sinnaanta bulshada iyo xulshada geyaan aad iyo aad buu u foolxun yahay, marka laga eego qaabka loola dhaqmo bulsha la hayb-sooco. Hab-dhaqanka ku salaysan faquuqa iyo yasida, waxa si weyn u diidan da’yarta damiirka wanaagsan ee la hanaqaaday sebenka cusub. Si kastaba ha ahaatee marka baadhis lagu sameeyo sababta loo takooray beelaha Soomaalida ee la yaso, iyaga oo muuqaal, midab, dhaqan, luuqad iyo ahaantoona ka duwanayn kale. Waxa jira sheekooyin tira badan, oo lagu saleeyo inay keentay takoorka beelahaasi, bal aynu qaar ka mid ah soo qaadano.

  • Aragtida koowaad: waxa ay leedahay wakhti aad u fog geyiga Soomaalida waxa ka jiray beel aad u tiro badan oo awoodeeda ballaadhan ugu talin jirtay, kuna xukumi jirtay beelaha kale oo dhan. Lama garanayo waxa la isku qoonsaday, waxaase la sheegay beelihii kale isbahaysteen inay dagaal ku qaadeen kuna jebiyeen beeshii awoodda badnayd. Ayaandarro intii la diley mooyee intii kale oo maxaabiis laga dhigay ayaa xero lagu ooday, halkaasina ay badankoodii silic iyo gaajo ugu le’deen. Dadkii ka hadhay beeshii laga adkaaday darxumo darteed xeradii ciqaabta qaar baa ku dhintay. Maalintii qof xerada ku dhintaba, bulshadii kale waxay halhays ka dhigatay weedha” maanta Mid Go’”. Weedhaasi waxa loola jeeday maantana qof baa dhintay. Intii yarayd ee ka badbaaday Allena ka samatabixiyey xeradii ciqaabta, maadaamoo aanay lahayn xool iyo beertoona, waxa ay noqdeen dabato, islamarkaana waxa ay dantu ku keliftay inay nolol-maalimeed ka dhigtaan kuna shaqaystaan meheradaha Soomaalidu ka faanto sida, ugaadhsiga, kabo-tolis, bir-tumis, timo xiiris, xool-qalidda IWM. Waxa kale oo weliba lagu sameeyey bahdil iyo ab dhalasho doorin, iyada oo lagu tolay halhays ah” MID GO’”. Magaacsi oo muddo ka dib isu rogay hayb-beeleed oo la takooray.

 

  • Aragtida labaad: waxa ay leedahay, oday la odhan jiray Gorgaarte Hawiye ayaa laba wiil dhalay (Maxamed iyo Maxamuud). Seben lagu jiray xilli jiilaal iyo abaar darani dhacday oo gaajo darani asiibtay dadka, oo dabadeedna naftu ku daba yaraatahay ayey heleen neef bakhtiyey, waxa aanay dantu ku kelliftay inay neefkii bakhityey hilibkiisa wax ka cunaan. Markay ka dhargeen, ee naftii ku soo noqotay ayuu Maxamed Gorgaarte neefkii bakhtiyey hilibkiisii badh u soo qaatay si uu sahay uga dhigto, balse walaalkii Maxamuud wuu diiday inuu wax hilib ah qaato. Sidoo kale ayuu Maxamuud hilibkii neefka iska matajiyey. Markay gurigoodii ku soo noqdeen, waxa ay aabahood u sharaxeen wixii dhacay, odaygii wuxuu u qaadan waayey inay wiilashiisu bakhti cuneen, dabadeedna wuxuu u yeedhay wax-garadkii beesha, arrintii dhacday ayuu hordhigay. Arrintani waxa ay noqotay wax cusub (ugub), waxaana loo xilsaaray xeerbeegti go’aan ka soo gaadha waxa laga yeelayo, wiilashan shilku ku dhacay. Ka dib xeerbeegtidii waxa ay go’aamiyeen in Maxamed Gorgaarte la takooro oo aan la guursan faraciisa, maadaamoo ahayn geyaan la siman bulshada inteeda kale. Go’aankaasi wuxuu horseeday in faracii Maxamed Gorgaarte loo aqoonsaday MIDGO, waxana la raaciyey kooxihii hore loo takooray.

 

Labadaa aragtiyood waa sheekooyinka Soomaalidii hore ku sheegi jireen inay tahay sababihii loo takooray beelaha laga tirada badan yahay. Balse sheekooyinkaasi intood badani waa shay afka laga yidhi, oo aan loo haynin wax cad oo lagu qanco. Markaad eegto sheekada ugu dambaysa, waxa markiiba ku soo baxaysa inay diinta Islaamka iyo caqliga wanaagsan ka horimanayso. In qof gaajo u dhimanaya lagu takooro maxaad bakhti u cuntay waa gef wen oo xaga Alle laga galay, waayo shareecadda Islaamku waxa ay ogoshahay oo xalaal ah in neef bakhtiyey wax laga cuno, intii qofku gaajo u dhiman lahaa.

Gabaygan waxa tiriyey Faarax Maxamuud Maxamed oo ah nin qoraa/gabyaa ah degganna Virginia, USA.

Nin dood jecel maan ahayn

Afkaygana waan dabraa

Wixii ila doonta buuq

Daandaansi anoon jeclayn

Ayaan ku dayaa wanaag

6) Hayeeshee doodan furan

Gabooye raggaas ku duulan

U diiday xaqooda daahay

Dagaal u badheedhay duudsi

Inaan daalacan runtii

Wixii rabbi iigu deeqay

Deeley gabay dood qayaxan

Waxaan dembi iga gelayn

Sidii danab roob ka dhacay

Inaan ku deyaamiyaa

Damiirka wanaagga iyo

Dareenkaygaa i-yidhi

Nin baa beri raacay dooni

Badddaas buu darafta gooyey

Duulaanku halkuu ku waday

Meeshii damaciis ahaa

Dantiisa ma uusan sheegin

Dabaylaa lagu saliday

Darbaalkii doonta waday

Ayaa dacalada ka jabay

Habeen baa soo dig yidhi

Cirkii diriraa onkoday

Duufaan xooglaa gilgilay

Halkii naftu doorbiddiyo

Dariiqii baa ka lumay

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

 Calicoomay@hotmail.com

 

TixRaac:

C/qaadir Aroma AHN…….Hadimadii Gumeysiga (2005)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories