HomeSababta keentay Tobaneeyo Saraakiil ka tirsan Dab-Demiska Hargeysa oo Dhaawacyo soo gaadheen...

Sababta keentay Tobaneeyo Saraakiil ka tirsan Dab-Demiska Hargeysa oo Dhaawacyo soo gaadheen (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Tobaneeyo Saraakiil ka tirsan ciidanka dabdemiska oo lagu dhaawacay iyagoo gurmad dab ku jira xaafada Isteed Hawska [ State House ] ee Galbeedka Hargeysa oo maanta gelinkii hore dab qabsaday dhowr guri oo xaafaddaas ku yaala, kaddib markii

dabdamis (2)Saraakiishan oo intooda badan dhaawacyo fudud qaba, waxa haatan xaaladoodu darantahay Affar Sarkaal, waxaanu shilkani dhacay kaddib  markii Isku dhac dhexmaray dad gadoodsan oo ku sugnaa hawlgal ay xaafaddaas ugu baxeen markii lagu soo wargeliyayna ay ciidanka dabdemisku ay ku gaadheen wax ka yar Laba Daqiiqo.

Isla markii ciidanka dabdemisku ay gaadheen goobta waxaa ciidanku damiyeen dhiiladii dabka ahaa ee halkaa laga soo sheegay, isla ciidanka oo ku jira hawlagalkaa dabka ah ayaa koox dhalinyaro ah oo xaafadaa deggeni ay Qalalaase iyo rabshad ka sameeyeen goobtaas waxaanay la dagaalameen Saraakiishii ciidanka dabdemiska ee hawlgalkaa ku jiray waxaana halkaa ay ku dhaawaceen Tobaneeyo Ka tirsan ciidanka dabdemiska caasimada iyadoo imikana ay xaaladoodu culus Affar ka mida Ciidanka Dabdemiska Waxaana ilaa hadda Dhaawac Xun Isha Midig ka soo gaadhay Guuleed Carab Aadan oo Laxaadkiisa ku waayay Gurmadkaa Dabkaa.

dabdamis (1)Waxaa iyaguna dhaawacyo qaba Saraakiil kaloo badan oo ciidanka ah oo lagu waxyeeleeyay goobtaas oo imika lagu dawaynayo cusbitaalka Hargeisa International ee Magaalada Hargeysa.

Dhanka kale waxaa iyaguna halkaa ka hadlay Maamulka Ciidanka Dab-demiska Taliye Sawaaxili iyo Agaasimaha Fulinta waxaanay labadooduba tilmaameen inaanay ahayn wax loo dulqaadanayo in ciidanka Dabdemiska la soo waydiisto gargaar hadana markay yimaadaan loola yimaado rabshad. waxaanay sidoo kale xuseen in ciidanka dabdemisku hadda wixii ka dambeeya tallaabo adag ka qaadi doono arrimaha noocaasi ee had iyo goor soo noq noqda isla markaana sharci adag iyo talaabo laga qaadi doono dadka falalaka ku kaca.

Gabagabadii waxaa Maamulka Ciidanka Dab-demisku sheegeen inaanay tani noqonayn mid ay ku joogsan doonaan hawlaha ciidanku bulshada u qabto ee badbaadada dabka uu sii labanlaabi doono isla markaana hadh iyo habeenba ciidanku u shaqayn doono Dadweynaha Ciidanka Dab-demiska.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories