HomeSababta Dadka Jabaan Ay Uga Cimri Dheer Yihiin Bulshada Dunida Kale Iyo...

Sababta Dadka Jabaan Ay Uga Cimri Dheer Yihiin Bulshada Dunida Kale Iyo Sirta Ku Jirta Firfircoonidooda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Tokyo (SLpost)- Warbixin toddobaadkii hore ku soo baxday wargeyska The Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa baadhay sababaha u suurtogeliyey dad da’doodu boqolka ku dhowdahay ee dalka Jabaan in ay ku noolaadaan firfircooni iyo xaalad caafimaad oo aan aalaaba laga filan cimrigooda.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika soo koobay ayaa lugu sheegay in duqayda da’doodu qarniga gaadhay ee dalka Jabaan oo tiradoodu ka badan tahay 61 kun oo qof ay ku adkaystaan in aanay waxba ka beddelin noloshoodii ay caadi ahaan ku soo socdeen Sagaashankii sano ee dhaafay, gaar ahaan dhinaca jimicsiga iyo ciyaaraha kala duwan ee dhalinyaradu u badan tahay, sida silbashada barafka lagu dul ciyaaro oo marmar qaarkood aad arkayso da’ ka weyn 105 sano oo masaafad boqol mitir ah barafka dul silbanaya, bootinta iyo orodka ayaa iyaguna ka mid ah ciyaaraha aan laga filan karin ee caadada ay ka dhigtaan dadka da’da ah ee dalka Jaban oo lagu tiriyo dalalka ay dadkoodu ugu cimriga dheer yihiin dunida.

Hedykeshi Miyazaki oo ka mid ah dadka 105 sano jirka ah ee dalka Jabbaan ee aadka u jecel bootinta iyo orodka ayaa, warbixintu waxa ay sheegtay in sababaha loo tirinayo kartida, tamarta iyo caafimaad qabka duqayda dalka Jabbaan ay ka mid tahay qaab nololeedkooda ay ku soo koreen, qaabkooda cunto oo ay caadi ahaan dadka Jabbaan kaga duwan yihiin inta badan ee dunida kale, tusaale ahaan dadka Jabbaan waxaa caado u ah in qofku tan iyo marka uu dhasha laga ilaaliyo cuntada dufanka leh, sidoo kale dadku waxa ay si gaar ah uga fikiraan caafimaadkooda waxaana la sheegaa in ay dhaqan u tahay in ay akhriyaan ama la socdaan war kasta oo cusub oo caafimaadka xidhiidh la’ leh.

Warbixintu waxa ay si gaar ah u xustay tuulayaal ku yaalla buuraleyda silsiladda ah ee Nagano oo dhaca badhtamaha dalka, halkaas oo la aaminsan yahay in duqayda ugu badani ku nooshahay ama dadka dunida ugu cimriga dheer laga helo, baadhis kadibna waxa ay warbixintu ogaatay in cuntooyinka dhulkaas aadka looga isticmaalo ay ka mid tahay khudradda la kariyo iyo in dadku ay iska ilaaliyaan cuntooyinka milixdu ku samaysan tahay, oo xitaa uu ka mid yahay kalluunka oo aan laga helin dhulkaas. Sidoo kale dadka deegaankan ayaa la ogaaday in halka dadka da’da ah ee dunida kale ay ka fadhiistaan in iyagu ay caado ka dhigtaan in ay maalintii ugu yaraan 12 saac ka shaqeeyaan beeraha, xitaa haddii aan looga baahnayn shaqo. Hab-nololeedkaas ayaa la aaminsan yahay in uu xal u noqday mushkiladaha caafimaad ee dadka waayeelka ahi qabaan, gaar ahaan dalalka kale ee dunida.

Xigasho Geeksa Africa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories