HomeSababta Cabdirashiid Riyo-RAAC Isaga Casilay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Sababta Cabdirashiid Riyo-RAAC Isaga Casilay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaran Somaliland Md Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Riyo-raac), ayaa iska casilay xubinnimadii uu ka hayey guddidaas.

Cabdirashiid Riyo-raac oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu sababta is-casilaaddiisa u sibir-saaray xubno Xisbiyada Mucaaradka ahi u xil-saareen hawlaha Komishanka doorashooyinka.

Go’aanka iscasilaadda uu shaaciyey Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa salka ku haya khilaaf soo kala dhex-galay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo xilka ka qaadeen Riyo-raac, Guddoomiye cusubna u doortay Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, inkastoo guddoomiyihii hore ku gacan-saydhay tallaabadaas.

“Inaan Is-casilo waxaa ka dambeeyay labada masuul ee xisbiyada mucaaridku u soo magacaabeen Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland,” sidaas ayuu yidhi Gudoomiyhii hore Ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.

Cabdirashiid Riyo-raac oo markii hore mucaaradku ka biyo diideen magacaabistiisii xubinnimada iyo hoggaaminta Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa qabtay doorashooyinkii isku sidkanaa ee goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka oo lagu ammaanay.

Mr Riyo-raac ayaa noqonaya xubintii saddexaad ee iska casila Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ka kooban 7 xubnood, waxaana hore isaga casilay laba xubnood oo kale.

Khilaafka iyo kala dhantaalanka ku yimi Guddida Doorashada Qaranka Somaliland, ayaa la filayaa inuu saamayn muuqata ku yeesho qabsoomidda doorashooyinka u muddaysan dabayaaqada sannadkan oo xilligan ay si weyn isugu maan-dhaafsan yihiin xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories