HomeSababta Ay Dalalka Faqiirka Ahi Ugu Horumari Waayeen Caawimada Reer Galbeedka 2

Sababta Ay Dalalka Faqiirka Ahi Ugu Horumari Waayeen Caawimada Reer Galbeedka 2

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Caawimada dalalka faqiirka ah la siiyo waxaa ka faa’ida shirkadaha dalalka bixiyey:

Caawimada baanka adduunka iyo haayadda lacagta ee caalamiga ahi bixiyaan waxa ay inta badan u taallaa qaab u faa’idaynaya shirkadaha dawladaha bixinaya caawimada, “Ujeedada caawimada Maraykanku waa in ay dalalka gaajoonayaa aanay ka bixin gacanta Washington iyo xulafadeeda” Nacuum Shoomiski.

Haddii ay run tahay in dalalka qaniga lagu tilmaamaa ay doonayaan in ay si dhab ah u caawiyaan dalalka faqiirka ah, waxaa la arki lahaa iyaga oo dadka baahan wax laga weydiinayo waxa ay dhab ahaan u baahan yihiin in laga caawiyo. Laakiin haddii caawimada oo dhan lagu soo koobo cunto, dawo iyo la-taliyeyaal shisheeye oo ka socda dalalkii lacagtan bixiyey, waxaa cad in aanay dawladda faqiirka ahi ka faa’idayn caawimadaas. Waana sidaa sida baanka adduunka iyo haayadda lacagta ee caalamiga ahi u maamulaan caawimada iyo deymaha, waxaana ka dhashay in dalalka faqiirka ahi ku tanaadi waayeen gargaarkan balaayiinta doolar gaadhay, waxaana khayraadkiisa ka faa’ida uun dad tiro yar oo ah maalqabeenka iyo shirkado shisheeye.

  1. Dheefta saaran deynta dalalka faqiirka ah la siiyo oo aad u badan:

Mar haddii caawimo lagu sheego waxaa caqliga bad-qaba ku soo dhacaysa in ruuxa la caawinayaa u baahan yahay naxariis iyo in culayska faqriga ku sii fogeynaya laga ilaaliyo, sidaa awgeed sida saxda ahi waxa ay ahaan lahayd in deymaha ay dalalka qaniga ahi bixinayaan ay noqdaan kuwo dheefta saarani yar tahay ama bilaa dheef-kor ah, laakiin sidaas ma noqoto.  Dalalka deynta bixinayaa waxa ay faqiirka amaahiyaan deymo ay saarantahay ribo aad u badan. Dhibaatadana waxaa sii cuslaynaya lacagtan deynta ah oo marka hore aan dalka lagu maalgelinayn ee dad gaar ahi uun ku faa’idaysanayaan, haddii maalgelin lagu samayn lahaa waxaaba dhici lahayd in maalgashigaasi wax-soo-saar yeesho oo halkaas ugu yaraan deynta badh ka soo noqdo.

Nasiib darro waxaa is biirsada:

  1. Deynta dalka faqiirka ah la siiyey oo iInta ugu badan ay qaataan ragga haya xilalka ugu sarreeya ee dawladu.
  2. Qorshihii isticmaalka deynta iyo khariiraddii dhaqaale ee loo jeexay oo inta badan fashilma ama dhib sii horseeda.
  3. Shirkadihii dalalka deynta bixiyey iyo maalqabeenkii dalalkan faqiirka ah oo si gaar ah uga faa’idaysta.

Aakhirkana waxa uun bilowda in dalalka faqiirka ahi ay ku qasbanaadaan in ay bixiyaan deyntii oo aan dalka gelin iyo ribadii xaddiga badnayd ee la saaray, waana sababta ay u dhacdo in dalku uu bilaabo in uu deyn kale qaato si uu deyntaas hore isaga bixiyo.

Dalalka faqiirka ahi waxa ay mar kasta ku jiraan deyn bixin iyo in ay dib u celiyaan dheefta saarnayd deyntii hore, iyaga oo maraya habka aynu u naqaanno deyn deyn ku bixi. Tusaale ahaan intii u dhexeysay 1970kii illaa 2002dii, Afrika waxa ay ka heshay baanka adduunka, Haayadda lacagta ee caalamiga ah (IMF) iyo dalalka qaniga ah deyn lagu qiyaasay in ay ka badnayd Nus-Tirilyan doolar, tiro ahaan marka la eego deyntaas Afrika markii la joogay sannadkii 2002dii waa ay wada celisay dhammaanteed, laakiin haddana waxaa weli lagu lahaa 300 oo tirilyan oo doolar oo ah deymihii ay dib u soo qaadatay si ay deymahaas hore u bixiso. (The Challenge for Afrika), weliba deymahan dambe waxaa inta badan ku ladhnaa shuruudo ay ka mid tahay in dawladdu ay yarayso lacagta kabka ah ee ay ku bixiso arrimaha bulshada, sida waxbarashada iyo caafimaadka muwaadiniintooda iyo in suuqyada dalalkan loo furo iibka wax-soo-saarka shisheeyaha, xukuumadaha Afrikana waa ay ku qasbanaayeen in ay shuruuddaas fuliyaan si ay deyntaas u helaan oo deyntii hore ay ugu sii bixiyaan.

Sababahaas iyo kuwo la mid ah ayaa keenay in dalalka faqiirka ahi aanay waxba ka faa’idin caawimada iyo deymaha ay siiyaan dalalka ladan, waana sababta ugu dambayntii dunida dhaxalsiisay in dadka qaninga ah uun ay wax u sii kordhaan kuwa faqiirka ahina hoos u sii degaan oo faqrigu uun ku sii bato.

Waxase hubaal ah in haddii aanay dunida horumartay caqli keenin, oo aanay wax ka beddelin qaabka caawimada iyo deymaha ay siinayaan dalalka faqriga ah, dhinaca kalana ay ka sii wadaan waxa ay ugu yeedhaan edegaynta dunida in aakhirka ay dhici doonto in culayska dadkan faqiirka ahi ku faafo kuwa is-moodaya in ay horumareen, waxaana tusaale horudhac ah inoo ah, tahriibka hadda sida xawliga ah dunida faqiirka ah uga socda ee ay dadku ugu hayaamayaan dalalka ladan, oo in kasta oo uu weli yar yahay haddana durba la arko culayska uu ku keenay dalalka ladan dhaqaalahooda. Waxaana dhab noqon doona hal-ku-dheggii laga dhaxlay halyeeygii xorriyadda Koonfur Afrika Nelson Mandella oo yidhi, “Si dhab ah cidi adduunkan uguma ladi doonto, inta ay jiraan faqriga, cadaalad darrada iyo kala tagsanaanta dakhligu”

Dhammaad

Kamaal Axmed Cali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories