HomeSababta Aanay Saaxiibtinimada Facebook U Rumoobin Iyo Faa’idooyinka Kale Ee Uu U...

Sababta Aanay Saaxiibtinimada Facebook U Rumoobin Iyo Faa’idooyinka Kale Ee Uu U Leeyahay Jiritaankeeda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Washington (SLpost)- “Saaxiibtinimada shabakadda Facebook, runta waxba kama tarto” Sidaa waxaa daahfurtay cilmbaadhis cusub oo sheegtay in saaxiibbadaa laga samaysto bar-kulankan bulsho ay inta badan yihiin kuwo been abuur ah ama aan laabta u dhaadhacsanayn.

Robin Dunbur oo hormuud u ah xeeldheerayaasha sameeyey cilmibaadhistan oo natiijeeda Isniintii toddobaadkii hore lagu faafiyey majaladda Newsweek ee ka soo baxda dalka Maraykanka, ayaa sheegay in daraasaddani caddaynayso, in qof kasta oo facebook isticmaalaa uu celcelis ahaan leeyahay 150 saaxiib. Rubin Dunbur oo isbedellada cilminafsiga (Evolutionary Phycology) ka dhiga jaamacadda caanka ah ee Oxford ayaa intaas ku daray, “Laakiin cilmibaadhistani waxa ay muujisay in 15 keliya (Oo ka mid ah 150) loogu xisaabtami karo saaxiibtinimo caadiya in lala yeesho. Halka 5 keliya ay u dhow dahay in ay noqdaan saaxiibbo aad la isugu dhow yahay”

Daraasaddan oo Geeska Afrika turjumay waxa kale oo uu Barofesor Dunbur ku sheegay in saaxiibtinimada xaqiiqada ah ee labada qof si siman uga soo go’day ay ku iman karto oo keliya kulammada fool-ka-foolka ah, isla markaasna sii socoshadeeda ay kulamadu u fiican yihiin. Laakiin Dunbur waxa uu sheegay dhinaca ay bar-kulannada bulshada ee internet ka anfaci karaan saaxiibtinimada, taas oo ah in ay ka ilaaliyaan muddo dheer kadib in ay go’do ama burburto.

Barafesor Dunbur waxa uu sheegay in saaxiibtinimadu ay leedahay suurtogalnimada ah in ay muddo kadib iska tirtiranto ama burburto sababta kala maqnaanshiyaha labada qof iyo xidhiidhka saaxiibtinimo oo daciifay awgeed, sidaa awgeed laga yaabo in faa’idada ay bar-kulannadu u yeelan karaan saaxiibtinimada ay ka mid tahay in ay ka ilaaliyaan burburkaas iyo kala xidhiidh furankaas. Iyada oo weliba haddana ay runtu tahay in badbaadintaas laftigeeduna aanay sii soconayn, haddii muddo dheer haddii aanay soo dhexgelin kulamo fool-ka-fool ah oo marba soo gaabiya waqtiga dheer ee kala maqnaanshiyaha.

Ugu dambayntii Dunbur waxa uu qaybiyey nooca xidhiidh ee saaxiibtinimada facebook oo uu sheegay in ay dhowr lakab yihiin, ta ugu horreysaana ay taha Shan saaxiib oo keliya oo noqda kuwa iyagu si gaar ah u daneeya arrimaha noloshaada iyo xidhiidhkiina mustaqbal, iyo wareegga labaad (ama lakabka labaad) oo ah qiyaas 15 saaxiib ah oo iyagu la macaamila waxa uu qofku qoro, sida inay xiisayn u muujiyaan, in ay dad kale la sii wadaagaan iyo in ay faallo ka dhiibtaan (Like, Share, Comment) halka wareegga saddexaad (Lakabka) ay yihiin saaxiibbo keliya ku jira liiska, balse aan wax xidhiidh ahi qofka ka dhexeyn, ama aan kaalin ka qaadan qoraalladiisa iyo wixii uu hadba soo bandhigo.

Xigasho geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories