Home"Sababta Aan U Tagi-waayay (Maraykan), Waxa Weeyaan Hawllahayga Ii Yaala  Ayaa Ka...

“Sababta Aan U Tagi-waayay (Maraykan), Waxa Weeyaan Hawllahayga Ii Yaala  Ayaa Ka Badan” Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SLpost) Musharraxa Madaxweynaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha xisbiga, ayaa ka hadlay warar sheegay in loo diiday fiisaha dal ku galka dalka Maraykanka oo la sheegay inuu qorshanayay socdaal uu dalkaasi ku tagi lahaa, waxaanu sheegay in aanay arrintani wakhtigan qorshaha ugu jirin.

 

blank

 

Guddoomiye Muuse Biixi oo warbaahintu arrintan wax ka weydiisay waxa kale oo uu sheegay in xisbi ahaan aanay dalbadan in isaga iyo wefti uu hoggaaminayo ay u safraan dalka Maraykanka.

blank

“Sababta aan u tagi waayay (Maraykan) waxa weeyaan, hawllahayga halkan ii yaala ayaa ka badan oo Ninka xisbi hoggaaminaya ee dalka ay Abaaro ka jireen, ee Diiwaangelintu ka jirto ee hawsha  badan u baahan. Anigu waan haleeli kari waayay oo labdaa hawlood waan isku kari waayay, markaa anigaa codsaday inaan imanayn oo cid kale diro oo Rag badan oo Wasiirka Warfaafinta (Cadaani) ka mid yahay ayaa tegi doona .” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi

 

blank

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu intaas ku daray,  “Marka annagu xisbi ahaan taa maanan dooran, tallaanu ka lahayn. Wargeyska qorayna waxa wanaagsan inuu dadka wax u run ah u sheego. Hadday wax cad oo tibaax ah hayaan ha soo bandhigaan, dee haddii kale waa Niman waaweyn oo dadka wax u qirayn yaanayn been sheegin.” ayuu yidhi Muuse Biixi.

blank

 

Dhinaca kale Guddoomiye  Muuse Biixi oo hadal u jeediyey warbaahinta kadib markii uu is-diiwaangeliyey, waxa uu si celmiyeysan u naqdiyey dadka shakiga galinaya diiwaangelinta, waxaannu soo bandhigay faa’iidada codayntu u leedahay horumarka waddanka.

 

blank

 

Isagoo arrimoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Dawladnimadu waa sida dhirta ama bani’aadamka oo kale oo waa la koriyaa oo kolba waxa la hagaajiyaa oo la soo kordhiyaa. Diiwaangelinta codbixinta ee maanta awoodda ay leedahay waxa weeye in qofku in madaxda ka uu doonayo soo saaro, xisbiga uu doonayana u codeeyo, diiwaangelintu waxay leedahay kaalay oo tali oo qofkaad is leedahay wax buu tarayaa uun dooro, diiwaangelintu waxay leedahay kaalay oo is-diiwaangelin oo xildhibaanka aad is leedahay wax buu tarayaa berri dooro, waxa leeyahay muwaadinka diiwaangelinta qaado si aad u doorato xildhibaannada Golaha Deegaanka, sannad kadibna waxa innagu soo socda doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxtooyada, faa’iidooyinka kale ee ay leedahay waxa weeye sidii la sheegay gobol ama degmo walba waxa la soo saarayaa intii iska diiwaangelisay tiradeeda, waxaana laga qaadanayaa qiyaasta tirada dadka ku nool, kadibna halkaa waxa ka imanaya xaddiga dadka loogu qaybinayo adeegyada bulshada ee caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka iyo kuwa kale. Sidaas darteed, waxaannu dadka ugu baaqaynaa inay is-diiwaangeliyaan.”

blank

 

“Waxa jira tashuushyo badan, dadka qaar baa waxay ku leeyihiin dadka kuwii hore ee aannu dooranayba waxba noomay tarin, wax way tareen oo qof walba oo la doortay wax buu qabtay, laakiin qabyada taala mar lama wada dhammaystiri karo, anigu shakhsiyan lix jeer ayaan halkan ka codeeyey (guriga shaqaalaha dawladda), aftidii dastuurka iyo shantii doorasho ee hore iyo haddii Alle yidhaa ta dambe oo aan maanta isu-diiwaangeliyey, shantuba waxbay tareen, maalintii dastuurka aynu u codaynay maalmo ka hor Alle ha naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Madaxweynihii labaad ee Somaliland) wuxuu lahaa waxa jiri doonta Hargeysa oo daaraheeda dhaadheeri kuwa Abu Dubai la mid noqdaan, maalintaasi fooq keliya kamuu dhisnayn Hargeysa, ciidankeennuna wuu tayo yaraa waxaa maanta ciidan inoo dhisan aad arkaysaan, waa aragti ta uu maalintaa ku baaqayey waa bilow weliba, madaxweynayaashii ka dambeeyeyna mid waliba intii in le’eg ayuu ku daray, kuwa ka dambeeya sannadaha soo socdaana way ku sii dari doonaan, adduunyada ma jirto hawl dhammaataa oo mar walba waa qabyo, mar walba dhaliil baa jiraysa, dhaliishana waxa lagu beddelaa dadka oo tashada oo yidhaa tii hore aynu gufayno.”

blank

 

 

Waxa kaloo uu ku dhiirrigeliyey dadweynaha inay ka qaybgalaan horumarinka iyo hagaajinta nidaamka dawliga ah, isla markaa ciddii dhaliilsan masuuliyiin ay hore u doorteen ay isku dayaan inay toosiyaan ama cod ku beddelaan, isagoo meesha ka saaray in aanay wax qaban madaxda kala duwan ee ku soo baxay xilalka doorashooyinkii u dambeeyey.

blank

 

“Maanta qofka muwaadinka Somaliland ah waxaan leeyahay kaalay waxtarkii hore wax ku dar, dhaliishaad tabanayso kaalay toosi, qarankaaga wax ka dhis, mustaqbalka ubadkaaga dhis, qofku markuu kaadhka diiwaangelinta qaato qofkuu isleeyahay wax bay taraysaa ayuu u codaynayaa, mid kale ayaad xaq u leedaha oo diiwaangelintu ku leedahay waa is-sharrax muwaadin kastaa madaxweyne ayuu isku sharraxi karaa, xildhibaan buu isku sharraxi karaa, xafiiskaad dhaliilayso ayaad adigu tagi kartaa oo aad toosin kartaa, bal markaa qofka leh qaadanmaayo diiwaangelinta haddaad tidhaah anigu waxba dooranmaayo oo qofka hagaagsan wax u dhiibimaayo, aniguna is sharraxi maayo arrinkaasi wuxuu yahay ii sheeg ma dalkaanad wax ku tarayn, ma qof jiraanad ahayn, ma mustaqbal baanad doonayn? Bal hadda caqligaasi wuxuu yahay iyo waxaad hayso ee ra’yi ah ee dadka aad taa ugu diidayso noo sheeg. Diinteena ayaa ina fartay oo ina tidhi tashada, kaalay oo tali oo qaado kaadhka oo ugu codeey kaad isleedahay waxbuu tarayaa dalka. Markaa waxaannu ugu baaqaynaa dadka hadallada isma diiwaangelinayno leh ee sida aan aragtida lahayn u jawaabaya, diiwaangelintu waa xaq iyo waajib waddan oo ku saaran, waa mid diini ah. Markaa muwaadin dhaliisha toosi oo inta uu hayo qofka xilka hayaa qabtay taageer, ku cannaano, haddii aad isaga dhaliilayso beddel, haddaad adigu waxqabanayso oo aad dhaanto kaalay is-dooro, laakiin is diiwaangelinmaayo caqli maaha,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi.

 

blank

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen hoggaanka iyo madax kaloo ka tirsan xisbiga, waxa uu koreer ku soo maray meelo ka mid ah goobaha diiwaangelinta codbixiyayaashu ka socota ee shanta degmo ee Hargeysa, iyagoo socodkooda ku soo maray goobaha Macallin-daa’uud ee degmada Axmed-dhagax, Dugsiga hoose/dhexe ee Maxamed Mooge ee demgada Maxamuud Haybe, Ina Af-diinle ee degmada Gacan-libaax, Dugsiga hoose/dhexe ee Biyo-dhacay ee demgada 26-ka June iyo madarasada Al-irshaad ee degmada Ibraahim Kood-buur, kuwaas oo dhammaantood ay soo indho-indheeyeen habsami-u-socodka shaqada diiwaangelinta.

blank

Waxa kaloo Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta wehelinaysay ay bogaadinayeen dad safaf ugu jiray is-diiwaangelinta goobaha ay mareen, iyagoo dadka kalena ugu baaqayey inay xil gaar ah iska saaraan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo fure u noqon doonta codbixinta doorashooyinka soo socda ee ugu soo horreeyaan Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiillada ee dabayaaqada bisha March sannadka 2017.

 

 

 

Halkan ka dhagayso hadalka Guddoomiyaha.

 

 

Somalilandpost. Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories