HomeSababaha Keena Bidaarta - W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sababaha Keena Bidaarta – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

CALI COOMAYCaadi ahaan dadka waaweyn waxa ku yaalla 100,000 oo tin (Boqol kun). Qofku markuu gaadho da’da 40-jirka, waxa ka go’a 20 timood maalin kasta. Markuu gaadho da’da 50-jirka waxa ka go’a 120 timood labadii cishaba. Taasina waxay ku keentaa inay timo badani ka lumaan amma ka daataan.

Sababaha Keena Bidaarta

Sababaha keena Bidaartu way badan yihiin, balse waxaynu soo bandhigi doonaa kuwa ugu waaweyn:

  • Hidde amma dhaxal ilaa toddoba fac gaadhaysa. ( Androgentic Alppecia)
  • Dawo aan laguu qorin, oo aad isticmaasho
  • Qaar ka mida ah dawooyinka Kansarka
  • Macdanta (Iron) oo ka yaraata jidhka
  • Kiniinta dhalmada ka hortaga( kala-koryiye) xaga dumarka
  • Isku-buuqa (stress) iyo werwerka
  • Borootiin la’aan xad-dhaat ah
  • Cunto xumo qofka ku dhaca, taasoo keenta diciifnimo ku dhacda hormoonada timaha bixintooda caawiya
  • Daryeel la’aan timaha ku timaada. Sida, maydhis la’aan, saliid la’aan iyo feedhis la’aan
  • Nooc ka mid ah cambaarta timaha gasho
  • Fiitamiin “C” la’aan (lack of Vitamin C)

Xanuunada Sababa Bidaarta

  • Dhiig-karka
  • Gooryaanka nooc ka mid ah ( Ringworm)
  • Qanjidhka luqunta ku yaal oo bukooda (Thyroid Gland)
  • Xanuun ku dhaca jidhka oo sababa timo daadasho (Lupus). 50% ayuu sababaa inay timuhu daataan.

Ka Hortagida Bidaarta

  • Daryeelida timaha : maydhis, saliidayn iyo feedhis joogto ah.
  • Iska jir dawooyinka timaha madoobeeya, caseeya amma midab kale ka dhiga. Waxa ku jira maado sababta timo daadashada.
  • Iska jir dawooinka amma kiriimada timaha adkeeya. Waxa ku badan maado la dagaalanta soo bixista timaha.
  • Iska jir inaad cunto Beed aan bislaan
  • Hoos u dhig haddii isku-buuq ku haysto (stress)
  • Xiirashada joogtada ah, ayaa keenta inay timuhu yareeyaan soo bixista

  Beerista Timaha

Unugyo timaha madaxa oo lagu koriyey shaybaadh ayaa la filayaa in xal loogu helo bidaarta, sida ay muujinnayaan jitaabooyin hordhac ah.  Farsamadan waxaa loo adeegsanayaa waxyar oo ka mid ah unugyada timaha ee madaxa ku hadhay, ka dibna inta la koriyo ayaa dib loogu mudayaa madaxii Bidaartu haleeshay, halkaas oo timo cusub ku dhalanayaan.

Sidaas waxaa sheegay saynisyahanno ingiriis ah.. Waxay sheegeen in jitaabadii horeba, 19 qof oo lagu jitaabiyey farsamadan, 11 ka mid ah ay timo cusub u soo baxeen.  Hase ahaatee, weli loo sii baahan yahay in jitaabo dheeraad ah la sii sameeyo, si qaab sugan oo kama dambeys ah loo gaadho. habkan timo cusub ugu soo baxayaan dadka bidaarta qaba. Sida la soo sheegayo, qaabkani wuxuu bidaarta kaga taqalusayaa bilo gudahood ah, madaxiina timo cusub ugu soo baxayaan.

Waa xeelad aqooneed oo bidaarta lagula tacaalayo, waxaana la sheegay in shan sano gudahood, ay noqon doonto mid baahsan oo loo adeegsan doono xallinta bidaarta.  Shirkadda Cilmi baadhistan soo bandhigtay oo lagu magacaabo Intercytex ayaa wargeyska Kasmo, tirsigiisii 190, wuxuu hore uga qoray warbxintan:

Dalka ingiriiska oo laga Bilaabay Daweynta Bidaarta

Shirkad lagu magacaabo Intercytex, xarumona ku leh magaalooyinka Cambridge iyo Manchester  ee dalka Britain ayaa horraantii bishan Oktoobar, dawladdu guddoonsiisay deeq lacageed oo dhan £1.85m.

Lacagtaas oo qayb ka ah dadaal lagu hormarinayo wax ka qabashada bidaarta haleeshay       malaayiin rag ah, iyo qaar ka mid ah haweenkaba. Shirkaddaas, Intercytex, waxay soo bandhigtay in ay si ashqaraar leh ugu guuleysatay timo u soo bixinta, 5 ka mid ah toddoba rag ah oo ay ku jitaabisay farsamo cusub oo timo loogu soo bixinayo rag madaxoodu hoolan yahay, bidaar darteed. Waxayna jitaabo hadda ku hayaan 20 nin oo kale. Wixii ka dambeeyana loo soo gudbi doonaa in ay si ganacsi ugu baahdo dalkan ingiriiska iyo dunida kaleba.

Qaabkan oo ah mid aan hore loo adeegsan, waxay sheegeen in bidaar oo dhan, tan ugu xun, lafteeda ay muddo seddex sano ah xal ugu helyaan. Saynisyahanada arrintan gacanta ku haya, waxay sheegeen inay adeegsanayaan qalab beera timaha, iyada oo marka hore, timo laga soo jarayo Qadaadka qofka bidaarka qaba, ka dibna ‘qalabku’ baadhis iyo abuurid ku samaynayo.

Halkaas oo dib loogu beerayo madaxa bidaartu haleeshay, iyadoo irbad aad u dhuuban lagula mudayo maqaarka hoose ee halka bidaartu leeftay, qadar aan ka badnayn nusa saacna lagaga dhigayo madaxaas mid ay dib timo uga soo baxaan. Waxaa la filayaa in qaabkani horseed u noqdo in Aw-bidaareyaal badan oo madaxoodu hoolan yahay, sida kan warbixintan qoray, in ay wakhti aan fogayn madaxoodu dib timo u yeesho.

Fiitamiinada ka hortaga Bidaarta

Fiitamiin B, Fiitamiino isku jira (Multi-Vitamin), macdanaha, Iron, Calcuim, Zinc, whole Grain, Fiitamiin D, Fiitamiin B 12.

Daweynta Bidaarta

Kiniinka la yidhaa” propecia ( Finasteride). Waxa laga helaa oo keliya dalka ingiiriska. Sida ay sheegayaan dhakhaariirtu kiniinkani wuxuu dib u soo celiyaa timihii Bidaartu goysay. Wixii saamayn ah ee uu keenayo waxa kuu sharaxi kara dhakhatar aqoon u leh.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Xigasho:

Only hair loss.com

Every day health.com.

Kasmo newspaper

Livesceince.com

Belgraviacentre.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories