HomeSababaha is-ballaadhinta Iran iyo taxadirka ku habboon - Maxamuud Cali Maxamed-Q.1aad

Sababaha is-ballaadhinta Iran iyo taxadirka ku habboon – Maxamuud Cali Maxamed-Q.1aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hadalkan waxa yidhi khabiir faalleeya siyaasadaha Bariga dhexe, “Haddii Khomeini (Hoggaamiyihii kacaanka Iran) uu noolaan lahaa, wuu ku farxi lahaa sida hoggaamiyeyaashii beddelay ugu guulaysteen u dhoofinta kacaamiyiin khubaro ku ah xag-jirnimada waddammada geeska Afrika. Hawlgallada Iran ee geeska Afrika oo ka bilaabmay dalka Sudan ayaa xilligan gaadhay dadyowga Muslimka ah ee Kenya, Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Dublamaasiyiin socdaalo ku tegay Soomaaliya ayaa cadeeyey inay si weyn u muuqdaan korodhka joogitaanka Iran ee Muqdisho, caasimada Soomaaliya, balse, isku baaldhinta aan tayeysnayn ee Iran ee wadamada geeska Afrika waxay qeyb ka tahay hadafka fog ee ay ku doonayaan inay ku hareereeyaan muhiimadooda koowaad ee gobolka Sacuudiga, laakiin, waxaan weli badi khubarada falanqeeya siyaasada gobolku aad u fahmin inay Iran tahay wadanka sii kordhiya xasilooni darada ka taagan Soomaaliya.

Si aan wax badan uga fahamno istaraatijiyada Iran, waxaa wanaagsan inaan dib ugu laabano oo qiimayno taariikhdii hogaamiyeyaashii kacaanka Iran iyo hamigoodii. Muhammad-Javad Larijani, oo ahaa la-taliyaha arrimaha siyaasada ee Rafsanjani 1989, ayaa yidhi, “Muhiimada koowaad ee siyaasadeena qaranku wa ainaan awood ku yeelano dunida muslimka. Taasi macnaheedu wa ainaan Iran ku koobnaan xuudaheeda muuqda…mana aha sida wadamada kale. Maanta waa dhab inaan aqbalno xuduudaha aduunka u yaal si aan dhibaato uga badbaadno, laakiin masuuliyada inna saran taasi ka joojinayso.

Masuuliyadaasi xuduudaha way ka gudubtaa, waana inaan siyaasadaheena ku dhisnaa qaab aan ku gaadhno dhamaan wadamada muslimka. Wadan aan Iran ahayn ma hogaamin karaan ummada islaamka; taasi waa u muhiim taariikhdeena. Isagoo sharxaya fikrada Ummul-quraa, ayuu  Larijani ku sheegay, maxaan u rumaysanayaa in waajibkaygu ku kooban yahay xuduudahayga? Sababtoo ah, keliya ma nihin dawlad Islaam ah, waxaan haynay Wilaayada xilligii [Khomeini] iyo wakhtigii Ayatollah Khamenei. Wilaayadaasi waa awooda ugu saxan ee lagu maamulayo dhamaan ummada islaamka.

Ummadda Muslimku ma dareensana inaan awoodaa maamul leenahay, laakiin taasi hadafkeena ma joojinayso. Dhab ahaan. Ilaa inta ilaalintaasi jirto, wilaayadu waxay masuul ka tahay ummada islaamka, waxaana waajib ku ah ummada islaamka inay adeecaan. Ilaa inta wadankeenu u taagan yahay ilaaliyaha ummada, waxa waajib innaga saran yahay dhamaan ummada islaamka.

Awoodaha kala duwan ee lagu sheegay dastuurka vali-e-faqih, ayaa, weliba ka hooseeya kuwii uu aaminsanaa Khomeini. Ahmad Azari-Qomi, oo ka mid ah wadaadada hogaaminta sare ayaa ku qeexay ulajeedada ilaaliyaha/hogaamiyaha ummadda sidan; velayat-e-faqih waxa loola jeedaa lahaanshaha gebi ahaan awooda maamul iyo diimeed ee ummada.

Masuuliyaddaasi waa mid saamaynaysa dhammaan aduunka iyo waxa ku nool, ama noole ha ahaado ama wax kale, qudhaanjada, geedaha, xayawaanka iyo wax kastoo kale oo xidhiidh la leh nolosha bani’aadamka iyo hantidooda. Ilaaliyahu waxuu awood u leeyahay inuu gebi ahaanba maamulo waajibaadka diiniga ee dadka oo wax ka bedelo haduu u arko inay ka horimanayso danaha islaamka iyo ummada. Waxuu mamnuuci karaa waajibaadka diinta ama wax kale hadday ka horyimaadaan danahooda.

Maxamuud Cali Maxamed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories